10-kii Domain Name Ee La Iibsaday Ee Ugu Qaalisanaa Adduunka

  • November 13, 2023
  • Comment 0

10-kii Domain Name Ee La Iibsaday Ee Ugu Qaalisanaa Adduunka

Ganacsiga Domain Name-ku maaha ganacsi cusub, waxaana jira dad badan oo iibsada domain name-ka, siina iibiya oo ka macaasha, hasa yeeshee waxaa laga yaabaa inaad la yaabto markaad ogaato inay jiraan dad lacag badan ku sameeya iibinta domain name-ka oo kaliya, heer domain name-yada qaarkood malaayiin doolar lagu iibsaday.

Iibinta domain name-yada iyo sii iibintoodaba, waxay la mid tahay sida ganacsiyada caadiga ah oo kale, adigoo soo iibsanaya badeecad, kadibna sii iibinaya, iyadoo ay kuu saaran tahay faa’iidadaada, hasa yeeshee ganacsiga domain name-ku wax yar ayuu kaga duwan yahay ganacsiyada caadiga ah, maadaama badanaa ujeedka iibka domain name-ku ay tahay in shakhsi ahaan looga faa’idaysto, ee aysan ahayn in laga ganacsado.

Hadii aad rabto inaad ka ganacsato domain name-ka waxaa marka hore lama huraan ah inaad iibsato domain name soocan oo fariin weyn xanbaarsan, sida (EDUCATION.com, WORLD.com, SEO.com / DAAWOOYIN.com, CUNTO.com, ADEEGYO.com, IWM) oo aad dib ugu sii iibiso goobaha laga iibsado domain name-yada.

Liiskaan waxaa ku jira domain names-yo kala duwan nuxur ahaan iyo takhasus ahaanba:

1. Business.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2007-dii, waxaana lagu iibsaday lacag $345 Milyan. Domain name-kan waxa uu yahay domain name-ka ugu qaalisanaa adduunka qiimo ahaan, inta la xaqiijiyay ilaa hadda, waxaana iibsatay shirkaddan magaceedu yahay RH Donnelly.

2. LasVegas.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2005-tii, waxaana lagu iibsaday lacag $90 Milyan. Domain name-kan waxa uu yahay domain name-ka labaad ee ugu qaalisanaa adduunka qiimo ahaan, inta la ogyahay ilaa hadda, waxaana iibsatay shirkaddan magaceedu yahay VEGAS.com.

3. CarInsurance.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2010-kii, waxaana lagu iibsaday lacag $49.7 Milyan, waxaana iibsatay shirkaddan magaceedu yahay QuinStreet, oo ah shirkad suuqgeyneed isla mar ahaantaana ah shirkad warbaahineed, taasoo fadhigeedu yahay California.

4. Insurance.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2010-kii, waxaana lagu iibsaday lacag $35.6 Milyan, waxaana iibsatay isla shirkadiii hore ee magaceedu ahayd QuinStreet, oo ah shirkad suuqgeyneed isla mar ahaantaana ah shirkad warbaahineed, taasoo fadhigeedu yahay California.

5. VacationRentals.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2007-dii, waxaana lagu iibsaday lacag $35 Milyan, waxaana iibsaday Brian Sharples.

6. PrivateJet.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2012-kii, waxaana lagu iibsaday lacag $30.18 Milyan, waxaana iibsatay shirkaddan magaceedu yahay Nations Luxury Transportation.

7. Voice.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2019-kii, waxaana lagu iibsaday lacag $30 Milyan, waxaana iibsatay shirkaddan magaceedu yahay Block.one.

8. Internet.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2009-kii, waxaana lagu iibsaday lacag $18 Milyan, waxaana iibsatay isla shirkadiii hore ee magaceedu ahayd QuinStreet, oo ah shirkad suuqgeyneed isla mar ahaantaana ah shirkad warbaahineed, taasoo fadhigeedu yahay California.

9. Insure.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2009-kii, waxaana lagu iibsaday lacag $16 Milyan, waxaana iibsatay isla shirkadiii hore ee magaceedu ahayd QuinStreet, oo ah shirkad suuqgeyneed isla mar ahaantaana ah shirkad warbaahineed, taasoo fadhigeedu yahay California.

10. Hotels.com – Domain name-kan waxa la iibsaday 2001-dii, waxaana lagu iibsaday lacag $11 Milyan, waxaana la sheegaa inuu iibsaday David Roche.

Iyo qaar kaloo badan sida kuwan oo iyaguna lagu iibsaday malaayiin doolar:

  • FB.com
  • Diamond.com
  • SEO.com
  • Cloths.com
  • Icloud.com
  • Toys.com
  • Korea.com
  • Israel.com

Inta badan dadka ka ganacsada domain names-yada waxay iibsadaan tiro badan oo domains-yo ah, iyagoo rajeynaya in mustaqbalka laga yaabo inay qiimo sare ku helaan mid ka mid ah domains ay leeyihiin. Sidaa darteed, hadii aad rabto inaad ganacsigan bilawdo waxaan kugu la talin lahaa inaad domain names-yada aad ka iibsato website-kan caanka ah ee la yidhaahdo “”, adigoo qiimo jaban ku hali doona domain name-yada.

Ku darsoo, hadii aad link-gan raacdo waxaad helaysaa qiimo dhimis macquul ah: 👇

Halkan Guji oo Hel Qiimo Dhimis Macquul Ah

Hagaag, haddaba hadii aad rabtid inaad yeelatid website kuu gaar ah, ama u gaar ah ganacsigaaga, ama mashruucaaga, nala soo xidhiidh, maxaa yeelay shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERBICES Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce websitePersonal websiteSmall business websitePortfolio websiteBlog websiteNews websiteEducational websiteEvent websiteIWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE DIGITAL SERBICES, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *