3 Fikradood Oo Aad Lacag Ka Samayn Karto Xittaa Adiga Oo Aan Guriga Ka Bixin

3 Fikradood Oo Aad Lacag Ka Samayn Karto Xittaa Adiga Oo Aan Guriga Ka Bixin

3-dan fikradood ee aynu ka hadli doono –eebe idamkii- waa 3-da fikradood ee ugu fudud uguna degdega badan ee internet-ka lacag looga sameeyo, adigoo xittaa jooga dalkii hooyo, misna jooga gurigiisa iyo goobihiisa kale ee shaqo.

Sidoo kale waxaan 3-dan fikradood kaaga diyaarinay kooroosyin dhamaystiran oo kaa haqab tiraya dhamaan sidii aad u bilaabi lahayd, uga shaqaysan lahayd, iyo goobihii aad ka bilaabi lahayd, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato mid ka mid ah koorsooyinka, inaad si toos ah lacag uga samayso online-ka.

1. Ganacsiga E-Commerce

Ganacsiga E-commerce ahi weli waa goob faa’iido leh oo ka mid ah goobaha ugu horreeya (hadaysanba ahayn goobta ugu horraysa), laakiin taa ka sokoow, waa inaad ogaataa in Ganacsiga E-commerce ahi uu u baahan yahay dadaal, dadaal iyo dadaal badan, isla mar ahaantaana uu u baahan yahay xogaa raasamaal ah ama xoogaa lacag ah, si aad ugu maalgeliso xayaysiisyadaada.

Waxaa jira laba arrimood oo aad muhiim u ah oo go’aaminaya sidaad ugu guulaysan lahayd ganacsigan e-commerce ah, kuwaasoo kala ah:

  • Istaraatiijiyadda iyo qorshaha aad u dejisay ganacsigaaga.
  • Tayada alaabta aad rabto inaad iibiso.

Ganacsigan e-commerce ahi faa’iidooyinkiisa ugu waaweyn ee uu leeyahay waxaa ka mid ah in aad ka shaqayn karto adigoo gurigaaga jooga, iyo in aanay daruuri ahayn oo aad ka maarmi karto bakhaar ama goob aad dhigto badeecadda aad rabto inaad iibiso.

Hadii aad rabto inaad wax badan ka sii fahamto ganacsigan, soo daalaco koorsadeenan kuugu diyaarsan isla madashan, adigoo gujinaya badhankan hoose, koorsadaasoo kuu kala dhig-dhigaysa fahamka guud ee uu leeyahay ganacsiga e-commerce ahi.

2. Blogging

Blogging wuxuu ka mid yahay ganacsiyada ugu fudud ee aad lacag ka samayn karto waliba adigoo gurigaaga jooga.

Waxaana fiican waa in aad wax ka qori karto goobaha ama majaalada aad ku fiican tahay isla mar ahaantaana aad wax ka fahamsan tahay.

Hadii aad tahay qof yaqaan luqadaha kale ee ajaanibta sida carabiga ama ingiriisiga, waxaad wali sii haysataa fursado badan oo aad wax ku qori karto.

Intaas ka dib, tallaabada xigta waa inaad ka shaqeyso blog-gaaga, si aad u kordhiso tirada dadwaynahaada iyo booqdayaashaadaba, sababtoo ah booqdayaashu waa qodobka kaa caawinaya inaad blog-gaaga lacag ka sameyso.

Waxaadna blog-gaaga ka samayn kartaa lacag, adigoo u maraya inaad xayaysiiso ku soo daabacdo, ama ku iibinaya koorsooyin iyo buugaag la xidhiidha waxa aad ka hadasho, iwm.

Sidoo kale waxaad la macaamili kartaa shirkado kale, adiga oo kor u qaadaya wax soo saarkooda iyo badeecadahooda, si aad iib kaste oo adiga dhankaaga ka dhaca ugu hesho lacag komishin ah.

Waxaa jira farsamooyin iyo habab kaloo badan oo blogging lacag looga sameeyo, hase yeeshee tan ugu fudud uguna degdega badan ayaa ah inaad blog-gaaga ku soo daabacdo xayaysiimo.

Taasoo oo ah waxa aynu koorsadeenan kaga hadlayno, adigoo ka boganaya bilaw ilaa dhamaad, guji badhankan hoose.

3. Affiliate Marketing

Waa suuqgeeye dhexdhexaadiye ah oo khibrad u leh dhinaca wax iibinta, kaasoo iibiya badeecadaha/adeegyada dadka kale si uu iib kasta oo isaga dartii u dhaca ugu helo lacag yaroo komishan ah.

Affiliate Marketing wuxuu u dhexeeya cidda leh bvadeecadda/adeegga ama wax soo saaraha iyo macaamilka kama dambaysta ah.

Qofka Affiliate Marketing-ka ahi wuxuu kor u qaadi karaan oo uu suuqgeyn karaa badeecadaha dhijitaalka ah iyo kuwa aan dhijitaalka ahayn.

Qofka Affiliate Marketing-ka ahi wuxuu si buuxda uga shaqayn karaa gurigiisa iyo goobihiisa kale, kaliye waa inuu barto xeeladaha iyo xirfadaha kala duwan ee wax iibka, isagoo badeecadaha/adeegyada ku suuggeynaya baraha bulshada ama goobaha kale ee dhijitaalka ah.

Waxaan si fiican u ognahay in waddo kasta ay bilawgeeda hore u muuqato mid adag, se haddii aad u baahato caawimaad, taasoo ku saabsan sidii aad ganacsigan u bilaabi lahayd, waxaad booqan kartaa koorsadeenan ee aynu kaaga diyaarinay ganacsigan ah Affiliate Marketing, adigoo gujinaya dhankan hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *