3 Mashruuc Oo Aad 2024 Bilaabi Karto (3 Mashruuc 2024)

  • January 3, 2024
  • Comment 0

3 Mashruuc Oo Aad 2024 Bilaabi Karto (3 Mashruuc 2024)

3 mashruuc 2024 – Waxaa jira dad badan oo haatan raadinaya fikrad mashruuc oo guul leh, isla mar ahaantaana aan u baahnayn wax rasamaal ah, ama rasamaal yar, hasa yeeshee aad ayay u adagtahay in la helo, lana hirgaliyo mushruuc guul leh isla mar ahaantaana aan u baahnayn wax raasamaal ah, se haddii aad tahay qof ay ka go’an tahay inuu bilaabo mashruuc guul leh 2024, ama aad tahay qof xogaa rasamaal yar ah heli kara, markaa iyada ah waxaad joogtaa qormadii saxda ahayd, qormadaasood ka heli doonto mashaariicyo daraasaysan, laguna eegay il soomaaliyeed.

Run ahaantii, mashaariicyadani waxay aad ugu haboon yihiin dadyawga bilowga ku ah tignoolajiyadda iyo lacag samaynta internet-ka, maadaama kharashka lagu bilaabayaa ay yar tahay, la qabsigoodanu uu iska yara fudud yahay.

1. Iibinta Adeegyada

Iibinta iyo bixinta adeegyadu waa mashruuc soo saara lacag fiican, isla mar ahaantaana aan badanka u baahnayn wax rasamaal ah, ay kaliya u baahan tahay xirfad, haddii aad leedahay xirfad.

Tusaale ahaan waxaad baran kartaa, ood isla mar ahaantaana iibin kartaa xirfadahan soo socda:

  • Naqshadaynta
  • Garaadka Samayska Ah (AI)
  • Tafatirka noocyadiisa kala duwan, haday noqon lahayd muuqaalada, sawirada, buugaagta, qormooyinka, iwm
  • Hagaajinta (Edit) muuqaalada
  • Suuqgeynta
  • Programming-ka
  • SEO-ga
  • Qorista Qormooyinka

Waxaad adeegyadaada ku bixin kartaa suuqyo badan oo madax banaan, sida Upwork, Fiverr, Freelancer, ama aad yeelato goob gaar ah oo kuu madax-bannaan, ama aad dhamaantooda iska diiwaan galiso, si aad u kordhiso fursadahaaga ah inay ku ogaadaan dadka u baahan xirfadahaaga.

2. Iibinta Badeecadaha Dhijitaalka Ah

Badeecadaha dhijitaalka ah waa badeecado faa’iido sare leh, oo aan la taaban karin, taasoo la macno ah inay yareeyaan kharashaadka sida wax soo saarka iyo dhoofinta, waxayna sidoo kale leeyihiin faa’idooyin aad u badan tahay.

Furaha guusha mashruucan waa in la fahmo waxa badeecadda dhijitaalka ah ka dhigaya mid soo jiidasho leh.

Sanadihii la soo dhaafay, suuqa badeecadaha dhijitaalka ah (Digital Products) ayaa kor u kacay, oo ay ugu horrayso samaynta koorsooyinka online-ka ah, hase ahaatee, koorsooyinka online-ka ah ma ahan nooca kaliya ee ka mid ka ah noocyada Digital Products.

Soo Daalaco Qormadan: Waa Maxay Noocyada Digital Products (Badeecadaha Dhijitaalka Ah) Ee Ugu Muhiimsan? Isla Mar Ahaantaana Aad Passive Income Ka Samayn Karto

3. Bilaabidda Ganacsi E-Commerce Ah

Ganacsiga e-commerce-ga ah waa nooc ka mid ah ganacsiyada caadiga ah ee aynu naqaano ee ku salaysan wax kala bedeleshada, kaas oo dhamaantii ka dhex dhaca internetka-dhexdiisa, badeecadaha iyo adeegyada lagu bedelenayo lacagta waxay noqon karaan kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karin, wax kala bedeleshadaasna waxaa fududeeya website-yada, iyo Apps-yada, iibsadayaashuna waxay wax iibsan karaan, iyagoon u baahanin inay meesha ay wax ka iibsanayaan jir ahaan u joogin.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira TheoryPractise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- numberda hoosena ka soo dalbo.

Hadiise aanad garanayn meel aad wax ka bilawdo, ama aad rabto in fikrad gaar ah, ama suuq gaar ah lagu la falanqeeyo, lagaana siiyo qorshe cad, ama aad rabto in talooyin ganacsi lagula wadaago, ama si guud hadaad rabto inaad hesho hagid ganacsi oo dhamasytiran, nala soo xidhiidh, ama soo dalbo adeegeena ah “BUSINESS CONSULTING”,  kana soo dalbanaya whatsapp numer-keena ah +252-90-5582875, WhatsApp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *