3 Talo Oo Muhiim Ah Ka Hor Intaadan Yeelan Ganacsi E-Commerce Ah

3 Talo Oo Muhiim Ah Ka Hor Intaadan Yeelan Ganacsi E-Commerce Ah

Ma waxaad doonaysaa inaad kaliya lacag uu ka samayso internet-ka?

Mise si dhab ah ayaad u rabtaa ganacsiga e-commerce ah, ama waxaad leedahay ganacsi maxalli ah, waxaan rabtaa inaad u bedesho ganacsi e-commerce ah?

Haddii aad si dhaba u rabto inaad internet-ka lacag ka samayso, gaar ahaan ganacsiga e-commerce-ga ah, dhamayso maqaalkan, eebe idamkii waad ku faa’idi.

Waa maxay fikradda ah ganacsi e-commerce ah?

Ganacsiga e-commerce ah wuxuu la mid yahay ganacsiga maxalliga ah, kaliya wuxuu kaga duwan yahay habka uu u dhacayo, habkaasoo gabi ahaantii ah mid online ah.

Sidoo kale ganacsiga e-commerce ah kuma xidhna aag ama goob gaar ah iyo wakhti go’an toonna, waa ganacsi furan oo madax-bannaan, iyadoo suuragal ah in wadamada aduunka oo idil wax laga iibiyo, isla mar ahaantaana wakhti kasta laga iibiyo.

3 Talo Oo Muhiim Ah Ka Hor Intaadan Yeelan Ganacsi E-Commerce Ah

1- Si Taxaddar Leh U Dooro Badeecooyinka Guusha Leh

Si fiican u baro suuqa aad rabto inaad bartilmaameedsato, isla mar ahaantaana daraasee badeecooyinka ku habboon suuqaas, sidoo kale baro oo daraasee tartamayaashaada ee suuqa kugula jira.

Waxaan kugula talineynaa in ganacsigaagu uusan ahayn ganacsi ku salaysan xilli, nacam uusan ahayn xilliyeed, dooro ganacsi jiri kara xiilikasta, suuqana ku jiri kara, si aanad u lumin macaamiishaada xilliga uusan ganacsigaagu shaqaynayn.

Tusaale, adigoo bilaaba ganacsiga jaakadaha (koodhahdka), maxaa yeelay xilliga kulaylaha la iibsan doono jaakadaha.

2- Hubi Heerka Baahida Ganacsigaaga E-Commerce Ah Loo Qabo

Suuqa waxaa ka buuxa alaabooyin iyo badeecooyin aad u tiro badan, in aad la tartantaana waxay u baahan tahay daraasad xoog leh inaad ku samayso heerka baahida ganacsigaaga loo qabo, sidoo kalena waa inaad hubisaa inaad awood u leedahay inaad la tartanto tartamayaashaada suuqa kugu la jira.

3- Samee Falanqeyn Iyo Daraasad Buuxda Oo Ku Saabsan Tartamayaashaada Iyo Suuqa Aad Bartilmaameedsanayso

Waa in aad falanqeyso suuqa aad beegsaneyso, waa ayo cidda kula tartamaysa? Waa ayo dadwaynaha aad beegsanayso?

Falanqee suuqa aad beegsanayso, adigoo dhan walba iska dul taagaya, sidoo kale falanqee tartamayaashaada, adigoo falanqaynya dhibaatooyinka haysta, si aad adigu xal ugu keento, noqo mid si hufan u falanqeeya tartamayaashiisa iyo suuqa aad beegsanayso.

Ganacsiga e-commerce-ga ah waa nooc ka mid ah ganacsiyada caadiga ah ee aynu naqaano ee ku salaysan wax kala bedeleshada, kaas oo dhamaantii ka dhex dhaca internetka-dhexdiisa, badeecadaha iyo adeegyada lagu bedelenayo lacagta waxay noqon karaan kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karin, wax kala bedeleshadaasna waxaa fududeeya website-yada, iyo Apps-yada, iibsadayaashuna waxay wax iibsan karaan, iyagoon u baahanin inay meesha ay wax ka iibsanayaan jir ahaan u joogin.

Hagaag, hadaba hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga e-commerce ah iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.

Waxayna koorsadani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira TheoryPractise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadani waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- numberda hoosena ka soo dalbo.

Hadiise aanad garanayn meel aad wax ka bilawdo, ama aad rabto in fikrad gaar ah, ama suuq gaar ah lagu la falanqeeyo, lagaana siiyo qorshe cad, ama aad rabto in talooyin ganacsi lagula wadaago, ama si guud hadaad rabto inaad hesho hagid ganacsi oo dhamasytiran, nala soo xidhiidh, ama soo dalbo adeegeena ah “BUSINESS CONSULTING”,  kana soo dalbanaya whatsapp numer-keena ah +252-90-5582875, WhatsApp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *