3-da Siyaabood Ee Ugu Sarreeya Ee Aad Internetka Lacag Uga Samayn Karto

3-da Siyaabood Ee Ugu Sarreeya Ee Aad Internetka Lacag Uga Samayn Karto

Dhab ahaantii waxaa jira siyaabo badan oo dhab ah oo lacag looga sameeyo internetka. Malaayiin dad ah ayaana lacag ka sameeya internet-ka maalin kasta, Waxaana jira fikrado ganacsiyeed oo badan oo aad isku dayi karto inaad lacag ka samayso adigoo gurigaaga jooga oo isticmaalaya kumbuyuutarkaaga, ama mobile-kaaga iyo internetka oo kaliya.

Halkan Waxaa Ah 3-da Siyaabood Ee Ugu Sarreeya Ee Aad Internetka Lacag Uga Samayn Karto:

1. Dropshipping

Waa ganacsi ka kooban 3 xubnood, xubinteeda koowaad waa alaab-qaybiyaha ama alaab-sameeyaha laftiisa, xubinteeda labaadna waa macmiilka, teeda sadexaadna waa dhexdhexaadiyaha.

Haddaba dhexdhexaadiyuhu muxuu yahay?

Waa qofka alaab-qaybiyaha ka qaadanaya muuqaalka badeecadda, ma ahan badeecadda lafteeda, ka dibna ku soo daabacaya website-kiisa, qiimaha badeecaddana ku biirinaya faa’iidadiisa, isla mar ahaantaana suuqgeynaya.

Dropshipping-ku wuxuu fursad weyn ugu taagan yahay qof kasta oo doonaya inuu samaysto mashruuc online ah oo u gaar ah, isagoon fara-gelin caqabadaha iyo kharashyada lahaanshaha alaabta.

Sii Daalaco: Waa Maxay Dropshipping? Sideese Ayuu U Shaqeeyaa?

Haddii aad xiisaynayso isla wakhti xaadirkan inaad bilawdo mashruucaaga ku aadan dropshipping-ka haka waaban inaad nala soo xidhiidho, waayo waxaan aqoon iyo khibrad buuxda u leenahay ganacsigan iyo noocyadiisa, sidaa darteed wixii caawimaad iyo talooyin ah way inoo furan yihiin. bilow inaad qaado talaabooyin wax ku ool ah maanta si aad u gaadho riyadaada.

Se hadii aanad waxaba ka aqoon Dropshipping-ka iyo guud ahaan E-commerce-ga, waxaan kuu diyaarinay course dhamaystiran oo kaa haqabtiraysa dhamaan waxyaabihii aad uga baahanaan lahayd galitaanka Ganacsiga Dropshipping-ka Ah ama guud ahaan ganacsiga e-commerce-ga, laga bilaabo helidda fikrada, dhisidda qorshe dhamaystiran, helidda badeecadaha ugu iibka badan, samaynta website, suuqgeynteeda (Digital Marketin), iyo xittaa curinta nuxurka (Content Creation).

Koorsadani kunawaad waxay ka kooban tahay 50 video, oo iskugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta Ganacsigaaga Dropshipping-ka Ah ama guud ahaan ganacsigaaga e-commerce-ga ah, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.

2. YouTube

Youtube waa mid ka mid ah aaladaha ugu wanaagsan internet-ka, lacagna laga samayn karo, waxaana jira dhowr siyaabood oo kala duwan oo lacag looga samayn karo YouTube, oo ay ka mid yihiin, Xayeysiisyada (Advertisements), Affiliate Marketing, Iibinta Adeegyadaada, YouTube Shorts, SuperChat, kuwaasoo aanu u aragnay inay u fududahay qofka soomaaliga ahi inuu lacag ka sameeyo isagoo dalka hooyo jooga.

Samaynta kanaal YouTube waa mid ka mid ah hababka ugu qadiimsan uguna fiican marka loo eego gayigeena soomaaliyeed, waana hab amaan ah oo aan kaaga baahnayn wax raasa-maal ah, waxay kaa caawin kartaa inaad samaysato dakhli badan, adigoo kanaalkaaga ku soo badhigaya nuxur faa’iido u leh daawadayaasha, kuna kallifaya shirkadaha iyo xayeysiiyayaashu inay kula soo xidhiidhaan, si ay xayaysiintoodu uga soo muuqato kanaalkaaga.

Dhab ahaantii waxay u baahan tahay dulqaad iyo shaqo adag bilowga hore, laakiin dulqaad iyo dadaal badan ka dib waxaa dhalan doonta –eebe idamkii- il dhaqaale oo sugan oo ku tiirsan mabda’a dakhliga dadban.

Sii Daalaco: 5 Siyaabood oo YouTube lacag looga sameeyo

3. Blogging

Blogging waa mid ka mid ah siyaabaha ugu fiican uguna fudud ee internet-ka lacag looga sameeyo, Blog waxaa lagu qeexaa inuu yahay nooc ka mid ah website-yada, oo diiradda saara daabacaadda qoraallada (maqaallada) hab taariikhi ah.

blog-yadu waa ay ku kala duwan yihiin ujeeddada loo adeegsado ama loogu talagalay, waxaana jira blog-yo shakhsiyaad ah oo uu qofku ku wadaago danihiisa ama aqoontiisa, iyo blog-yo gaar ku ah mashaariicyo iyo shirkado.

Sidoo kale waxaa jira blog-yo ay ujeedadoodu tahay in lacag laga sameeyo, Taas oo ah udub dhexaadka wada-hadalkeena maanta.

Ugu horrayn, yaynaan iloobin in waxa ugu muhiimsan ee kuu sahlaya ama kuu ogolaanaya inaad lacag ka samayso blog-kaaga ay tahay in aad bixiyo oo aad soo bandhigdo waxyaabo “QIIMO LEH”.

In waxyaabo qiimo leh aynu soo bandhigno, waxay noo ogolaanaysaa in aan helno booqdayaal, islamar ahaantaana awood aan u yeelano in siyaabo badan aan lacag uga samayno blog-keena.

Sii Daalaco: 3 Siyaabood Oo Aad Lacag Uga Samayn Karto Blog-Kaaga

4 Comments

  1. Ustaad waxad iga cawisa sida blogger ka lowgu daro themes waxajira themes la socda blogger ka lkin Muqaal ahaan iyo tayaba laga fiican yahay
    Mclin sida themes low dhiso iga cawi
    Iyo halka laga soo dajisto

  2. Ustaad waxan u baahanahay in aad I barto sidaan online lacag ugu samayn lahaa wyo waxan ahay aabo iska xaaladaysan bila camalna ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *