5 Fikradood Oo La Xidhiidha Youtube-Ka

5 Fikradood Oo La Xidhiidha Youtube-Ka

Kahor intaadan guda galin inaad YouTube lacag ka samayso, waa inaad ugu horreyn haysataa fikrad uu kanaalkaagu ku wareegayo.

Dad badan ayaa aad ugu adag inay helaan fikrad wax ku ool ah, oo ay YouTube kaga shaqaystaan, taasoo u dhalisa lacago badan.

Run ahaantii way adag tahay in la helo fikrad wax ku ool ah, oo hadana la jaanqaadi karta milkiilaha kanaalka, hasa yeeshee maanta waxaynu idiin soo bandhigaynaa dhowr fikradood, oo aynu u aragnay inay yihiin kuwo miradhal-fiican yeelan kara, hadii si wacan loo soo gudbiyo.

5 Fikradood Oo La Xidhiidha Youtube-Ka

1- Kanaal La Xidhiidha Sheekooyinka Dhabta Ah

Daawadayaasha qaarkood ayaa aad u xiiseeya, una daneeya kanaalada la xidhiidha sheekooyinka dhabta ah, iyagoo badanaa isha ku haya waxa ay soo dhigeen. Sidoo kale nuxurka noocan ahi wuxuu keensanayaa inay dadka badankoodu muuqaaladaada dhamaystaan, maadaamay xiise u qabaan sheekada bilaw ilaa dhamaad.

2- Kanaal La Xidhiidha Wararka

Kanaalada baahiya wararka ayaa lagu tiriyaa inay yihiin mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lacag looga samayn karo Internet-ka iyadoo loo maraayo Youtube-ka, arrinta quruxda badan ee ku saabsan nuxurka noocan ahi ayaa ah in aysan u baahneyn dadaal badan si aad u soo saarto muuqaal, kaliya lasoco wararkii ugu danbeeyay ee la xidhiidha goobaha aad ka hadasho ama aad xiisayso, haday noqon lahaayeen siyaasada, dhaqaalaha, ciyaaraha, caafimaadka, tignoolajiyadda, iwm.

3- Kanaal La Xidhiidha Soo Koobidda Buugaagta

Waxa jira dad badan oo xiiseeya buugaagta, isla mar ahaantaana doonaya in loo soo koobo nuxurka uu daaran yahay buugu, iyagoon wakhti u hayn, ama aysan si guud u jecleen wax-akhriska, taasoo keensanaysa inaysanawoodin inay akhriyaan buuga oo dhan, hasa yeeshee ay jeclaan lahaayeen inay ogaadaan nuxurka uu ka hadlayo.

4- Kanaal La Xidhiidha Wax-Barashada

Fikradda ah inaad samayso kanaal la xidhiidha waxbarashada waxaa loo arkaa mid ka mid ah fikradaha ugu guulaha waa-weyn dhanka YouTube-ka. Waxaad ka hadli kartaa goobta aad aqoonta ama xirfadaha dheeriga ah u leedahay, sida:

  • Naqshadaynta
  • Coding-ka
  • Video Editing-ka
  • Afafka Qalaad
  • Photo Editing-ka
  • Suuqgeynta
  • Xisaabta

5- Kanaal La Xidhiidha Safarka

Si guud safarka waa goob ay daneeyaan tiro dad ah, kuwaasoo da’ kasta leh, waxaana goobtan loo arkaa inay tahay goob maaweelo ah, oo ay dadka badakiisu jecel yihiin, hasa yeeshee nuxurka noocan ahi in la fuliyaa si bay u yara adag tahay, maadaamay u baahan tahay kharash iyo waayo-aragnimo kala duwan.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Somali Alibaba Online Course

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *