5 Siyaabood oo Cajiib ah oo Lacag looga Sameeyo Online-ka.



(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

5 Siyaabood oo Cajiib ah oo Lacag looga Sameeyo Online-ka.

Internet ka maanta wuxuu isku xirey dunida oo dhan. Hadaba Fursado badan oo lacag kaga sameyn kartid Online ka baan rabaa in aan maqaalkan kuugu soo gudbiyo.
Si aad u aamintid, dhiirigalina kugu noqoto, waxaan kula wadaagi doonaa qeyb ka mid ah lacagaha aan ka sameeyo maadaama dadka ay jecelyihiin xaqiiqada iyo waxaan sheegayo in aan anugu horta qibrad u leeyahay

Create an Online Course


Hadii aad xirfad ama aqoon duruqsan u leedahay cilmi aad baratey kuna shaqeysid, waxaa ku furan inaad ( Mini Course ) ka sameysid oo wixii aad baratey dadka kale u faa’ideysid. Tusaale, Forex Trading course, Video Edeting, Affiliate Marketing, Dropshipping iyo IWM.
kaliyah waxaa lagaaga baahan yahey, in aad duubtid koorsada ayadoo maqal iyo muqaal ah, Kadibna aad Website soo galisid ardeydana aad qiimo macquul ah kaga gadid.
Aniga waxaan Course ka sameeyey cilmiga Affiliate Marketing qaabla looga shaqeysto. shaashada hoose fiiri, waa 3-dii bilood ee igu horeysay course ka lacagta an ka sameeyey oo ardeyda iga gadatey.

Intaa hadii aan kugu daro, marka hore muhiim maaha, website aad adugu leedahay in aad sameysid,waayo qarash fiican buu rabaa kadibna Koorsada soo galisid, waxaa jiro Websites loogu tala galey in aad Kooras ku iibin kartid soona gashan kartid Videos kaaga si bilaash ah. Oo aniga intii aanan website kan sameysan, halkaas ban ku iibin jirey . waa kan website ka link giisa. Click here to visit Thinkific

Start Youtube


Haa, Youtube ka lacag waa laga sameeyaa. markaan ku iri Youtube, waxaa maskaxdaada kusoo dhacdey, Prank, Vlogs, ruwaayado iyo Soomaali isku xagxaganeyso oo maalin walba dagaal afka ah isku qaado.
intaas wuuka weyn yahay Youtubeka, waxaa kusoo gudbin kartaa wax cilmiyeysan oo sharaftaada kaaga dhaceyn waayo waxaa isleedahay waxbaa baratey oo aqoonyahan baa tahey.
Aniga waxaa Youtube kayga kusoo gudbiyaa qaababka online looga shaqeysto iyo ganacsiyada guud ee Online ka ( Digital Marketing and Online Business) . Maadaama aan qibrad u leeyahay kuna shaqeeyo arimahaas.
Hadii aad 1000 susbcribers heshid iyo 4000 saacadood Youtube kaaga la daawado, Youtube ka bilkasta lacag buu kusoo dirayaa oo 70 dollars buu kaaga bilaabayaa. Hadii aad Vidoes badan soo dhigtidna dabcan lacagtaas wey sii badaneysaa.
waatan shaashada Youtube kayga markaan bilaabey.

 

Freelancing


Freelancer in aad noqotid waxaa u baahan tahay, Internet acess, labtop iyo in aad iska diwaan galisid websites looga shaqeeyo shaqadan sida Fiverr iyo Upwork. Sidoo kale waxaa u baahan tahey in aad xirfad leedahey sida, website developer, Translator iyo xirfad kalaba.
Saacadii waxaa ku shaqeyn kartaa 10 dollars ilaa 50 dollars.
Aniga waxan ka shaqeeyaa website ka Fiverr oo waxaan ka ahay turjumaan isku badalo luuqadaha English ka iyo Af-Soomaaliga. Video gan daawo hadii rabtid in aad website kan ka shaqeysid iyo qaabka shaqada loo bixiyo.

 

Blogging


In aad wax qortid hibo weeye lkn aniga hibadaas ma lihi lkn waxaa bartey qaabka loo qoro maqaalada ( Articles ).
Adiga waa qori kartaa oo waxaa u baahan tahey in aad blog bilaash ah ka furatid Google ka. Blogg gaaga ama website kaaga dadka soo booqonaya oo aqrisanayo maqaaladaada ogow lacag baa lagu helaa. Bishii 100 dollar ilaa 500 dollars baa Google Adsense kusoo dirayaa sida Youtube oo kale.

Affiliate Marketing


Affiliate Marketing ka waa ganacsi laga macaasho oo lacag fiican laga helo. Aniga shaqada igu badan ee aan qabto waa asaga oo si maalinle ah baan oga shaqeeyaa. hadii aan kusoo koobo, waaxaad xayisiineysaa badeecooyin ( products) oo Google , Facebook iyo Instragram ka baad ku xayisiineysaa, hadii uu qof gato badeecadaas waxaa helaysaa lacag ( commission ) 20 dollars ilaa 100 dollars u dhaxeysa, waxaana lacagtaas ku siinayo shirkada iska leh badeecadaas. Websites looga shaqeysto waxaa ka mid ah Clickbank, Digistore24 iyo JvZoo. koorso dhameystiren baan ka sameeyey qaabka suuqan looga shaqeysto hadii aad u baahan tahey riix link gan ClickBank Success – Affiliate Marketing Without A Website – Gellebashir. Video ga hoose waa qaabka suuqan looga shaqeeyo.

 

Gunaanad

Igu danbeyntii, masoo koobi karo qaababka Online looga shaqeysto lkn maanta waxaa la isku waafaqsanyahey , in aduunka cusub uu kusoo aruurey tiknoolajiyad waliba xiligan adag ee caabuqa COVID-19 lagu jiro oo dadka badankiis gurigooda ayagoo joogo shaqeysan karaan lacag fiican kasoo gali karto. Intaas aan kor kusoo sheegay waxey ubaahan tahey in aad juhdi iyo dadaal badan galisid si aad dhaqaale oga sameysid. shaqo fudud ma jirto lkn dadaal iyo joogteyn bey u baahan tahey.
wixii comment ah hoos noogu reeb.

Gelle Bashir

57 Comments

          1. M,a wll casharka aad ka umuhimka ah ee aad ka diyaarisay click banki sxb waxaan rabaa inaan kuweydiiyo lacagta bile Ayaan mayey iigu soo dhacaysaa mise marki linkigeyga laga Gato ayey Akron kayga iigu soo dhacaysaa

    1. Aad ayad ugu umahadsanthy wll inta aad noo faaideesay waxaan rabi lahaa meel aan kaalo soo xiriiro haddan heli karo 🙋‍♂️🙋‍♂️

  1. wll gelle anigu somalia ban joogaa wuxuuna ileeyahay location kaga lama heli karaye bal ila tali wllo maxaanu sameeyaa

      1. Asc teacher waan ku salaamay sln kadib ustaad waxaan rabaa inaan su’aal ku weydiiyo adigoo raali ah su’aashasoo ah
        1) games ka online ka loogu shaqeysto ayaga oo aan wax bank ah ama master car ku xirneeyn lacagaha aan ka shaqeeyay PayPal account geeyga maku Soo dirsan karaa mise waa inaan master car kuxiraa?
        2)Adiga hadii aad PayPal isticmaashid makuugu Soo diri karaa PayPal account tigaaga oo Exchange ma Ii samayn kadhaa adigoo Taaj ahaan iigu Soo diraaya?

        1. Ustaat aad ayaad u mahdsan thy wana kahely dhirigiintada ayaa Ajiib ah waana kugu soo biirey mid kale su.aal ayaan rabey kn aan ku weydiyo waana sida tan ,(YzVideo)websitkani ayaa waxan ka sameeyaya lacg badan lkn 1mothy kadib wuu shaqeyn wayay mana ogi waxa kj dhavey maxa sababey iso sheehk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *