5 Tabo Oo Ku Saabsan Sidii Aad Si Fudud Diiradda Ugu Saari Lahayd Yoolalakaaga

  • August 20, 2023
  • Comment 0

5 Tabo Oo Ku Saabsan Sidii Aad Si Fudud Diiradda Ugu Saari Lahayd Yoolalakaaga

Shaqada aad haatan hayso, ama aad ka shaqayso, waxa laga yaabaa inaadan ku qanacsanayn ama aanay ahayn shaqada aad jeclayd, se dantu ku tidhi ka shaqee, si aad ugu daboosho kharashaadka baahiyahaaga iyo rabitaanadaadaba.

Waxaana maankaaga ku jirta fikrad ama yool ah inaad dhakhligaaga kordhiso sida ugu dhakhsaha badan, ood bilawdo shaqo ama mashruuc cusub, hasa yeeshee go’aanka noocan ahi, wuxuu badanaa keenaa mashquul ama kala firdhisanaan amaba waxay ugu yeedhaan (Dispersion).

Waxaana dhacdo ah inaadan maalmo amaba xittaa biloba wax qabsan, oo ay maalmuhu kugu dhaafaan sidii hore, maalmo kadibna aad is aragto adigoo meelba gaadhin.

Halkan Waxaa Ah 5 Talo Oo Ku Saabsan Sidii Aad Si Fudud Diiradda Ugu Saari Lahayd Yoolalakaaga:

1. Jaangoo Yoolalkaaga

Waxaa jira dhowr dhinac oo aad jeceshahay inaad noloshaada wanaajiso, marka laga reebo dhinaca shaqada, laakiin markaad isla hal wakhti ka fikirto dhibaatooyinka ku haysta, misna u raadiso xalal,  fikrado badan ayaa ku soo qulqulaya maskaxdaada, mana awoodid inaad hal shay kaliya diiradda saarto, sababtoo ah maskaxdaadu ma wada qaadi karto xallinta dhibaatooyinka oo idil isla hal wakhti.

Tani waxay kuu horseedi kartaa niyad jab iyo inaad wax walba ka tanaasusho, halkan waxaa fiican inaad doorato 3 yool, isla mar ahaantaana aad u dejiso qorshe aad ku hirgalinayso, kaasoo leh wakhti cayyiman.

2. U Kala Qaybi Yoolalkaaga Qaybo Yaryar.

Dejinta saddex gool ayaa laga yaabaa inay kugu adkaato, sababtoo ah uma baran inaad sidaan u shaqeyso, laakiin u qeybinta hadafka tillaabooyin yar-yar oo fudud oo gaar ah, waxay kaa caawineysaa inaad si fudud u dhaqan-galiso, isla mar ahaantaana uu kaa yaraado wel-welka iyo walbahaarka,

3. Si Joogto Ah Ula Soco Horumarkaaga.

Dabagalka, diiwaan gelinta iyo la socodka horumarkaaga waa arimo lama huraan, si aad u dab-qaadato, una hesho dhiirigelin kugu filan, iyo inaad ogaato heerka iyo halka aad ka taagan tahay yoolkaaga.

Dadka badankoodu waa ay is-dhiibaan, kadib markii bixiyeen dadaallo iyo wakhti badan, sababtuna waxay tahay iyagoo garan la’ heerka horumarka iyo guusha dhabta ah ee ay gaadheen.

4. Samee Jaantus Muuqaal Ah Oo Ku Saabsan Yoolalkaaga.

Arinkan wuxuu u muuqadaa mid layaab leh, laakiinse waxay leedahay faa’iido aad u weyn, taasoo mar walba ku xasuusinaysa yoolalkaaga iyo sababta aad u bilowday.

Jaansutkanina waxaad ku samayn kartaa warqad caadi ah ama waxaad isticmaali kartaa barnaamijyada kombayutarka ama telefoonka, markasta oo aad eegtona waxaad dareemi doontaa farxad, rayn-rayn iyo inaad ku qanacsan tahay horumarkaaga.

5. Aqbal Aragtida Dadka Kale.

Farxadda ayaa laga yaabaa inay kugu dhiirigeliso inaad asxaabtaada u sheegto hadafyadaada iyo waxyaabaha aad qorsheyneyso inaad sameyso. Sidaa darteed waa in aad hadhoow aqbashaa aragtidooda iyo fal-celinta kaaga imanaysa.

Hadii aad dareento niyad-jab ama guuldarro, ha ka qarin arrintan asxaabtaada, sababtoo ah joogitaankooda waxay door weyn ku yeelan karaan dhiirigelinta iyo inaad xal u hesho dhibaatooyinkaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *