5 Tiir Oo Muhiim U Ah Guusha Qorshe Kasta Oo Suuqgeyn Ah

5 Tiir Oo Muhiim U Ah Guusha Qorshe Kasta Oo Suuqgeyn Ah 

Dadyaw badan oo raba inay bartaan suuqgeynta ayaa laga yaabaa inay is weydiiyaan sideen ololaheena suuqgeyneed uga dhignaa mid guulaysta, ama ugu yaraan aan u dammaanad qaadnaa khasaaro yari. 

Halkan, waxaa su’aalo ay tahay in si taxaddar leh loogu fiirsado, isla mar ahaantaana si sax ah looga jawaabo: 

  • Maxay yihiin faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee leedahay badeecada ama adeegga aan rabno inaan suuqgeyno? 
  • Waa ayo kooxda bartilmaameedka u ah badeecadan ama adeegan? 
  • Waa maxay sifada suuqa aanu ka shaqayno iyo cida ku tartameysa gobolka aynu rabno in aynu ku suuqgeyno badeecadan ama adeegan? 
  • Waa imisa miisaaniyada loo dejiyay suuq-geyntan? 
  • Waa maxay aaladda loo isticmaali doono hirgelinta qorshaha suuq-geyntan? 

Dabcan, waxa jira su’aalo badan oo intaan ka badan oo ku xidhan nooca suuqgeynta oo ay tahay in la is weydiiyo ka hor marxaladda suuq-geynta, laakiin se waxaan soo qaadanay su’aalaha ugu muhiimsan. 

Marka Hore: Si Cad U Qeex Hadafyadaada Suuqgeyneed 

Hadafka laga leeyahay suuqgeyntan ma ka dhigan tahay in aan rabno in kooxda la beegsanayo ay qaadaan tillaabo toos ah, sida iibsashada alaab ama adeeg gaar ah, ama inay iska diiwaan geliyaan liiska iimaylka? Mise ujeedadu waa in aan soo bandhigo oo aan baahino badeecad ama adeeg cusub. 

Qeexidda yoolalkaaga ama hadafyadaada suuqgeyneed waxay saameyn doontaa inta ka hartay qorshahaaga suuqgeyneed, tusaale ahaan xulashada kooxda la beegsanayo, miisaaniyada loo baahan yahay, fariinta la dirayo, iyo sidoo kale aaladda aad u isticmaali doonto. 

Labaad: Go’aami Kooxda Aad Beegsanayso 

Waxyaabaha cajiibka ah ee ku saabsan dunida suuq-geynta elektaroonigga ah ayaa ah in ay jiraan wax ka badan hal waddo oo aad ku gaari karto kooxdaaada bartilmaameedka ah, marka laga soo tago beegsiga deegaanka iyo luqadda, waxaa jira habab badan oo fududeynaya habka loo gaaro kooxda la beegsanayo, waxaana ka mid ah: 

  • In la beegsado iyadoo la eegayo nuxurka ay wadaagaan 
  • In la beegsado website-yada laftooda 
  • In la beegsado iyadoo la eegayo waxa ay ku saab\san yihiin  
  • In la beegsado iyadoo la eegayo waxa ay daneenayaan 

Saddexaad: Go’aami Aalada Aad Isticmaali Doonto, Si Aad U Hirgeliso Ololahaaga Suuqgeyneed 

Dabcan, waxaa jira aalado badan oo qabta shaqooyinkan suuq geynta dhijitaalka ah, oo ay ka mid yihiin: 

  • Suuqgeynta iimaylka 
  • Suuqgeynta Search Engine 
  • Suuqgeynta warbaahinta bulshada sida Facebook – Twitter – YouTube – Linkedin iyo aaladaha kale ee warbaahinta bulshada. 
  • Suuqgeynta Apps-yada mobilada. 
  • Suuqgeynta nuxurka 

Afaraad: Go’aami Miisaaniyadaada 

Taas oo aad ku tiirsanaan doonto, go’aami lacagta loo baahan yahay si loo hirgeliyo ololahan, oo aan halkan ula jeedo qaabkaaga lacag-bixineed ee aad isticmaali doonto, si aad u soo bandhigto ololahaaga suuq-geyneed, dabcan waxaa jira wax ka badan hal nooc, tusaale ahaan: 

  • Inaad lacagta ku bixiso kunkii aragti CPM 
  • Inaad lacagta ku bixiso halkii gujisba CPC 
  • Inaad lacagta ku bixiso iibka ama iibsiga CPA 
  • Inaad lacagta ku bixiso soo bandhigidda CPV 

Iyo noocyo kale, oo inta badan ku xiran hadafka suuqgeyneed. 

Shanaad: Go’aami Aalada Aad Isticmaali Doonto Si Aad U Qiimayso Natiijooyinka Ololahaaga Suuq-Geyneed 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tillaabooyinka ugu muhiimsan ee ay tahay in si taxaddar leh dib loogu eego, iyadoo aaladahani ay ku tusinayaan heerka uu gaarsiisan yahay ololahaaga suuqgeyneed, iyo natiijooyinka ka dhalatay, intaa waxaa dheer, marxaladdani waxay ku tusin kartaa waxyaabo cusub oo aan laguma xisaabtamin marka hore ee la samaynayay qorshahan suuqgeyneed. 

Waxa jira aalado badan oo loo isticmaalo in lagu qiimeeyo natiijooyinka ololaha suuq-geyneed, oo ay ka mid yihiin: 

  • Google Analytics 
  • Facebook Insight 
  • YouTube Insight 

Dhab ahaantii, waxaa jira noocyo badan iyo aalado badan oo lagu dhiso qorshe kasta oo suuqgeyn ah, hase ahaatee qormadan waxaynu isku daynay inaan sharaxno kuwa ugu muhiimsan, kuwaas oo aan la’aantooda noqon karin qorshe dhamaystiran ama qorshe guulaysta. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *