8da Shaqo Ee Ugu Fiican Dhanka Tignoolajiyada

8da Shaqo Ee Ugu Fiican Dhanka Tignoolajiyada

8da Shaqo Ee Ugu Fiican Dhanka Tignoolajiyada

8da Shaqo Ee Ugu Fiican Dhanka Tignoolajiyada

Tignoolajiyada joogto ah u kordha marba marka ka danbaysa, waxayna bixiyaan fursado badan oo shaqo, laga bilaabo horumarinta software-da iyo waxyaabaha la xidhiihda amniga internetka ilaa maskaxda macmalka ah ai Artificial Intelligence (AI).

Maqaalkan waxaynu ka hadli doonaa -eebe idamkii- 8-da ka shaqo ee ugu fiican dhanka tignoolajiyada amase haddii si kale loo dhigo,8-da ka shaqo ee loogu baahi badan yahay dhanka tignoolajiyada.

  1. Software Developer (Soo-Saaraha Software-Ka)

Soo-saaraha Software-ka waxay naqshadeeyaan, horumariyaan, sidoo kalena tijaabiyaan software-da. Waxayna ka shaqeeyaan goobo kala duwan, oo ay ugu horreeyaan goobaha daryeelka caafimaadka, maaliyadda, waxbarashada, iyo in ka badan.

  1. Data Scientist (Saynisyahanka Xogta)

Saynis yahanada xogtu waxay isticmaalaan habab ku salaysan xisaab, si ay u falanqeeyaan oo ay u turjumaan xogaha adag. Waxayn ururadu iyo hay’adaha ka caawisaa inay gaadhaan go’aamo ay xogtu u horseedday, iyagoo xogahaas ka soo saaraya fikrado tiro badan.

  1. Cybersecurity Specialists (Khabiirda Amniga Internetka)

Khabiirda ku takhasusay amniga internetka ayaa iyagu qabta shaqada ah inay ka ilaaliya nidaamyada kombuyuutarrada iyo shabakadaha gelitaanada aan la ogolayn, iyo xatooyada. Waxayna naqshadeeyaan oo ay hirgeliyaan tillaabooyinka amniga ah, sida nidaamyada ogaanshaha faragelinta.

  1. Injineerka Artificial Intelligence (AI) Iyo Machine Learning (ML)

Injineerada ku takhasusay Artificial Intelligence (AI) iyo machine learning (ML) ayaa naqshadeeya sidoo kalena horumariya nidaam iskood iyaga wax u baraya, kuna kallifaya inay iyaga iskood go’aamo u qaataan, Waxayna ka shaqeeyaan mashaariiyo badan sida aqoonsiga hadalka, iwm.

Sii Daalaco: 3 Shaqo Oo Looga Baahan Yahay Suuqa Shaqada 2023

  1. Cloud Architect (Injineerada Cloud)

Injineerada ku takhasusay nidaamka Cloud ayaa naqshadeeya oo maamula nidaamyada xisaabinta Cloud, kuwaas oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay galaan xogta ay rabaan ama xogtooda meel kasta oo leh internet. Waxay la shaqeeyaan goobo kala duwan, oo ay ku jiraan Amazon Web Services, Microsoft Azure, iyo Google Cloud Platform.

  1. Product Manager (Maareeyaha Alaabta)

Maareeyayaasha alaabtu waxay kormeeraan horumarinta alaabada software-ka laga bilaabo fikradda ilaa bilawga hawsha. Waxayna la shaqeeyaan kooxaha horumarinta, naqshadeeyayaasha iyo daneeyayaasha si ay u hubiyaan in ay alaabtu buuxisay baahiyaha macaamiisha lagu keeni doonaa isla wakhtiga iyo miisaaniyada ay sheegeen.

  1. UX/UI Designer (Naqshadeeyaha Ux/Ui)

Nashqadayaasha UX/UI waxay sameeyaan oo ay curiyaa naqshado ku habboon isticmaalaha. Waxayna isku dayaan inay gaadhaan heerka ugu macquulsan ee uu isticmaaluhu u gudan karo hawshiisa ama danihiisa, si sahlanna u isticmaali karo.

  1. IT Project Manager (Maareeyaha Mashruucayada IT-Ga)

Maareeyayaasha mashruucyada IT-ga waxay kormeeraan qorsheynta, hirgelinta, iyo dabagalka mashaariicda tignoolajiyada. Waxayn ka shaqeeyaan hubina mashaariicda in lagu bixiyo waqtigii loogu talagalay, miisaaniyadda iyo heerarka tayada ee loo baahnaa.

Sii Daalaco: Shaqayso Adigoo Gurigaaga Jooga (6 Shaqo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *