Sidee interneedka loogu iibiyaa adeegyadaada?

Sidee interneedka loogu iibiyaa adeegyadaada?
  • September 27, 2022
  • Comment 4

Sidee interneedka loogu iibiyaa adeegyadaada?

Sidee interneedka loogu iibiyaa adeegyadaada?

Waxaad rabtaa inaad internet-ka ku dhex iibiso adeegyada aad bixiso, ama waxaa kugu jirta fikrad ganacsi oo wax ku ool ah islamarkaana aad rabto inaad dadka ka iibiso, se aad iswaydiinayso sidee iyo qaabkee ayaan u iibiyaa ama u bixiyaa adeegaas.

Mar hadii aad leedahay adeeg, waxaa muhiim ah ama lagu taliyaa inaad yeelato website kuu gaar ah ama ku gaar ah adeegyadaada. Dad badan ayaa xiiseeya inay internetka ka baadhaan ama ka raadiyaan adeegyo, taasi oo la macno ah hadii aanad garanayn sida loo iibiyo adeegyadaada waxaad waayi kartaa qayb weyn oo ka mid ah ganacsigaaga suurtagalka ah.

Halkan waxaa ah, tillaabooyinka ugu muhiimsan ee aad ku bilaabi karto iibinta adeegyadaada si online ah. iyo talooyin lagu gaaro guusha inta lagu guda jiro geedi socodkan. Waana kuwan:

  1. Dooro adeegga aad rabto inaad bixiso

Waxaa jira boqolaal fikrado ganacsi oo online ah, wayna adkaan kartaa in la doorto mid ka mid ah.

Bixiyeyaal (Dadka bixinaya adeegyada) badan oo cusub ayaa ku khaldama doorashada adeegyo badan oo aan la xiriir iyaga (si toos ah ama si dadban). Inkastoo adeegyadaas ay kuula muuqan karto mid soo jiidasho u leh macaamiisha islamarkaana dakhli fiican laga samayn karo, Hadana, way kugu adkaanaysaa dhab ahaantii.

doorashada ugu fiican ayaa ah inaad doorato hal fikrad oo gaar ah. Laakiin se, haddii aad rabto inaad bixiso adeegyo badan oo kala duwan, hubi inay adeegyadaas si toos ah ama si dhaw xiriir kula leeyihiin, oo aad garanayso xirafahada iyo baahiyaha looga baahan yahay adeegaas islamarkaana aad buuxin karto.

  1. Qeex ama Caddee takhasuskaaga

Marka aad doorato adeegga aad rabto inaad bixiso, waxaad markaas qeexi kartaa ama caddayn kartaa takhasuskaaga ama majaalkaaga (niche-kaaga). Xitaa haddii xirfadahaagu ay badan yihiin waa inaad qeexdaa ama cadysaa takhasuskaaga kuu gaarka ah. si macmiilka iman kara uu u dareemo inaad ku habboon tahay.

Inaad doorato takhasus ama majaal kuu gaar ah, waxay keenaysaa in macaamiishu ay jeclaysan doonaan inay ku doortaan. Halkii ay dooran lahaayeen qof kale oo leh xirfado iyo takhasusyo isku mid ah ama isku dhaw oo la shaqeeya dhammaan noocyada macaamiisha.

Si aad u qeexdo takhasuskaaga (niche-kaaga), ka fikkir takhasusyada aad marka hore xidhiidhka la leedahay, khibradna u leedahay, oo aad jeclaan lahayd inaad muddo dheer ka sii shaqeyso, si aad u sii qeexdo takhasuskaaga ama majaalkaaga (niche-kaaga).

  1. Falanqee tartamayaashaada

Waa muhiim inaad ogaato tartamayaashaada (dadka suuqa kugu la jira ee bixinaya isla adeegga aad bixinayso). Ka dib marka aad aqoonsato macaamiisha aad beegsanayso, samee cilmi-baaris kuu gaar ah oo aad ku ogaanayso waxa tartamayaashaadu ay siinayaan macaamiisha, haday noqon lahayd wax dheeri ah ama wada hadalo kale.

Kaliya ha fiirin ama ha eegin qiimaha ay bixiyaan, ee fiiri ama eeg hababka ay u xayeysiinyaan, xidhmooyinka kala duwan ee ay bixiyaan, noocyada macaamiisha ee ay beegsanayaan, iwm.

Tani waxay kaa caawinaysaa inaad soo bandhigdo adeeg tayo ahaan sarreeya, qiimo ahaanna u qalma. Umana baahnid inaad qiimaha hoosaysiiso. Tusaale ahaan, haddii aad aragto qof bixinayya adeega aad bixinayso oo kale, oo ku bixinaya qiimo ka hooseeya kaaga, uma baahnid inaad hoos u dhigto qiimaha adeegaaga; Taa beddelkeeda, adeegga aad bixinayso u yeel xidhmooyin ama adeegyo kale oo dheeraad ah islamarkaana ah bilaash, si macmiilka uu u dareemo in qiimaha iyo adeegga aad bixinayso ay isku qalmaan, Islamarkaana aannu iskiin barbardhigi karayn.

  1. Dooro goobta aad ku iibinayso adeegyadaada

Waxaa jira dhowr goobood oo lagu iibiyo adeegyada si online ah, waxaadna doorashadaada ku salayn kartaa waxa aad iibineyso iyo cidda aad ka iibineyso.

Goobahaasina waxaa ka mid ah:

  1. Ahaw qof la heli karo (Online)

Marka aad soo bandhigdo adeegyadaada, waxaa lama huraan ah inaad xilliyo qaar ahaato online ama qof la heli karo, si aanad u waayin macaamiisha kula soo xidhiidhaysa. Badanka macaamiishu waxay raadiyaan ama ay doorbidaan qof available ah ama isla wakhtigaas la heli karo. Sidaa dareteed u qorshee wakhti go’an.

Sidoo kale waa fikrad wanaagsan inaad yeelato oo aad ka firfircoonaato ugu yaraan hal madal oo ka mid ah baraha bulshada.

Dooro madal uu ku habboon yahay macmiilkaagu, oo billow inaad ku daabacdo su’aalo, warbixino kooban iyo sidoo kale muuqaallo gaagaaban, oo ka war bixinaya adeegyada aad bixiso

Waxaana ka mid ah Instgram, Facebook, iyo TikTok iyo xitaa YouTube oo aad ku soo bandhigi karto muuqaallo ka jawaabayya su’aalaha inta badan la iska weydiiyo adeegga aad bixiso.

Sii Daalaco: Freelancing-Ahaan Sideen Ku Heli Karaa Macmiilkayga Ugu Horreeya

Sidoo Kale: Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada Xorta Ah)

4 Comments

  1. Maasha Allah aad baad u mahadsan tahay Gelle sida wanaagsan ee aad mar walba noogu soo gudbiso fikrada waxtarka ah ee ku habboon in qofku yeesho xorriyad maaliyadeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *