3 Talo Oo Ku Saabsan Affiliate Marketing

Affiliate Marketing
  • September 11, 2022
  • Comment 0

3 Talo Oo Ku Saabsan Affiliate Marketing

3 Talo oo  Ku Saabsan affiliate marketing

Markii ay kordheen tirada dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, suuqgeyntu ama Affiliate Marketing waxa ay noqtay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan internetka wakhti xaadirkan,

Kahor intaanan u guda gali 3-da talo ee ku saabsan affiliate marketing-ka aynu kolka hore isla fahanno waxa ay laga wado affiliate marketing? Iyo sida ay u shaqayso?

Waa Maxay Affiliate Marketing?

Affiliate Marketing: waa hab suuqgeyneed oo ku dhisan mabda’a ah faa’iido wadaag kaasoo u dhexeeya cidda iska leh alaabta ama adeega la iibinayo – iyo qofka suuqgeynaya badeecadaas ama adeeggaas si loo iibsado, (waxa la iibinayana wuxuu noqon karaa mid la taaban karo iyo mid aan la taaban Karin Physical/Digital).

Sidee ayay u shaqeysaa Affiliate Marketing?

Fikradda Affiliate Marketing waxay ka bilaabataa qofka leh ama milkiilaha leh alaabta ama adeegga, kaas oo u ogalaanaya suuq-geynyaasha inay suuqgeeyaan ama ay xayaysiiyaan alaabtooda ama adeeggyadooda la taaban karo ama aan la taaban Karin si loo iibsado, waxaana komishinka ama faa’iidada dajiyo ama jaan-gooya milkiilaha alaabta ama adeegga.

Halka suuq-geynyaasha ay soo gudbinayaa codsi ah in uu ka qayb galo nidaamka suuq-geynta ee komishanka si waafaqsan shuruudaha uu dejiyay milkiilaha alaabta ama adeega, ka dibna milkiiluhu waa uu aqbalayaa ama waa uu diidayaa iyada oo loo eegayo shuruudaha looga baahanaa heerka uu ka taagnaa.

Haddii ay dhacdo in la aqbalo, waxa bilaabmaya shaqada labada dhinac, mulkiiluhuna wuxuu bixin doonaa kharashaadka komishanka ah ee uu shaqaystay suuq-gaynuhu iyada oo lacag-bixinta loo marayo siyaabo dhowr ah, sida:

  • Hababka elektarooniga ah ee lacag bixinta
  • wareejinta bangiga
  • Bangiyada elektarooniga ah, oo ay ugu caansan yihiin PayPal, Payoneer
  • shirkadaha xawilaadda.

Mid ka mid ah fikradaha khaldan ee laga aaminsan yahay affiliate marketing-ka ayaa ah in ay qaadato wakhti badan si faa’iido looga helo; Si kastaba ha ahaatee, way fududahay in aad noqoto affiliate marketing.

Daawo Muuqaalkan Oo Ka Hadlaya: $50 Sidee Maalin kasta Affiliate Marketing Oga Sameyaa

Waana kuwan 3 talo oo guud ahaan kaa caawinaya inaad noqoto affiliate marketing islamarkaana aad ku guulaysato:

  1. Ogow Dadka Aad Beegsanayso:

Ogaanshiyaha dadwaynahaagu waa furaha ugu muhiimsan ee aad ku guulaysan karto marka aad tahay affiliate marketing, Mana soo gudbin kartid waxa ay macaamiishaadu daneeyaan ama ay xiiseeyaan haddii aanad si fiican u qeexinkarin ama aanad baran shakhsiyadooda, danahooda iyo dhibaatooyinkooda.

Dadwaynaha la beegsanayo waa koox ka mid ah dadka, oo loo aqoonsaday inay yihiin macaamilka alaabtan ama adeegan, waxayna wadaagaan sifooyin bulsho oo isku mid ah sida:

  • Da’da.
  • Jinsiyada Lab/Dhadig.
  • Goobta.
  • Aqoonta.
  • Xaalada Bulsho Iyo Midda Dhaqaale.

Tusaale ahaan: Ka soo qaad in dadka la beegsanayo ay yihiin dadka xiiseeya Kubbada Cagta ee jooga magaalada Dubai, Markaa suuqa la beegsanayo ayaa noqon doona Ciyaaryahanada kubbada cagta ee Dubai, ma aha dhamaan Ciyaaryahanada kale ee ciyaara kubbada cagta.

  1. Diirada Saar Majaal (Nuxur) Gaar ah:

Ka fikir hiwaayadahaaga, xiisahaaga, iyo meelaha aad wax badan ka taqaano, oo bilow inaad aqoonsato meel aad suuq geyn karto oo aad ku hal-abuuri karto nuxur kuu gaar ah.

Hadafkaagu yuusan noqon uun Faa’iido kaliya. Waa inaad daacad u noqotaa oo aad ku qanacdaa alaabta aad xayaysiinayso, Sidoo kale waa inaad aqoonsataa rabitaankaaga si aad u go’aamiso nooca nuxurka aad rabto inaad suuq geyso adoo eegaya mawduucyada aad inta badan xiisayso. waana tan waxa ay inta badan iska indhatiraan suuqgeynyaal badan oo cusub.

Si aad awood ugu yeelatid inaad xayaysiiso badeecad kasta ama adeeg kasta, waa inaad fahamtaa dhibaatooyinka ay xalliso ama faa’iidooyinka ay bixiso, si taas loo sameeyo ilaa ugu badnaan waa inaad barataa dadwaynahaaga.

  1. Isticmaal xeelado suuq-geyneed hal-abuur leh si aad u kordhiso iibkaaga:

Inta aad ka run sheegayso alaabta ama adeega aad xayaysiinayso, waa inta aad wax badan iibin doonto; Waxaadna shakhsi ahaan dooran kartaa habka aad u xaysiin lahayd alaabta ama adeega aad rabtid inaad iibiso; Tusaale ahaan, waxaad is barbardhigi kartaa badeecadaha ama adeegyada astaamaha weyn leh iyo badeecadaha ama adeegyada astaamaha yar leh, adigoo dadka tusinaya una sheegaya inay buuxin karaan baahidooda ama ay u dhigmaan waxqabad ahaan, halkii ay ka iibsan lahaayeen kuwa astaamaha weyn leh (Markastana Xusuusnow RUNTU WAA MUHIIM).

Lama huraan ma aha kaliya inaad ku kaaftoonto xayaysiisyada baraha burshada, ha sa yeeshee waxaad awood u leedahay in aad isticmaasho iimaylkaaga si aad ugu xayaysiiso, sidoo kale haddii aad haysato qaddar yar oo lacag ah waxaad awood u yeelan kartaa inaad samayso xayaysiin maxali ah oo ku kooban goobtaada oo kaliya.

Mar kasta oo uu qof iibsado alaabta ama adeega aad xayaysiisay, komishankaagu wuxuu gaari karaa ilaa 100%, Iyada oo ku xidhan goobta aad isticmaalayso.

Sii Daalaco: WAA MAXEY AFFLIATE MARKETING ?

Sidoo Kale: What Is Digital Marketing?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *