Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Sida Alibaba wax looga iibsado loogana kale wareejisto lahaanshiyaha alaabta
  • February 14, 2023
  • Comment 9

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Sida Alibaba wax looga iibsado loogana kale wareejisto lahaanshiyaha alaabta

Alibaba.com waa Ka qaybqaataha ugu muhiimsan suuqa eCommerce-ga ee B2B, Iibsadayaasha iyo alaab-qeybiyeyaasha adduunka oo dhan ayaa mareegtan u isticmaalay si ay u dhisaan oo ay u balaadhiyaan ganacsigooda.

Waxa Alibaba.com ka dhigaya mid aad u awood badan ayaa ah bixinta dheeraadyo kala duwan, agabyo, iyo adeegyo loogu talagalay in lagu fududeeyo wax iibsiga shirkadaha dhexdooda.

Maqaalkan, waxaan kaga hadli doonaa wax kastoo ku saabsan wax iibsiga iyo kala wareejinta lahaanshiyaha alaabta. Waxaanan ku bilaabi doonaa waxa Alibaba.com ay tahay iyo sida ay u barbar dhigto AliExpress iyo Amazon, sidoo kale waxaan hadli doonaa cidda adeegsata Alibaba.com iyo sababta ay u doorteen goobtan.

Waxaan si qoto dheer leh uga hadli doonaa sida wax looga iibsado Alibaba.com, sida si badbaado leh oo aamin ah wax looga iibsado, iyo soo jeedinta sida ugu wanaagsan ee aad uga faa’iidaysanayso khibradaada ku aadan kala wareejinta lahaanshiyaha alaabta.

Waa Maxay Alibaba.com?

Alibaba.com waa suuq caalami ah oo B2B online ah, halkaas oo iibsadayaasha iyo iibiyaasha aduunka oo dhan ay ku wada xidhiidhi karaan kuna gudan karaan wax iibsigooda, Waana goob ammaan ah oo sugan oo la isku halayn karo oo ay isticmaalaan malaayiin ganacsate.

Alibaba.com, oo ah shirkad hoos timaada Alibaba Group, oo uu aasaasay Jack Ma 1999-kii, ayaa leh badeecado kale duwan oo ku dhawaad gaaraya ​​​​5,900 oo nooc. shirkadani waxay ku taal Shiinaha hase yeeshee waxay u adeegtaa in ka badan 190 dal iyo gobol iyo in ka badan 40 warshadood.

Madashan waxay ku qalabaysan tahay astaamo iyo tilmaamo loogu talagalay in lagu wanaajiyo laguna fudeediyo iibka iyo iibinta shirkadaha dhexdooda.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

AliExpress vs Alibaba

AliExpress waa goob kale oo eCommerce ah oo ka tirsan Alibaba Group, laakiin si ka duwan Alibaba.com, goobtan waxay diiradda saartaa wax iibsiga u dhaxeeya B2C (Ganacsi ilaa Macmiil), halka Alibaba.com ay diiradda saarto B2B (Ganacsi ilaa Ganacsi).

Maadaama ay tahay goob diiradda saarta B2C, iibiyeyaasha AliExpress waxay liis gareeyaan oo ay soo daabacaan alaabadooda si ay uga iibiyaan macaamiisha. waxaana alaabooyinka lagu qiimeeyaa qiimaha tafaariiqda halkii ay ka ahaan lahaayeen qiimaha jumlada. Inkastoo qiimaheedu ay ka sarrayso Alibaba.com, hadana AliExpress waxaa loo aqoonsan yahay jabnida qiimayaasha alaabteeda.

Alibaba vs Amazon

Amazon waa goob eCommerce ah oo laga leeyahay dalka Mareykan waana goob diiradda saarta B2C. Farqiga ugu weyn ee dhexeeya Alibaba.com iyo Amazon ayaa ah kuwa wax iibinaya.

      • Alaab-qeybiyeyaasha Alibaba.com waxay wax ka iibinayaan ganacsiyada
      • Halka alaab-qeybiyeyaasha Amazon ay wax ka iibinayaan macaamiisha

Amazon waxay aad ugu dhaw-dahay AliExpress oo labaduba ay yihiin goobo diiradda saara B2C. Labada gooboodbana waxay tafaariiqlayaasha madaxa-bannaan u oggolaanayaan inay liis gareeyaan oo ay soo daabacaan alaabtooda. Amazon sidoo kale waxay leedahay dhowr nooc oo ah badeecooyin iyaga u gaar ah, sida Amazon Basics, Solimo, iyo Revly.

Badeecadaha Amazon ayaa guud ahaan lagu qiimeeyaa qadar yar, taasoo Amazon ka dhigaysa mid la siman dukaanka guud ee ka jira internetka.

Intaa waxaa dheer, Amazon waxay leedahay adeeg is-diiwaangelin ah, oo ay isticmaalayaashu ku bixin karaan khidmad sanadle ah “Amazon Prime” taasoo xaq u siinaya inay lacag la’aan laba maalmood soo dhoofsadaan dhammaan alaabooyinka “Prime” ah. Diiwaangelinta ayaa sidoo kale siinaysa isticmaalayaasha helitaan faa’iidooyin dheeri ah, sida library of music, bandhigyada TV-ga, iyo filimada.

Yaa Isticmaala Alibaba?

Sida aan horey u soo sheegnayba, Alibaba.com waa goob diiradda saarta B2B. Tani waxay ka dhigan tahay in inta badan, (haddaysanba dhammaantood ahayn) iibsadayaasha iyo iibiyaasha Alibaba.com ay yihiin shirkado ama ganacsato.

Alaab-qeybiyeyaasha caadiga ah waa shirkado keena alaabta ceyriin ama alaabada la warshadeeyay. Halka Iibsadayaasha caadiga ah ay yihiin tafaariiqlayaal, jumlo-iibiyayaal, wakiilada wax-soo-saarka, iyo soosaarayaasha bixiya adeega dib u iibinta ama u magacaabidda alaabta atsaan u gaarka ah ganacsiga. Mararka qaarkoodna warshadeeyayaashu ama wax-soo-saarayaashu waxay alaabta ceyriin ka iibsadaan Alibaba.com waxayna sidoo kale dib ugu iibiyaa Aliabab.com.

Guntii iyo gabagabadii iibsadayaashu waxay Alibaba.com u yimaadaan, si ay u iibsadaan alaabo ama agabo qiimo jaban, mug ahaan badan, kuwaas oo ay ugu danbayntii dib u iibinayaan, si ay faa’iido ugu helaan.

Maxaad Alibaba Wax Uga Iibsataa?

Waxaa jira dhowr sababood oo ay iibsadayaashu u isticmaalaan Alibaba.com. Aynu eegno dhowr ka mid ah sababaha ugu badan ee ay dadku uga door bidaan Alibaba.com suuqyada kale ee eCommerce B2B.

Goob La Aamini Karo

Sababta ugu weyn uguna muhiimsan ayaa ah in goobtu guud ahaan ay tahay goob la aamini karo oo la isku halleyn karo. Dadka badankoodu waxaa laga yaabaa inay ka digtoonaadaan oo ay aad uga taxaddaraan marka ay lacag ku dirayaan internetka, gaar ahaan marka ay lacagtu tahay kumanaan ama tobanaan kun oo doolar.

Dhowr arrimood ayaa Alibaba.com ka dhigaya mid la aamini karo. Midka koowaad waa lacag-bixinta sugan. wax kala iibsiga ayaa lagu ilaaliyaa dammaanadyo kala duwan, laakiin helitaanka goob lacag bixineed oo sugan ayaa soo jiidanaysa iibsadaha iyo iibiyeyaasha labadaba. Sidan, Iibsadayaashu kama welweli doonaan faahfaahinta kaadhka deynta ama macluumaadka kale ee xasaasiga ah ee badanka la isku dayo in la jabsado.

Intaa waxaa dheer, Alibaba.com waxay bixisaa barnaamij lagu magacaabo Hubinta Ganacsiga, kaasoo hubinaya in iibsadayaashu ay helaan shixnadooda wakhtigii loo qabtay. Waxay kaloo hubisaa in tayada alaabtu ay tahay ama ay la mid tahay wixii uu iibiyuhu u ballanqaaday. Alibaba.com waxa kale oo ay bixisaa adeegyada hubinta alaabta, taas oo ah adeeg kale oo loo isticmaalo si loo hubiyo tayada alaabta.

Iibsadayaashu waxay wax ka iibsan karaan Alibaba.com iyagoo kalsooni ku qaba inay heli doonaan waxa ay iibsadeen mar kasta, haddii aysan helinna, waxay ku xisaabtami karaan Alibaba.com oo xallin doonta khilaafka jira.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Fudud Isticmaalkeeda

Goobta Alibaba.com waa mid aad u fudud isticmaalkeeda, nidaamka wax iibsigana aad buu uga fudud yahay marka aad warqad ku dalbato ama taleefan.

Iibsadayaasha waxay iibsan karaan badeecooyinka diyaarka u ah shixnadda, iyagoo si fudud ugu daraya sallada wax iibsiga, gelinaya macluumaadka lacag bixinta, oo soo gudbinaya dalabkooda.

Haddii kale, waxaad si toos ah ugu diri kartaa iibiyeyaasha si ay uga xaajoodaan qiimaha ama u habeeyaan alaabtaada. Sida iska cad, waxaa jira dhowr tillaabo oo kale oo halkan ku lug leh, laakiin wali waa mid toos ah.

Haddii kale, waxaad si toos ah fariin ugu diri kartaa iibiyeyaasha, si aad uga xaajootaan qiimaha alaabtaada. Sida halkan ku cad, waxaa jira dhowr tillaabo oo kale oo halkan ku lug leh, laakiin wali waa mid cad.

Malaayiin Alaab Oo Diyaar U Ah Doorasho

Alibaba.com waxa ay haysataa malaayiin iibiye ah, taas oo la macno ah in ay jiraan malaayiin badeecado oo kala duwan isla mar ahaantaana la dooran karo. Badeecadahan kala duwan ee kala duwan ayaa siinayaa iibsadaha dabacsanaan uu ku dooran karo iibiyaha iyo alaabta ku habboon.

Tusaale ahaan, haddii aad raadiso “shaati,” waxaad heli doontaa qiyaastii 180,000 oo natiijooyin oo ku saabsan shaatigaas oo keliya. Waxaadna shaandhayn kartaa natiijooyinkaaga, adigoo ku saleynaya dhowr shuruudood oo kala duwan.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Doorashada Lacag Bixinta Dambe (Pay Later)

Mararka qaarkood, shirkadaha bilawga ahi waxay u baahan yihiin caawimaad yar si ay u bilaabaan ganacsigooda. Alibaba.com waxay bixisaa adeega lacag bixinta danbe (Pay Later), si ay iibsadayaashu u iibsadaan alaabta ay rabaan oo ay u bilaabaan ganacsigooda, xitaa haddii aysan haysan miisaaniyad kufilan.

Tani waxay ka caawisaa ganacsatada tafaariiqda ahi inay ka fogaadaan dalabashada maalgashiga.

Adeegan ah lacag bixinta danbe (Pay Later) waxaa taageera Kabbage, waxayna bixisaa credit ka bilaabmaya $500 ilaa $150,000 oo leh maalgelin 6 bilood ah. Qiimaha dulsaarka ayaa ka bilaabmaya 3.5%.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Ilaha Caalamiga Ah

Alibaba.com waxay faa’iido u leedahay ganacsiyada diyaarka u ah inay noqdaan kuwo caalami ah, goobtuna waxay leeyahay aalado gaar ah oo loogu talagalay iibsadayaasha iyo iibiyayaasha doonaya inay ganacsi ka sameeyaan daafaha dunidoo dhan.

Aaladda ugu qiimaha badan ee ka qayb qaadanaya ganacsigu inuu caalami noqdo ayaa ah turjumaadda tooska ah. goobtu hadda waxa ay taageertaa 16 luqadood, kuwaasoo gacan ka geysta in meesha laga saaro arrinta caqabadaha luqadda.

Tani waxay ka dhigan tahay inaad fariin u diri karto iibiye jooga gudaha Talyaaniga, fariintaaduna si toos ah ayaa loogu tarjumi doonaa afka Talyaaniga. Sidaa si la mid ah, hadii fariin laguu soo diro ama jawaab celin aad hesho, waxa fariintaas loo tujumi doonaa luqadda aad ku hadasho ama aad doorbiddo, haday noqon lahayd Ingiriis, Mandarin, Talyaani, Faransiis, iwm.

Isku-Beddelka lacagaha ayaa si isku mid ah u shaqeeya. Waxaad liisaska lacagta ka dooran kartaa lacagta aad haysato ama aad door bidayso isticmaalkeeda, sidaa darteed uma baahnid inaad gacanta ku xisaabiso isku beddelka lacagaha.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Sida Wax Looga Iibsado Alibaba (6 Tillaabo)

Wax ka iibsashada Alibaba.com waxay wax yar ka duwan tahay wax ka iibsashada dukaamada kale ee B2C, sida Amazon ama AliExpress. Alibaba.com waxaa loo qaabeeyey qaab ah inuu noqdo mid hufan oo u janjeera bed-bedalka.

Iibsashada Alibaba.com waa aad u fudud, waxaana jira dhowr waji oo siinaya macaamiisha go’aano ku aadan qaabeynta khibradooda wax iibsiga.

Aan isla eegno 6-da tillaabo ee wax looga iibsan karo Alibaba.com

  1. Create An Account (Furashada Akoon)

Marka hore, waa in la sameeyaa akoon bilaash ah. Waxaana lagu waydiin doonaa macluumaadkan soo socda:

      • Country/region
      • Trade role
      • Full name
      • Email address
      • Company name
      • Telephone number

Isla qaybtan, waxaa sidoo kale lagu weydiin doonaa inaad samaysato password ama fure sireed.

Doorka Ganacsiga, waxaad dooran doontaa labadan midkood ‘Buyer (iibsade)’ ama ‘labada’. Haddiise aad qorsheyneyso inaad wax ka iibsato kuna iibiso Alibaba.com door “labadaba”.

  1. Search And Find Products (Raadi Oo Hel Alaab)

Marka xigta, waa wakhtigii la raadin lahaa alaabta. Waxaa jira laba siyaabood oo ay iibsadayaashu ku heli karaan alaabta ay rabaan: in laga raadiyo oo laga baadho suuqa guud ama in la gudbiyo oo la diro Codsi Xigasho (RFQ).

In suuqa Alibaba.com alaabta laga raadiyo waa ay sahlan tahay, sababtoo ah Alibaba.com waxay u shaqeysaa sida makiinadaha raadinta (Search Engine) oo kale. Waxaad kaliya gelinaysaa qaybta baadhitaanka waxa aad raadinayso, halkaana waxaad ka daalacan doontaa natiijooyinka raadinta. Sidoo kale waxaad awoodaa in waxa aad raadinayso aad ku baadho sawir, si ay natiijada raadintu kugu noqoto mid wax ku ool ah.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Natiijooyinka raadinta waxaa lagu sifeyn karaa oo lagu kala saari karaa shuruudo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

      • Supplier type
      • Product type
      • Minimum order quantity (MQO)
      • Supplier country/region
      • Certifications
      • Features

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Tani waxay ka caawisaa iibsadayaasha inay yareeyaan alaabta aanan buuxinayn baahidooda. Haddiise aadan wali heli badeecada saxda ah ee aad raadinayso, waxaad gudbin kartaa Codsiga Xigasha ee RFQ, iibiyeyaasha ayaa kula soo xiriiri doona haddii ay buuxin karaan codsigaaga.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Si kastaba ha noqotee, way fududahay inaad ka hesho alaabta aad rabto Alibaba.com.

  1. Compare Sellers (Is Barbar Dhig Iibiyeyaasha)

Waxaa Alibaba.com ku jira malaayiin iibiyeyaal, laakiin qaar ka mid ah iibiyeyaashaas ayaa leh shahaadooyin iyo tilmaamooyin gaar ah oo ka duwan kuwa kale. Saddexda tilmaamood ee ugu waaweyn ayaana kala ah “Gold supplier,” “Verified supplier” iyo “Trade Assurance supplier.”

      • Gold supplier: waa xubno ka tirsan Alibaba.com, kuwaas oo la xaqiijiyay inay leeyihiin warshado ama ganacsiyo.
      • Verified supplier: waa shirkado xog ururin lagu sameeyay lana qiimeeyay nidaamkooda maaraynta, awoodooda wax soo saarka, iyo kontaroolada hab socodka, waana la ansaxiyay.
      • Trade Assurance supplier: Waa alaab-qeybiyeyaal si toos ah lacagaha uga aqbala marinka lacag bixinta ee Alibaba.com, taasoo awood u siinaya Alibaba.com in ay ilaaliso amarada.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Waxaa fikrad wanaagsan ah in la eego oo la hubiyay alaab-qeybiye kasta, si loo helo aragti waayo-aragnimo. Haddii aad hayso wax su’aalo ah oo ku saabsan macluumaadka alaab-qeybiyeyaasha waxaad booqan kartaa profile-kooda, waxaadn u diri kartaa fariin ku saabsan su’aashaada si toos ah.

  1. Negotiate Deals Or Buy Right Away (Wada Xaajoodka Heshiisyada Ama Iibka Degdega Ah)

Markaad doorato alaab-qeybiye iyo badeecad, waxaad alaab-qeybiyaha ka wada xaajoon kartaa heshiiska iibka ama waad iibsan kartaa isla markiiba. Si aad isla markaaba wax u iibsatid, alaabta waa in lagu calaamadiyaa ” Ready to Ship (Diyaar u ah shixnadda)” waxaana kuu soo muuqanaya badhan ah ” Start Order (Bilow Dalab)”.

Haddii aad rabto inaad hesho muunado badeecada ah, dalbo dalab ka hooseeya MOQ-ga la codsaday, hoos u dhig qiimaha alaabta, ama samee nooc kasta oo ah habaynta dalabka, waxaad u baahan doontaa inaad la xidhiidho alaab-qeybiyaha oo adeegso “Chat Hadda!” Qalabka fariimaha degdega ah si aad ugala hadasho iibiyaha.

Waa in aad “la xidhiidho alaab-qeybiyaha” adigoo isticmaalaya “Chat Now!”, si aad ula gorgortanto iibiyaha haddii aad rabto muunada alaabta, ama aad rabto inaad dalbato wax ka yar MOQ-ga loo baahan yahay.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Mar labaad, waxaad u baahan doontaa inaad fariin u dirto iibiyaha si gaar ah, si uu tan u fuliyo. Si xirfadaysan ula hadal alaab-qeybiyaha oo hubso inaad caddayso ujeedkaaga, adigoo raacaya istiraatiijiyadda ku habboon, waana inaad awood u yeelatid inaad la timaado heshiis faa’iido u leh qof kasta.

  1. Place Your Order (Deji Dalabka)

Marka aad dhammaystirto faahfaahinta heshiiskaaga, waa wakhtigii aad badeecadda dalban lahayd. In kastood haysato doorasho buuxda oo aad ka saari karto wax iibsigaaga Alibaba.com, hadana waxaan kugu la talinayaa inaadan sidaasi samaynin, maxaa yeelay wixii iib ah oo ka baxsan Alibaba.com ma la damaanad qaadi karno.

Haddii aad dalabkaaga ka dhigto gudaha Alibaba.com, waxaad lacagta ku bixin doontaa boggayaga lacag bixinta ee sugan. Hababka lacag bixintana waxaa ka mid ah:

      • Credit cards
      • Debit cards
      • Online bank payment (eChecking)
      • Wire transfer (T/T)
      • Western Union

Haddii kale, waxaad isticmaali kartaa adeega “Pay Later (lacag bixinta danbe)”, kaas oo siinaya iibsadayaasha inay 6 bilood lacagta ku bixiyaan dalabkooda, iyagoo ugu yaraan fuulaya dulsaar ka bilaabmaya 3.5%.

  1. Receive Your Goods (Helitaanka Alaabta)

Tallaabada ugu dambeysa ee habka wax iibsiga waa inaad hesho alaabtaada. Marka ay timaado xamuulka, dhoofinta, xudduudaha iyo saadka, iibsadayaashu waxay isticmaali karaan Alibaba.com Freight Waxay bixisaa xamuulka badweynta, xamuulka hawada, ee inta badan ka bilaabma Shiinaha ilaa adduunka oo dhan.

Haddii aad wax ku bixiso Alibaba.com, barnaamijkayaga Hubinta Ganacsiga ayaa kormeeri doona wax kala iibsigaaga. Wakhtiyada dhoofintuna way ku kala duwan yihiin iibiye kasta, markaa tan waxaa loo go’aamin doonaa kiis walba xaaladeeda.

Marka aad hesho dalabkaaga, waxaad iibiyaha uga tagi kartaa dib u eegis aad ku qiimaynayso, sidoo kalena aad ku go’aansanayso inaad mar labaad macmiil u noqon doonto iyo in kale.

Iibka Iyo Iibinta Alibaba

Isticmaalayaal badan oo isticmaala Alibaba.com ayaa isku ah iibsade iyo iibiye labadaba. Waana wax iska caadi ah in iibiyayaashu ay ka iibsadaan alaabta ceeriin ee iibiyayaal kale si ay u soo saaraan alaabtooda. Bilaw inaad wax ku iibiso Alibaba.com oo aad noqoto alaab-qeybiye, Tani waxay kaa caawin doontaa inaad balaadhiso ganacsigaaga iyo iibintaada si hufan.

Isticmaalka Alibaba.com haday noqon lahayd iibsashada iyo iibinta labadaba waa mid sahlan oo waxtar leh, maadaama ay udub dhexaad u tahay geeddi-socodka ganacsiga.

Sida Alibaba Wax Looga Iibsado Loogana Kale Wareejisto Lahaanshiyaha Alaabta

Aragtida Ugu Dambaysa

Wax ka iibsashada Alibaba.com waa mid fudud, ilaa iyo inta aad ilaalinayso xidhiidhka iyo la macaamilka aad la leedahay goobtan. Mana jiri doonto khataro ku soo fuud saarta.

Haddii aad diyaar u tahay inaad isu diiwaangeliso iibsade, iibiye, ama labadaba, waxaad samaysan kartaa akoon bilaash ah isla maantaba.

Sii Daalaco: Alibaba Sidee Ganacsi Looga Bilaabaa?

 

9 Comments

  1. Aad ayaad u mahadsan tahay ustaad geelle bashiir wax badan oo macluumad ah baan ka faaiday, intaan oo theory ahaan u aqristay ayadoo practical ah ma inaga caawin kartaa ustaad, si aan shaqsi ahaan alibaba product uga dalbado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *