Farqiga U Dhexeeya Baraha Bulshada Iyo Shabakadaha Bulshada

Farqiga U Dhexeeya Baraha Bulshada Iyo Shabakadaha Bulshada
  • January 9, 2023
  • Comment 2

Farqiga U Dhexeeya Baraha Bulshada Iyo Shabakadaha Bulshada

Farqiga U Dhexeeya Baraha Bulshada Iyo Shabakadaha Bulshada

Baraha bulshadu iyo shabakada bulshadu ay ku wada xidhiidho waa laba shay oo kala duwan, laakiin sideen ku kala garan karnaa? In kasta oo si is-beddel ah loo adeegsado, haddana labadan erey ayaa midba midka kale macnihiisa suugaaneed ku kala duwan yahay. Baraha bulshada waxa loola jeedaa qaababka isgaadhsiinta ee mareegaha taas oo u ogolaanaysa dadka inay xogta la wadaagaan.

Shabakada bulshada waxaa loo tixgaliyaa nooc ka mid ah baraha bulshada. Shabakadaha bulshadu waa teknooloojiyadda u oggolaanaya dadka inay sameeyaan liis dad ah oo ay ku wada xiriiraan, ama ay sameeyaan koox si ay xogta u wadaagaan.

Fikradda baraha bulshadu waa ka ballaadhan tahay oo ka dhammaystiran tahay fikradda shabakadaha bulshada, si kale haddii loo dhigo, shabakadaha bulshadu waa qayb ka mid ah baraha bulshada.

Si Qoto Dheer Leh, Farqiga U Dhexeeya Baraha Bulshada Iyo Shabakadaha Bulshada

Erayga baraha bulshada (social media) waxa loola jeedaa hababka isgaadhsiinta ee elegtarooniga ah, kuwaas oo inta badan ku jira internetka ama telefoonada gacanta. Qaamuuska Oxford wuxuu ku qeexay baraha bulshada inay tahay “website-yada iyo application-da u suurtageliya isticmaalayaasha inay sameeyaan oo ay ku wadaagaan macluumaadka shabakadaha bulshada”.

Macnaha dhabta ah ee baraha bulshada: waa qaababka ama hababka isgaadhsiinta.

Haddaba, warbaahinta bulshada waxaa ka mid ah baloogyada qaababkooda:

      • Blogs
      • Wiki
      • Goobaha Barashada Bulshada (Social Bookmarking Sites)
      • iyo qaar kale.

Si kastaba ha noqotee, qeexida baraha bulshada ayaa soo if baxday sanadihii ugu dambeeyay, si loo muujiyo inay ka mug weyn tahay teknoolojiyadda ama habka isgaarsiinta, ee application-da iyo aaladaha sida Pinterest iyo Tumblr.

Shabakadaha Bulshada, Farqiga Macnaha Guud

Shabakadaha bulshadu waxa ay ka mid yihiin kooxo dad ah, waxaanay tixraacaan agabka u ogolaanaya inay ku lug yeeshaan noocyada kala duwan ee shabakadaha, shabakadaha bulshadu waxay caadi ahaan u ogolaadaan xidhiidhka shabakadaha inay bixiyaan qalab lagu caawiyo dadka inay samaystaan ​​xidhiidho oo ay la wadaagaan macluumaadka dadka kale. sida Facebook iyo LinkedIn.

Laakiin sida baraha bulshada, odhaahda “shabakadaha bulshada” waxay yeelan kartaa macnayaal kala duwan iyadoo ku xiran hadba macnaha loo isticmaalo, Sayniska Cilmiga Bulshada Waqti dheer ka hor shabakadaha bulshada ee internetka waxay qayb weyn ka ahaayeen cilmiga bulshada iyo kobcinta sayniska kombiyuutarka.

Maanta dadka intooda badan waxay tixraacaan shabakadaha internetka sida Facebook iyo Twitter marka ay isticmaalayaan weedhan, macnaha guud ee shabakadaha bulshadu waxay inta badan ka dhigan yihiin aaladaha internetka ee u oggolaanaya dadka inay la sameeyaan isgaarsiinta elektiroonigga ah dadka kale, iyo inay la wadaagaan macluumaadka ay ku jiraan fikrado, sawiro. muuqaalo, iyo fariimo.

Gabagabo

farqiga lama huraanka ah ee u dhexeeya baraha bulshada iyo shabakadaha (isku xirka) bulshada ayaa ah in xiriirka bulshadu uu yahay saldhigga ay baraha bulshadu ku gaari karto hadafkeeda.

Sii Daalaco: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *