Baro 3-dan Xirfadood

Baro 3-dan Xirfadood

Xirfadahan hoose hadaad baratid, waxaad noqoneysaa qof loo baahanyahey oo abuura ganacsi online ah taas oo kuu saamaxeyso in adoo gurigaaga joogo aad online ku shaqaysatid.

Qofkasta wuxuu jecelyahey in uu sameysto ganacsi si uu u gaaro xoriyad dhaqaale iyo mid waqti.

Fursadaha maanta online ka banaan aad bey runtii u badan yihiin kaliyah adiga lagaaga baahanyahey in aad baratid kadibna aad aas-aastid ganacsi cusub.

Maqaalkan waxaa kugu soo gudbinayaa 3 fikir ganacsi oo wax badan ka badali doono mustaqbalkaaga waa hadi aad baratid isla markaasta bilowdid ganacsiga an ku sheegi doono.

1.Website Developer

Saan wada ognaheyba malaayin ganacsi baa maanta aduunka ka jiro, ganacsi kastana maanta wuxuu tartan igu jiraa sida uu internet ka oga soo muuqan lahaa, waayo waxaa la ogaadey in dad badani ay ka tukaameystaan internet ka ayagoo gurigooda joogo. Tukaan kasta oo rabo in uu internet ka wax ku dhex iibiyo waxaa qasab ah in uu website leeyahey. Halkas waxaa kaaga cad marka in ay fursadan dalkeena xataa ay sifiican oga banaan tahey. Kumanaatas ganacsi ee wadanka ka jira mid kasta wuxuu u baahanyahey website ay badeecooyinkooda kusoo bandhigaan si aysan tartanka casriga ah ee tiknoolajiyada oga harin.

 

Marka adiga see fursadan oga faa’ideysan kartaa

  • Learn the skill

Baro sida loo sameeyo website yada noocyadooda kala duwan. Xirfadaas waxaad ku baran kartaa wax ka yar hal bil ama course qaado ama youtube ka baro. Maanta in aad waxbaratid kaliyah waxey u baahantahay in aad heesatid internet iyo computer. Youtube ka waxaa ka helaysaa muuqaalo si bilaash ah aad igu baran kartid sida looo sameeyo website ka.

 

  • Marketing strategies

Ganacsi kasta hadii aan la xayisiin ma guulaysto, si kasta oo aad adeeg fiican u bixineysid ama badeeco fiican u haysid hadii aadan xayisiin ganacsigaaga guulaysan meysid. Waxaa in aad Social media yaha aad account ka furataa oo dadka si joogto ah igu sheegta aadeega aad bixineysid. Website , instagram iyo tiktok u samee ganacsigaaga bar dadka waxa aad qabatid iyo adeega fiican aa heysid. Xayisiintaas waxey kusoo jiideysa in ay dad badani aad u shaqeysid.

  • Feedback and review

Muhiim weeye markaad macmiilka aa u adeegtid in aad weydiisid in uu ku qanacsan yahey adeega iyo hadii uu markasta caawinaad u baahdo in uu kula soo xiiri karo. In aad macmiilkaaga xiriir dheer la yeelatid waxey kaa caawin doontaa hadii uu mustaqbalka adeeg kale u baahdo in uu ku dirsado oo halkasna aad lacag kale ka hishid.

Review ga asna waa muhiim oo comment ama faalo fiican haduu kaa bixiyo macmiilka, waxey keenaysaa in ay dad badani ku aaminaan oo shaqo kasta ku dirsadaan.

2.Logo Design

Waa xirfad aad u fudud oo runti aad ku baran kartid wax ka yar labo isbuuc . ganacsi kasta wuxuu sidoo kale rabaa logo ama sumad u gaar oo ganacsiyada ka duwa. Sameyta loogada kaliyah waxaa u baahantahey softwares yada kala Canva ama Photoshop. Kaliyah labadan mid sifiican u baro kadib kadib bulshada usoo bandhig adeegaaga. Marka hore isday in aad logo goyin tusaale aad adiga sameysid sidoo kalanaa aad adiga ganacsigaaga aad logo u sameysid.

3.Facebook Ads

Facebook waa aalad runtii dad badani ay isticmaalaan, markii laga soo tago in fikradaha iyo wararka la iskula wadaago, waxaa looga faa’ideysan karaa qaab ganacsi ahaan ah. Waa meel hadii aad ku xayisiisid ganacsigaga dad badani gaari karo oo wax badan lagaa iibsan karo.

Marka waa xirfad la barta sida wax loogu promote gareeyo facebook ga. Ganacsi badan baa rado dad xirfadan sificn u yaqaano si ay macamiil badani u helaan. Youtube ka waad ka baran kartaa xirfadan.

Gunaanad

Runtii wadanka shaqo la’aan daran baaka jirto marka fursadah waa caajiib qofki ka faa’ideystaa wuxuu sameysan karaa ganacsi online ah.

 

15 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *