Baro 3 hab oo Amazon lacag oga sameyn kartid ?



(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

 

 

 

Amazon Waa Shirkad Ameerikaan Ah Oo U Shaqeysa Qaabka B2C E-Commerce Platform.
Waa Tukaan aad ka adeegan kartid sidoo kalana aad adugu wax ku iibin kartid ama ganacsi ka furan kartid.
Amazon waxey heesataa kumanaan macaamiil ah taas oo keentey in dadka oo dhan aaminaad ku qabaan in ay qaab online ah wax oga iibsadaan.
Hadaba waxan rabaa 3 qaab oo Amazon uga shaqeysan kartid in aan maqaalkan kugu soo gudbiyo.

 

1. Fullfillment By Amazon ( FBA )

 

FBA waxa weeye in aad tukaan ka dhex furato Amazon taas oo Amazon ay ku siineyso meel aad alaabtaada dhigatid ama tukaan yar oo ku dhexyaalo baqaarada waaweyn ( warehouse ) ee Amazon.
Ganacsiga FBA inta aadan bilaabin waxa u baahan tahey in aad marka hore iska diwaan galisid website ka FBA. Kadibna aad badeecooyinka ( products ) ka aad rabtid in aad gadid aad u dirtid warehouse yada Amazon.
Products waxa laga soo iibsadaa shirkada Alibaba. Qaab ka Alibaba looga soo adeegto hadad rabtid riix link gan https://newwebsite.gellebashir.com/2021/07/29/alibaba-sidee-ganacsi-looga-bilaabaa/.

Intaas kadib, alaabtaada waxa u direysaa Amazon ta aad rabtid in aad alaabta ku dhex iibisid. Sida Amazon.com oo USA ah ama Amazon.uk oo Uk ah.

 

2. Amazon Publishing

 

Waa fursad runtii qof walba uu ka faa’ideysan karo. Buugaag weeye in aad qortid kadib qaab digital ah ama PDF ay dadka ku dagsan karaan marka ay iibsadaan. Qarash aad u yar kaaga baxayo maadaama ay buugtan yihiin E-books .
Sidoo kale waxa sameyn kartaa copywriting oo dad kale buugtooda copy gareyneysaa adna lacag baa lagugu siinayaa.

 

3. Affiliate Marketing

 

Maanta Waxaa Fursad U Heesataa Adoo Gurigaaga Jooga In Aad Shaqeysatid Oo Lacag Fiican Ka Sameysid Online-Ka. Kaliyah Waxaa U Baahan Tahey Laptob, Internet Iyo In Aad Iska Diwaangalisid Websites Ku Shaqo Leh Arintaan.
Waxaa Xayisiineysaa Badeecooyin ( Products ), Hadii Uu Qof Iibsado Badeecadaas Sababna Aad Adigu U Tahey Ama Xayisiintada U Ka Dhex Iibsado, Waxaa Helaysaa Lacag ( Commission ). Lacagtaas Waxaa Ku Siinayo Shirkada Iska Leh Badeecadaas . Intaas Weeye Fasirka Suuqan Affiliate Marketing-Ka.

 

FAA’IIDADA SUUQAN

 

Passive Income

Shaqooyinka Caadiga Ah Waa In Aad Shaqada Joogtaa Xili Kasta Si Mushaarkaaga Laguu Siiyo Lkn Affiliate Marketing-Ka Wuxuu Ku Siinayaa Awood Adoo Hurdo In Aad Lacag Sameyso. Adigoo Hal Xayisiin Sameenayo Kadibna Dadka Ay Bilaaban In Ay Iibsadaan, Halkaasna Saacad Kasta Lacag Kusoo Dhacdo.

Work From Home

Hadii Aad Tahey Dadka Nicib Subax Kasta Ay Kalahaan Oo Office Ka Adaan, Affiliate Marketing Waa Xalka Kugu Fiican. Adoo Macawistaada Qabo Baad Subax Kasta Lacag Fiican Sameeneysaa.

Cost-Effective

Ganacsiyada Badankood Waxey U Baahan Yihiin Lacag Aad Ku Bilowdo Ganacsigaaga Lkn Affiliate Marketing Lacag Badan Uma Baahna. Kaliyag Wuxuu U Baahan Yahey 5 Dollars Oo Aad Isbuuckasta Xayisiinta Google Ku Qarash Gareyso.

Covenient And Flexible

Maadaama Aad Noqoneysid Freelancer, Waxaa Heesataa Xornimada Igu Danbeyso Aduunka Oo Xiligaa Rabto Baad Shaqadaada Bilaabeysaa Iyo Markaad Fursad U Hesho. Galinka Hore Ee Maalinka Hadaad Rabto Waxbarashadaada Baad Aadeysaa Ama Shaqadaada, Galinka Danbe Baad Suuqan Ka Shaqeysan Kartaa.

Performence-Based On Rewards

Shaqooyinka Kale Hadii Aad Bisha Dhan Shaqeyso, Waxaa Sugeysaa Mushaar Cayiman Lkn Affiliate Marketing Waxey Ku Xiran Tahey Dadaalka Iyo Juhdiga Aad Galisid. Bilbaa Laga Yabaa In Aad $500 Ka Heshid Bilkana $1500. Marka Adey Kugu Xiran Tahey Shaqada Iyo Dadaalka Aad Galisid.

 

Gunaanad

Amazon 3 dexdan qaab baa igu fudud loogana shaqeysan karaa. Inkastoo FBA-da ay u baahan tahey maalgashi igu yaraan gaarayo $5000 lkn kuwa kale lacag baad ku bilaabi katraa.

 

17 Comments

          1. Wll mrka lacagtu mrkay ku soo galayso mxa lagaga bahan yahy ma bankiga un lagugu soo diraya mise master card ubahantahy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *