Bilaabidda Mashruuc Guulaysta 2024

  • December 27, 2023
  • Comment 12

Hage Dhamaystiran Oo Kugu Hagaya Sidii Aad U Bilaabi Lahayd Mashruuc Guulaysta 2024

Bilaabidda mashruuc guulaysta 2024, waxay u baahan tahay dadaal maskaxeed, iyo mid jidheedba, iyadoo la raacayo tillaabooyin gaar ah oo qayyaxan oo ka shaqeynaya sidii uu mashruucu u guuleysan lahaa, laga bilaabo helidda fikradda, qorsheynta, suuqgeynta, ilaa hirgalinta.

Bilaabidda Mashruuc Guulaysta 2024

Sirta keensanaysa inuu mashruuca bilawga ah guulaysto waa qorshayntiisa hore, halkan waxaan ku xusi doonaa dhowr tillaabo oo ay tahay inaad tixgaliso hadii aad rabto inaad bilawdo mashruuc guulaysta 2024, iyo sidoo kale hadii aad rabto inaad mashruucaagii hore u jiray iaad hormariso, tallaabooyin kaasoo kala ah.

1. Raadinta Fikradda Mashruuca:

Baadi-goobka fikrad wax ku ool ah, waa tilaabada ugu horaysa ee ay tahay in fiiro gaar ah loo yeesho, maadaamuu uu mashruucu gabi ahaantiiba ku dhisnaandoono fikradaa.

2. Hubinta Guusha Fikradda Mashruuca:

Mulkiilaha fikraddu waa inuu hubiyaa in fikradiisu ay tahay fikrad hal-abuur leh, ama ugu yaraan ay tahay fikrad soocan, oo siin doonto macaamiisheeda wax soo saar wanaagsan, kana dabooli doonta baahidooda shakhsiyeed.

3. Qorshaynta Fikradda Mashruuca:

Mid ka mid ah hababka ugu caansan uguna wax tarka badan ee keensada inuu mashruuca bilawga ahi uu guulaysto, waa dajinta qorshe cad, laga bilaabo miisaaniyadda uu u baahan yahay, dadaalka uu u baahayn yahay, xirfadaha uu u baahan yahay, wakhtiga uu u baahan yahay, agabyada uu u baahan yahay, maamulka uu u baahan yahay, iyo suuqa uu u baahan yahay.

4. Ogaanshaha Hababka Suuqgeynta Fikradda Mashruuca:

Si loo damaanad qaado guusha mashruuca, ka hor inta aan la bilaabin, waa in la ogaadaa aasaaska suuqgeyntiisa iyo hababka kala duwan ee keensanaysa kor u qaadidda iyo hormarinta mashruuca, adiga oo badhitaano dhowr ah samaynaya, soona ururinaya hab kastoo suuqgeyneed oo keensanaysa in uu mashruucu guulaysto, ama si uu uun u hormaro.

5. Ogaanshaha Khataraha Soo Food Saari Kara Fikradda Mashruuca:

Tillaabadan waa in la indho-idheeyo khataraha uu la kulmi karo mashruuca, lana fisho, isla mar ahaantaana loo sii qorsheeyo xalal ka hortag ah, sida in hadii uu miradhal fiican keeni-waayo ama uu guulaysan waayo, la bedelo habkii suuqgeynta, ama qaabkii bandhigga, iwm.

6. Hirgalinta Fikradda Mashruuca:

Hirgalinta fikradda mashruuca, ama fulinta fikradda mashruuca waa tallabada ugu xiisaha badan, waana in mashruuca loo fuliyo sidii loo dajiyay, ama loo qorsheeyay, lana waafajiyo habkastoo cayimnaa, waliba si tillaabo tilaabo ah.

7. La Socoshada Fikradda Mashruuca:

La socoshada iyo daba-galka fikraddu waa tallaabo iyaduna mudan in si gaar ah loo tixgaliyo, iyadoo lala soconayo isbedelada si guud suuqa ugu dhacaya, ama uga dhex dhacaya tartamayaasha, isla mar ahaantaana lala qabsado, sidoo kalena fiiro gaar ah loo yeelano isbedelada ku dhacaya mashruuca.

Guntii Iyo Gabgabadii

Qormadan, waxaynu ku sheegnay sidii loo bilaabi lahaa mashruuc guulaysta 2024, iyo tillaabooyinka uu baahnaan lahaa, tallaabooyinka aanu xusnayna, waa tillaabooyin uu badi u baahnaan lahaa mashruuc kasta, marka laga reebo mashaariicyada qaar, oo iyagu u baahan tillaabooyin intaa ka sii xeel dheer oo faahfaahsan.

Hadii aanad garanayn meel aad wax ka bilawdo, ama aad rabto in fikrad gaar ah, ama suuq gaar ah lagu la falanqeeyo, lagaana siiyo qorshe cad, ama aad rabto in talooyin ganacsi lagula wadaago, ama si guud hadaad rabto inaad hesho hagid ganacsi oo dhamasytiran, nala soo xidhiidh, ama soo dalbo adeegeena ah “BUSINESS CONSULTING”,  kana soo dalbanaya whatsapp numer-keena ah +252-90-5582875, WhatsApp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

12 Comments

  1. Cabdiraxmaan Cabdullaahi

    Waxaan ahay graphic designer waxaan rabaa inaan barnaamijkan qayb kabahaado 2024 aan ganacsiga meel wanaagsan oo fikta Saraa kagaaro iguna garabsiiso abdirahman gelle ahaan

  2. Waxaan leeyahay hal xirfad oo ah in ku wanaag sanahay luuqada English
    Ustaad 1 eray oo 2024 nolosheyda badeli karaa iisheeg😪 wa ku baryaa
    “” I beg you please “

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *