Cryptocurrency & Bitcoin: Wax Badan Oo Badan Ka Ogow

Cryptocurrency & Bitcoin: Wax Badan Oo Badan Ka Ogow

Qormadan waxaynu ku kala dhig-dhigi doonaa -eebe idamkii- wax kasta oo ku saabsan Cryptocurrency iyo Bitcoin, inagoo faahfaahin waafi ah ka bixin doona, waxaana kaa codsanaynaa inaad qormadan ku akhriso il furan iyo garaad soo jeeda.

Cryptocurrency waa hannaan lacageed oo ku dhisan tignoolajiyadda casri ah, ee loo yaqaan “blockchain“.

Cryptocurrencies waxaana lagu tilmaamaa inay tahay mid ka mid ah hal-abuurradii ugu waa-waynaa qarnigan cusub.

Waa Maxay Cryptocurrency?

Eray bixintani “cryptocurrency” waxay ka kooban tahay laba qaybood: “crypto” oo tilmaamaya xifdin, ama ilaalinta xogaha isticmaalaha, iyo “currency” oo ah lacag.

Cryptocurrencies waa lacago dhijitaal ah, sida lacagaha caadi ah oo kale, waana lacago amnigeedu uu aad u sarreeyo, waxayna ku tiirsan yihiin tignoolojiyadda “encryption” si loo damaanad qaaddo ammaanka iyo si loo xakameeyso soo saarista lacagaha cusub.

Maxaa Cryptocurrencies-ka Ka Dhigaya Kuwa Soo Jiidta Dareenka Dadyaw Badan?

1. Decentralization:

Cryptocurrency ma lahan bangi dhexe, maamul, ama hay’ad maaliyadeed oo maareysa, taasoo hoos u dhigaysa khataraha ku xiran maamullada dhexe, sidoo kalena waxay xoojisaa kalsoonida dadka maadaama ay lacagtu si toos ah ugu kala goosheyso dadyawga adeegsanaya.

2. Degdegsiimada:

Hadii aad maanta damacdo inaad “hebel” oo joogo wadan aanad joogin adigu, aad lacag u dirto, waxaa mararka qaar, ama badanaa dhacaysaa inay lacagtaas qaadato muddo maalmo ah, si ay u gaadho.

Taas bedelkeeda, lacagahan “cryptocurrency”, hadii aad damacdo in aad “hebel” u dirto meel kasta oo uu joogo, si fudud oo degdegsiimo leh bay u gaadhaysaa.

3. Ammaanka:

Aad bay u adag tahay in la jabsado lacagahan loo yaqaano “cryptocurrency” ama la farageliyo, amaba xitaa wax uun laga bedelo, sababtoo ah waxay u ku dhisan tahay algorithms-yo casri ah oo adag, iyo tignoolojiyadda encryption oo aad amaankeedu u sarreeyo.

4. Fursad Maalgashi:

Dad badan ayaa u arka cryptocurrencies-ka fursad maalgashi oo faa’iido leh, maadaama qiimaha suuqyada cryptocurrencies uu si weyn ah isu bed-bedeli karo.

Cryptocurrencies-ku waxay soo bandhigayaan fursado maalgashi, hasa yeeshee sidoo kale waxay wattaan halisyo aan la dhayalsan karin, sidaas darteed waa in laga fiirsadaa ka hor inta aanan tallaaba la qaadin.

Hagaag, Waxaa jira noocyo badan oo cryptocurrencies ah, oo kala duwan, oo marba marka ka danbaysa mid cusub la shaaciyo, hasa yeeshee kan ugu caansan uguna qiimaha sarreeya waa Bitcoin.

Waa Maxay Bitcoin?

Bitcoin waa nooc ka mid ah lacagaha digital-ka ah, ama afka qalaad loogu yeedho “cryptocurrency/digital currency“, af carabina ku noqonaysa “العملات الرقمية“.

Aan kuu sii fudaydiyo. Bitcoin waxay la mid tahay doolarka, yuurada, iyo shilin soomaaliga caadiga ah ee aynu naqaano, hasa yeeshee halkii ay lacagtu ka ahaan lahayd warqad ama qadaadiic dhab ah, waxay tahay lacag dhijitaal ah, sida lacagaha ku jira ZAAD, EVC+, SAHAL, iyo E-DAHAB oo kale.

Doolarka wuxuu noqon karaa lacag dijitaal ah iyo lacag dhab ahba, oo aad ganacta ku qaban karto, halka Bitcoin iyo lacagaha kale ee la midka ah aanad gacanta ku qaban karin, kaliya ay yihiin lacago dhijitaal ah.

Goorme Ayaa La Aasaasay Bitcoin?

Bishii Agoosto 2008dii, waxaa la diiwaan galiyay domain name-ka bitoin ee “bitcoin.org“, halka bisha janaayo 2009kii la shaaciyay nuqulkii ugu horreeyay ee bitcoin.

Yaa Aasaasay Bitcoin?

Report la daabacay sanadii 2008dii oo uu cinwaankeedu ahaa “Bitcoin: A Peer-to-Peer Electronic Cash System” kaasoo ah Report-kii ugu horreysay, ee sharaxaya sida ay bitcoin u shaqayso, ayaa waxaa laga dheehday magacan ah “Satoshi Nakamoto“.

Halkan kala soo dag, Report-ka.

Yaa Maamula Bitcoin?

Bitcoin waa lacag aysan maamulin cid gaar ah, ha ahaato dawlad, bank, amaba qolo gaar ah, hasa yeeshee waxaa maamula koox dad ah oo ku kala nool daafaha dunidoo dhan, kuwaasoo loo yaqaan “Bitcoin Miners”.

Waa Ayo Bitcoin Miners?

Bitcoin Miners-yadu waa qolo xallisa oo ka shaqaysa xallinta xujjooyin adag oo ku dhisan xisaabaad.

Labo arimood ayaa dhaca inta lagu guda jiro xallinta xujooyinkan ku salaysan xisaabta:

  • In lacag cusub suuqa la soo galiyo.
  • In la diiwaan galiyo, lana caddeeyo runimada transaction-nada dhacaya, ee u dhaxeeya loo diraha iyo dirahaba.

Qiimaha Bitcoin Waa Intee?

Su’aashan siday tahay ugama jawaabi karno, maxaa yeelay xilliga aan haatan qormada qorayo halkii bitcoin wuxuu u dhigmaa $60,672.06, goorta aan soo daabacayana wuu is-bedeli karaa.

Se hadii aynu su’aasha si kale u dhigno, oo aynu dhiraahno waa maxay qiimihii ugu sarreeyay iyo qiimihii ugu hooseeyay ee uu gaadhay bitcoin?

  • Qiimaha ugu hooseeya ee uu ku bilaabmay Bitcoin waa: 2009kii halkii doolar ayaa u dhimay 1309.03 Bitcoin.
  • Qiimaha ugu sarreeya ee uu gaadhay Bitcoin waa: Sandkan aynu ku jirno ee 2024 Bitcoin wuxuu gaaray qiimihiisii ugu sarreeyay abid, isagoo kor u dhaafay $70,000 oo doolar.

Wax Iibsigii Ugu Horreeyay Ee Bitcoin Muxuu Ahaa?

Iibkii ugu horreeyay ee bitcoin wax lagaga iibsadaa wuxuu ahaa 2 xabbo oo Pizza ah, iyadoo lagu iibsaday qiimo dhan 10,000 oo Bitcoin, oo waagaas u dhigantay ku dhawaad $40, hasa yeeshee wakhti xaadirkan waxay u dhigan in ka badan $600,000,000.

Waa Ayo Ninkii Pizza-Da Ku Iibsaday 10,000 Oo Bictoin?

Laszlo Hanyecz” waa ninkii 2 xabbo oo Pizza ah ku iibsaday 10,000 oo bitcoin, isla mar ahaantaana waa ninkii ugu horreeyay ee bitcoin wax ku iibsadaa.

Ninkaan waxaa loo arkaa inuu yahay kuwa ugu nasiibka xun ee nool wakhtigeenan, maadaama uu 10,000 oo Bitcoin ku iibsaday 2 xabbo Pizza ah.

Maxaad Ka Taqaanaa “Bitcoin Pizza Day”?

Maalinta Pizza-da Bitcoin ama “Bitcoin Pizza Day” waa dhacdo caan ka ah bulshada danaysa ama xiisaysa cryptocurrency-ga, dhacdadaasoo isu bedeshay dabaaldag.

Sanad walba, marka ay taariikhdu ku beegan tahay May 22-kiida, waxaa la xusaa dhacdadii ahayd: “ninkii 2 xabbo oo Pizza ah ku iibsaday 10,000 oo bitcoin”, waana iibkii ugu horreeyay ee Bitcoin.

Sababta loo xusaa maalintan ma ahan inay ahayd iibkii ugu horreeyay, ee waa qiimihii waagii la bixiyay, oo maanta u dhigma malaayiin doolar.

Ma Tix-Raaci Karaa Iibkii Pizza-Da?

Haa dabcan, haddii aad rabto inaad ogaato faahfaahinta iyo tix-raaca “Laszlo Hanyecz”, link-gan raac, oo xagga hoose ugu tag tixraaca “Laszlo Hanyecz“: “https://btc.tokenview.io/en/address/17SkEw2md5avVNyYgj6RiXuQKNwkXaxFyQ“.

Halkee Baan Ka Iibsadaa Bitcoin?

Waxaa jira goobo badan oo badan oo aad ka iibsan karto bitcoin, hasa yeeshee waxaynu xusaynaa kuwooda caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin:

Hadii aad joogtid dalkii way yara adag tahay inaad iibsato Bitoin, maadaama goobaha badankoodu aysan wali ogolaan inay la macaamilaan dalkii, hasa yeeshee xalal kale ayaa jira, oo ay ka mid tahay inaad raadsato sarifle haysta lacagta bitcoin.

Kahor intaadan goobahan midkood, ama gooba kaleba ka iibsan Bitcoin, hubi oo dib u eeg khidmadaha iyo shuruudaha la xidhiidha goob kasta, adoo markaa ka dib xulanaya goobta aad u aragto inay kugu habboon tahay.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Somali Alibaba Online Course

38 Comments

  1. Asc gele bashiir waxn joga hargaysa waxn donayey in aan maal gashado banince marka waxn leeyahay account premier bank ah
    Lkn mahaysto pasport somali maxn sameya wll

          1. Abdiqani Mohamed

            Wll waxa hada wadanka ka jira apps La isticmaalo oo aad maalgashanayso Oo aad lacag dhiganayso Ka bacdi aad maalinba In Yar Aad helayso macnaha Lacagtadii After 40 days Kabacdi Ayay kusoo noqonaysa Damaanadna ma leh kasoo waran Arimahaa wll

        1. Abdullahi suleiman

          Asc sxb waxaa ku weediina hadii appka binance is xero lacagteyda yaa u doonana sida exchanges horeba ku dhacday oo ey suuqa uga bexeen

          1. wcs wll , waa macquul in apps marmar hawada ka baxaan lkn binance waa exchange crypto ee igu weyn aduunka . billion market bey haysta marka si fudud kuma bixi karaan wll , Binance haka shakin mudane.

          2. Wll geele Bashir waxa u bahna qof lacagta iygu shuba binance ama Hadi ad bilowdey inad sarifto adigu iso sheg mel an Kala so xidhidho wll

        2. Asc wllka wad mahadsantahy qabked nogu sharaxdey lkn waxan jeclanlaha inan cos ahhn ama cashir Ann uqato kahor inta Anna bilabin sii an ufahmo marka haday macqul tahay dhowr marina wakula so hadlay qab cashir Ahh hadad ubixiso ilaso wadag macalin wad mahadsantahy

    1. MOHAMED said ✅

      Xariifkan 2 pizza 🍕 ku iibsaday 10,00 Bitcoin hada dad waa waynka ah ma ku jiraa oo comeback ma sameeya👋

    2. Abukar Abdirahim Ali

      Asc ustaad waxaan jogaa Mozambique ap Binance waan sodagsaday driver license ayaan ku sameystay su’ashayda waxay tahay oo aan ku wareeray sida loga ibsado iyo labixida lacagaha Account waxaan leeyahay 2 Bank sida STANDARD BANK iyo BCI BANK Marka appkan maka shaqeeyaa Mozambique jwb

      1. sarifle u baahan tahey account kaga lacag crypto ah kugu soo shubo , badana banks africa crypto laguma iibsan karo , aniga waxan so wadaa shirkad sarif ah oo dhalinyarada crypto iyo lacaga cadiga ah isku badasho .

  2. Macalin waxaa jira dadyow ku dhahaayo app walled ah lacag USDT kushubo malin kasto tobon jibaar ee kuu noqonee wexeena kutilmameen minning app walled trusefer ka suubinaayo adina sidaas USDT Badan ku heleesid maxaa kajira

      1. M:a
        Waa ku mahadsanthy garab istaaga wanagsan ee dhalinyarada ka mid ah noo muujisay .
        Sida wanagsan cashirada Nala wadaagayso .

  3. Inogu so dar qiimayasha ugu macqulsan ee lagu iibsan karo
    Brother dhalinyara nahay no so sheeg
    Mahadsanid saxib sidad inola wadaagtay

    1. ENG ABDINASIR AHMED

      1)Wll waxaan haystaa lacag ku dhaw 2000 USDT oo iigu jirta APPKA binance maku maal gashan karaa bitcoin?

      2) sidoo kale lacagta waxaan ka sameeyay APPLICATION ladhaho MEGA INVESTMENT GRUOP(2139) bal sidoo kale application kaas Mala isku halayn karaa ?

  4. Abdullahi abdi salad

    Geele bashiir sxb wan ku zalamay ka waran binary option hda somalia oo kle pocket option as ka shqeyo ka wrn mcquul mia

  5. Walaal wankusalamay then waxan furtay acount binance ah verification ka passport ayuu iwaydiiyay macquul matahy card ka dhalashada wadanka joogo inuu aqbalaa mise passport ayaakhasab ah, se lacag intee leeg ayaan kubilaabi karaa saan investiment usameeyo ..mahadsanid

    1. wcs wll , hadii aad Somaliya jogtid kaliyah passport buu aqbalayaa , lkn hadad wadama qurbaha sida US , Yurub amA Ustralia joogtid wad ku sameysan karta Id , Driven license iyo passport . lacagta aad ku bilaabi kartid waa igu yar $15 wll, thanks .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *