Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress

Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress
  • September 21, 2022
  • Comment 8

Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress

Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress

Blogger ama WordPress … keebaa fiican, se keebaa igu habboon. waa su’aal ay ku jahawareersan yihiin dadka qaar, gaar ahaan dadka bilowga ah ama dadka doonaya inay samaystaan blog cusub. Haddii aad ka mid tahay kuwaas, ogow inaad ku sugan tahay maqaal wax tar leh oo aad ka heli doonto talooyin ku saabsan doorashada goobta kugu habboon, iyo farqiga u dhaxeeya labada goobood haday noqon lahayd Blogger ama WordPress.

Kahor intaynaan guda galin maqaalkeenan aynu ka hadalno arin ay badankeenu khalad fahmeen oo kala ah Website, Bolg, Blogging, iyo sidoo kale Blogger. Mid walbana aynu qeexno. Si aad fahan guud uga haysato waxa ay yihiin.

Fahan Guud

      • Website-ku: waxa uu ka kooban yahay boggag isku xidhan oo ku jira kombuyuutar, kuwaas oo dhammaantood wadaaga hal magac oo Domain ah.
      • Bolg: Blog (oo laga soo gaabiyay “weblog”) waa nooc ka mid ah website-yada, laakiin ah dynamic (hab ama nidaam si joogto ah isku badbadala oo la cusboonaysiiyo), kaas oo nuxurka ama macluumaadka lagu soo bandhigo sida ay u kala horreeyaan (kan u danbeeya ayaa u horraynaya), iyadoo ku salaysan hab taariikhi ah.
      • Blogging: Erayga “blogging” waxa uu qeexayaa habka aad u rabo blog-ga, laga bilaabo horumarinta fikraddaada ilaa daabacaadda, sida soo saarista qoraallada ama maqaallada blog-ga, suuq-geyntooda, iyo isticmaalka farsamooyinka isku-xidhka (Links). Waana hawl ay tahay in ay qabtaan shakhsiyaadka leh blog-ga ama wakiil ka ah.
      • Blogger: halka blogger uu yahay qofka ama shakhsiga leh Blog-ga oo qora maqaalada lana wadaagaya akhristayaasha fikradihiisa iyo aragtidiisa isagoo kula wadaagayya blog-giisa ama blog kala.

Isbarbardhig dhammaystiran oo u dhexeeya Blogger iyo WordPress

Waxaa laga yaabaa inaad raadineyso farqiga u dhaxeeya labadan goobood sababtuna waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad sameysato website ama blog si aad ugu soo bandhigdo maqaallo ama adeegyo, ama ganacsigaaga aad u dooneyso website, ama aad dooneyso website E-commerse ah si aad alaabtaada ugu iibiso, ujeedaday doontaba ha ahaatee, maqaalkan sabata loo qoray ayaa ah in uu kugu hago jidka ama waddada saxda ah si aad u ogaato kan kuu wanaagsan ama kugu habboon Blogger mise WordPress, sidaa darteed waa inaad diirada saartaa oo fiiro gaar ah aad u yeelataa akhrinta maqaalkan, waxaana rajeyneynaa inaan si wadajir ah u gaarno hadafkaaga ah goota kugu habboon.

Waa Maxay Blogger

Blogger waa madal ay leedahay shirkadda Google, qofkastana u ogolanaysa in uu si bilaasha ah u samaysto website daqiiqado gudahood, waana aalad lagu daabaco maqaallada iyo wargaysyada. Sidoo kale lagu soo badhigo muuqaaladda iyo sawirada, IWM.

Waa Maxay WordPress

WordPress waa mid ka mid ah aaladaha loogu isticmaalka badan yahay ee loo adeegsado samaynta iyo maareynta website-yada ama blog-yada, waxa ay awood kuu siineysaa in aad samaysato nooc kasta oo website ama blog ah ee aad rabro, sidoo kale waxaad si fudud ku maamuli kartaa goobtaada, waxayna ku dhisan tahay luuqada caanka ah ee “PHP”. waana barnaamij furan oo uu qofkasta soo dejjisan karo.

Waqtigan xaadirka ah, WordPress ah waa goobta loogu isticmaalka badan yahay marka ay noqoto samaynta website-yada ama blog-yada. sida laga soo xigtay mareegaha caanka ku ah tirakoobyada website-yada ee W3Techs, Tirakoobka ayaa sheegaya in 43% dhamaan Website-yada ku jira internetka lagu dhisay WordPress, Taas oo macnaheedu tahay in ka badan saddex meelood meel ka mid ah website-yada internetka ay ku dhisan yihiin nidaamka WordPress. Si kale haddii aan kugu dhigo, 5tii website ee ku jira internetka 2 ka mid ahi waxa ay ku dhisan yihiin WordPress!.

Isbarbardhig yar oo kooban oo u dhaxeeya Blogger iyo WordPress (Qaab Sawir ah)

Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress

Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress waxaan ka eegaynaa qodobadan soo socda:

      • kharashka
      • Mulkiyadda
      • Amniga
      • Kaydka (Storage)
      • Cusboonaysiinta
      • Plugins Iyo Templates
      • Mustaqbalka Madasha
  1. Kharashka

      • Blogger waa madal si buuxda bilaash ah, qof kastaana wuu samaysan karaa blogger isagoon wax kharash ah ama wax khidmad ah bixin. laakiin haddii aad rabto in website-kaagu uu noqdo mid muuqaal ahaan qurxoon waxaad iibsan kartaa Templates-yo (qaab-dhismeed) oo qiimaha gaaraya celcelis ahaan ilaa 20$ (waxaana jira qaar ka badan iyo qaar ka yarba) iyo sidoo kale waxaad u baahan kartaa Domain Name oo isaguna gaaraya 10$ ilaa 15$ celcelis ahaan. Dhanka martigalinta ama Hosting, Shirkadda Google waxay bixisaa martigelin bilaash ah, kuwaas oo aan xad lahayn.
      • WordPress bilaash ma’aha, waa inaad iibsataa domain name, sidoo kale waa inaad iibsataa martigalin Hosting. Laakiin goobaha qaar ee bixiya adeegyada martigalinta (Hosting) waxay u ogalaanayaan qofka rabo inuu martigalin ka iibsado inay u raaciyaan domain name bilaash ah. Martigalinta aad iibsanayso waa inay ku dabbaqnaataa mashruuca aad rabto inaad ka shaqeyso. tusaale ahaan haddii aad rabto inaad samaysato blog, waxaad u baahan tahay martigalin qiima ahaan hooseeya maadaama aad hadda billaw tahay waxaadna marka hore ku iibsan kartaa martigalin qiimo dhan ah 3$ bishii muddo hal sano ah, oo isku noqonaysa 3*12= 36$ celcelis ahaan.
  1. Mulkiyadda

      • Blogger marka ay tahay, adigu ma tihid mulkiilaha dhabta ah ee leh blog-ga, shirkadda google waxay awood u leedahay inay kaa delete-garayso blog-gaaga ama ay hakat galiso ilaa muddo, marka ay doonto, Iyadoon ogolaansha ku waydiisan ama aysan kuu digin. Sababta ay u delete-garaynayso ha kuu caddayso, sida inay ku tidhaahdo waxaad khilaafday ama garabmartay shuruudihii u yaalay blogger ama yaysan kuu cadadyn, laakiin awood buuxda ayay u leedahay in ay kaa delete-garayso Iyadoon kula tashan waliba. Taas oo la micna ah hadii google ay delete-garayso blog-aaga inaad khasaarisay tacabkii iyo wakhtigii aad galisay blog-gaaga. Waana wax aad uxun.
      • WordPress marka la joogo, adiga ayaa ah mulkiilaha dhabta ah, cidnan iskuma dayi karto inay kaa delete-garayso ama ay kula maamusho website-kaaga ama blog-kaaga sababtuna waxaad isticmaalaysaa martigalin (Hosting) kuu gaar ah. Waxaadna awood u leedahay inaad si buuxda u maamusho website-kaaga ama blog-kaaga.
  1. Amniga

      • Blogger saan hore u soo sheegnay blogger waa madal ay leedahay shirkadda google, sidaa darteed amniga iyo ilaalinta blog-gaaga waxaa dammaanad qaaday google. Mar hadii aad isticmaalayso blogger ka wal-wal la’awo xagga amniga iyo ilaalinta sabab too ah waxaa mas’uuliyadaa leh google si uu ula tacaalo, kana hortago dadka isku daya inay jabsadaan ama wax kabadalaan amaba isku dayaya inay Khalkhal galiyaan blog-gaaga.
      • WordPress marka aynu ka hadlayno, waa inaad ogaataa inaad adigu mas’uul ka tahay amniga iyo ilaalinta website-kaaga ama blog-gaaga. waana arin lagama maarmaan ah inaad sugto amniga website-kaaga ama blog-gaag si aad uga hortagto weerarada kaaga imaan kara internetka sida weerarada DDOS oo hakat galenaysa goobtaada. Dabcan, taas micnaheedo ma ahn in madasha wordpress aanay aamin ahayn, ha sa yeeshee waxaa lagaaga baahan yahay inaad u fiirsato arinkan ka hor inaadan website-kaaga ama blog-gaag soo bandhigin, si aanad mustaqbalka u waajihin weeraro xagga internetka ah.
  1. Kaydka (Storage)

      • Blogger marka la joogo, waxaad awood u leedahya in tiro aan xad lahayn aad soo bandhigdo haday noqon lahayd maqaallo, muuqaalo, sawiro, IWM, taas oo la micna ah in blogger uu ku siinayo kayd (Storage) aan xad lahayn.
      • WordPress marka la joogo, wax kaste oo aad soo bandhigdo haday noqon lahayd maqaallo, muuqaalo, sawiro, IWM, waxay wax kaa qaadanyaan kaydkii aad ka iibsatay martigalinta (Hosting) sidoo kale haduu kaa buuxsamo kaydkaa waxaad ku khasbanaan doontaa inaad iibsato kayd kale ama aad balaadhiso adigoo iibsanaya qayb cusub.
  1. Cusboonaysiinta

      • Blogger waxay u muuqataa in shirkadda google aysan aad u danayneen cusboonaysiinteeda, kuna yar yihiin wax yaalaha lagu soo kordhiyo madashan. Waxaana dhici karta in blogger la joojiyo. sababta ugu weyn ee keenayna malahanna waa madashan oo aan wax hormarin ah lagu samayn. Laakiin hadii ay dhacdo in la joojiyo blogger waxay u badan tahay in la cayimayo wakhtiga la joojin doono si nuxirkii lagu soo bandhigayay loo la baxo. Waxay u muuqataa male xoogaa yar fog sow ma ahn. Adiga ka akhriste ahaan maxay kula tahay?.
      • WordPress waa barnaamij furan oo si joogto ah loo cusboonaysiiyo, waxaana jira dad hormariyayaal ah oo ka shaqeeya hormarinta iyo cusboonaysiinta madashan waliba si joogo ah.
  1. Plugins Iyo Templates

      • Blogger marka laga hadlayo, waan ka xumahay, sabab too ah templates-yadu way xaddidan yihiin, sidoo kale tayo-ahaanna way hooseeyaan badankoodu hadii ay dhacdana inaad hesho templates-yo tayo-ahaan sareeya waxaad arki doontaa in blog-yo badan ay isticmaalaan. Sidaa darteed helitaanka templetes-yo fiican way adag tahay. Halka aanad helayn wax plugins ah marka la joogo blogger.
      • WordPress marka laga hadlayo, waxaad heli kartaa templates-yo aan xad lahayn oo kala fiic-fiican, waxaadna haysataa doorashooyin badan oo aad ku xulan karto templates-yada waafaqsan nuxurkaaga, sidoo kale waxaad awoodaa inaad samaysato templates kuu gaar ah adoonan baran wax ku saabsan luqadaha lagu dhiso website-yada oo umarayya plugins-yo kuu ogalaanaya inaad wax ka badasho oo tafatirto templates-yada oo aad u badasho sida aad doonayso. Sidoo kale plugins-yada laga helo wordpress waa mid fara badan heer ay tirade plugins-yada naafsiisan yihiin 60,000 oo plugins ah oo si joogta ah loo cuboonaysiiyo.
  1. Mustaqbalka Madasha

      • Blogger saan hore u soo sheegnay waxaa jira baqooyin badan oo laga qabo mustaqbalka, sida in maalin maalmaha ka mid ah shirkadda google ay joojiso blogger, waxaana dhalinya baqahan ayaa ah in shirkadda google aysan wax hormarin ah ku samayn blogger in muddo ah. Iyadoo app-ka blogger ee android lagu tiriyo app-babka ugu xun ee ay soo saartay shirkadda google. Iyadoo ay jiraan baqaahaas, hadana waa male uun, oo ma jiro hage cad oo natusinaya in google ay joojin doonto mustaqbalka, laakiin tusaale ahaan aynu niraahno google way joojinaysaa blogger, taas micnaheedu ma inaad waayayso blog-gaagii baa?, sida loo badinayo maya, sabab too ah google waa shirkad wayn oo leh macaamiil badan islamarkaana ku kalsoon, sidaa darteed google iskama joojinayso blogger Iyadoon xal u keenin macaamiisheeda, xalalka ugu fudud ee la saadaalin karo ayaa ah in loo cayimo joojinta blogger ilaa mudo, si ay uga guuraan oo ay kala baxaan nuxurkoodii.
      • WordPress waxaa shaki la’aan ah in mustaqbakeedu fiican yahay, maalinba maalinta kadanbaysana way sii xooganaysaa, shacbiyada badanna way kasbanaysaa, sidaa dartee isticmaalayaasha wordpress waxay dareemaan xasilooni fara badan oo ku aadan mustaqbalka fog.

Sii Daalaco: Waa Maxay Shahaadada SSL Iyo Muhiimadda Ay Leedahay

Sidoo Kale: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga

Guntii iyo gebagebadii

Haatan waa inaad ka fikirtaa madasha aad dooran lahayd, adigoo raacayya tilmaamahaaga iyo rabitaanadaada, iyo sidoo kale doonistaada. Laakiin si guud, hadii aad bilaw tahay oo aanad haysan kharash aad ku bilawdo ama caqabad kale ku haysato, islamarkaana aad Doonayso inaad bilawdo mashruucaagan waxaa kuu fudud oo ay doorashadu tahay Blogger. Se hadii aad rabto inaad awood buuda ah u yeelato website-kaaga ama blog-gaaga iyo doonistaada kuu gaarka ah, markaa iyada ah waxaa kugu habboon oo ay doorashadu tahay WordPress

Waxaad se haysataa xurriyada aad ku doorato madasha kugu habboon. Waxaanan rajaynayaa in maqaalku uu noqdo mid faa’ido leh. Sidaa darteed nagu la wadaag ra’ayigaaga qaybta faallada

8 Comments

  1. Asc Ustaadii Alle ha kaa abaalmariyo Ustaad vedio dhanka Youtube nooga soo sameey sida loo bari karo website-kaada google. Si kale hadaan u dhaho sidee website-keygau ugu heli karaa organjc traffic ?

    1. masha allah ustaad waad mahadsantahy ustaad waxbadan baan kafaide allah hakaa abaal mariyo juhdiga iyo dadalka miiran oo aad dhalinyaradena uheydo

  2. Asc ustaad Gelle Bashir

    Ani hadertan ploger iyo WordPress 2 daas wan ku kala wareersana lkn hadertan wat iga jahil bixisey runtii in an wabsite Sameysto ayan rabey mitka an Doran laha ayan ku kala wareersana lkn hadertan wan ka jahil baxey mitkan doran laha wa WordPress PHP

        1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

          Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

          1. Online Courses
          👉 E-Commerce & Digital Marketing
          👉 Somali Alibaba Online Course
          👉 Blogging ( Google Adsense)

          2. Branding Services
          👉 Website Design
          👉 Logo Design

          3 . Consultants ( Zoom Sessions )
          La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

          More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *