BLOGGING: Sidee Loo Doortaa Niche Guul Leh

  • February 14, 2024
  • Comment 11

BLOGGING: Sidee Loo Doortaa Niche Guul Leh

Maqaalkan, waxaan kuugu sharxi doonaa sida loo doorto niche guul leh oo cad, hasa yeeshee waa in la ogaado in natiijada ka dhalata doorashada niche guul leh ay ku kala duwanaan karaan qofba qofka kale, waxayna ujeedadeenu tahay inaan kugu caawino doorashada niche guul leh, oo si toos ah adiga kugu habboon.

Doorashada niche guul leh waa tilaabada ugu horreysa ugun weyn ee ay tahay in laga fikiro marka la rabo in la yeesho blog guul leh, isagoo qaabanayaa mustaqbalka blog-ka.

Doorashada niche khaldan waxay yeelan kartaa saamayn xun, iyadoo blogger-ro badan u horseedi karta guuldarro aad u weyn oo ka dhan ah blog-kooda. Sidaa darteed waa in tallaabadan si taxaddar leh loogu fiirsadaa.

Doorashada Niche Guul Leh

1. Dib-U-Eeg Mawduucyada Aad Danayso/Xiisayso

Haddii aad tan hore u samaysay, kaba fiican, waxaadna u gudbi kartaa tallaabada xigta, haddiise aanad samayn haatan samee liis ku saabsan mawduucyada aad aadka u xiisayso/danayso isla mar ahaantaana aad aqoon u leedahay, haba yaraatee.

Soo daabacidda qormooyinka ma aha wax mar walba fudud, waxaana laga yaabaa inay kugu adkaato inaad hesho xogo iyo mawduucyo aad soo daabacdo, marka aad doorato niche aanad xiisayn/danayn isla mar ahaantaana aanad wax aqoon ah u lahayn, gaar ahaan hadii aad ku cusub tahay blogging-ka, taasoo kordhin karta suurtagalnimada ah inaad ku guuldarraysato blog-kaaga.

Waa kuwan qaar ka mid ah su’aalaha kaa caawin kara inaad ogaato waxyaabaha aad xiisayso/danayso:

  • Halkeed jeceshahay inaad ku bixiso wakhtigaaga firaaqada ah? (Masaajidaha, Maqaaxiyaha, Library-yada, iwm)
  • Maxaa hiwaayad u leedahay oo aad jeceshahay inaad waqti badan geliso? (Kubad Cagta, Cunto Karinta, iwm)
  • Buugaagtee ayaad si joogto ah u akhridaa? (Kuwa Ku Saabsan: Dhaqaalaha, Caafimaadka, Khayaaliga, iwm)
  • Mawaadiicdee ayaad jeclaan lahayd inaad wax badan ka ogaato? (Ciyaaraha, Siyaasadda, Dhaqaalaha, iwm)

2. Mawduucyada Aad Danayso/Xiisayso, Waa Kuwee Kuwa Ku Farxad Geliya Ama Aad Ku Raaxaysato Ka Shaqayntooda?

Waxaa laga yaabaa inay dhacdo inaad xiisaynayso mawduuc ama niche gaar ah, hasa yeeshee aanad ku raaxaysan samaynteeda.

Markaa, niche aad dooranayso waa inuu noqdaa niche ku xiisa galiya isla markaana aad ku raaxaysato ka shaqayntiisa iyo samayntiisaba, oo aad u yeelato dareen iyo xamaasad gaar ah.

Waa inaad jeceshay niche-ka aad dooranayso inaad wax ka qorto, ku raaxaysato cilmi baadhista aad ku samaynayso, isla mar ahaantaana ku raaxaysato la socoshada waxa ku cusboonaada.

3. Mawduucyada Aad Danayso/Xiisayso, Isla Mar Ahaantaana Aad Ku Raaxaysato Ka Shaqayntooda, U Raadi Hab Ama Waddo Aad Lacag Kaga Samayn Karto

Tallaabadan waa tallaabada ugu dambeysa ee ay tahay inaad qaaddo marka aad rabto inaad blog-kaaga u doorto niche guul leh, waxaana loo arkaa inay tahay mid ka mid ah tillaabooyinka muhiimsan, maadaama uu dhaqaaluhu door weyn ka ciyaaryo guusha iyo guuldarrada blog-ka.

Hababka aad lacag uga samayn karto blog-kaaga:

  • Google Adsense
  • Affiliate Marketing
  • Freelancing
  • Xayaysiimo

Hagaag, hadaba si aad u sii xoojiso xogaha aad ka haysato blogging-ka iyo aqbalaadda Google AdSense, oo aad si buuxda u damaanad qaaddo inaad lacag ka samayso blogging-ka, waxaan kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, taasood kaga bogan doonto –eebe idamkii- xogo iyo macluumaadyo buuxda oo ku saabsan blogging, si aad u hesho koorsada nagala soo xidhiidho whatspp lambarkan: +252-90-5582875 ama whatsapp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

11 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *