Branding Services, Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixinno

Branding Services
  • October 7, 2022
  • Comment 6

Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixinno: Branding Services

Branding Services, Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixinno

Internetku waxa uu kaalin weyn ka qaatay fududaynta hiigsiga la hiigsanayo, maadaama ganacsiga onilne-ka ah uu yahay mid ka mid ah mashaariicda sida weyn ula kulmay shacbiyadda badan.

Maqaalkan, Waxaynu kaga hadli doonaa mid ka mid ah adeegyada aynu bixino, kaasoo ah Branding Services.

Branding Services

Brand maaha oo kaliya sumad, calaamad, astaan ama hadaan si kale u dhigno logo.

Haddaba maxay tahay Brand ama calaamad? Maxaa noqon kara brand? Iyo muhiimada u ay leedahay ganacsiga? Waa su’aalo ay iswaydiiyaan dadbadani.

Waa Maxay Brand?

SI GUUD, Waa Astaanta ama calaamad ganacsi oo ku gaar ah shirkad ama ganacsi, oo kala saarta badeecadda ama adeegyadda shirkadda iyo badeecadaha ama adeegyada shirkadaha kale.

Marka la soo koobo, Brand waa sida macmiilkaagu kuu arko.

Maxaa Noqon Kara Brand?

Wax kasta oo noqon kara qaab gaar ah; magac, eray, saxiix, xarf, calaamad, lambar, cinwaan, shaabad, sawir, qoraal, qaab, midab.

Muhiimadda ay u leedahay ganacsiga?

      • waxa uu mideeyaa ganacsigaaga
      • waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee shirkadda
      • Brand-ka ama calaamadda xooggani waxay kordhisaa iibka
      • waxay muujinaysaa qiyamka iyo sharafta shirkadda
      • Macmiilka wuxuu ku kalsoon yahay Brand-yada ama calaamadaha uu maskaxda ku hayo
      • waa fikrad lagu gudbin karo siyaabo badan

Waxaan bixinaa afar adeeg oo soo hoos galaya Branding Services oo kala ah:

1. Web Development

Internetku hadda waxa uu noqday il dhaqaale oo ay ka helaan malaayiin qof oo dunida daafaheeda ku kala nool, maadaama ay jiraan ilo badan oo faa’iido laga helo oo aan ku koobnayn hal ama laba siyaabood, Website-ku waa mid ka mid ah ilahaas, bal se lagu tiriyo ilaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan, Website-yada ayaa faa’iido badan u leh ganacsiga, maadaama uu yahay xiriirka u dhaxeeya ganacsiga iyo macmilka.

Hadii aad leedahay shirkad, ama aad tahay Ganacsade, ama xitaa hadii aad tahay shikhsi caadi ah, oo aad u baahan tahay website dhamaystiran (Bliaw ilaa dhamaad) shirkadeenu waxay kuu samaynaysaa website-yada ugu professional-san haday noqon lahady E-commerce, Portfolio, Blog, IWM.

2. Logo Design

Haddii aan eegno hareerahayaga, waxaan jira logo-yin ama astaamo badan oo gaar ah, oo caalami ah, oo la yaqaan, islamarkaana matalaya ama qeexayya shirkada leh loga-daas.

Runtii, marka aad ganacsi ama brand samaynayso, ama si guud, marka aad samaynayso website waxaa lama huraan ah in iyadana la sameeyo logo (Astaan) u gaar ah ganacsigaas, brand-kaas ama website-kaas.

Markaa hadii aad u baahan tahay in ganacsigaaga ama shirkadaada loo sameeyo logo (Astaan) u gaar. Shirkadeenu ayaa diyaar u ah samaynteeda.

3. Digital Marketing Strategy

Suuqgeyntu maanta waxay u socotaa adduunka dhijitaalka ah, waxayna si cad ugu xidhan tahay aaladaha warbaahinta bulshada sida Twitter, Facebook, Snapchat, Instagram iyo TikTok. Lamana dafiri karo doorkeeda iyo muhiimadda ay ku leedahay badeecadaha iyo astaanta shirkadda,

Saan ognahay ganacsi kasta oo online ah waxaa la rabaa ama lagu dadaalaa, inuu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo. waxaana taa suurta galenaysa inaad ganacsigaaga suuq-gayso, oo aad yeelato social media platform (Baraha bulshada), oo aad ku soo bandhido ganacsigaaga. Qof baa laga yaabaa in Alaabtaada ama adeegaaga uu ka arko mid ka mid ah aaladaha aad ku leedahay social media, haday noqon lahayd, Instagram, facebook, iyo xitaa TikTok oo dhawaan yeelatay shacbiyad badan, saana uu ku iibsado alaabtaada, ama adeegaaga.

Markaa hadii aad u baahan tahay in ganacsigaaga aad xoojiso, gaar ahaan online-ka, oo aad rabto inaad xaadir ka noqoto internet-ka, waxaad u baahan tahay inaad ganacsigaaga suuqgayso. Shirkadeenana waxay ganacsatada u fududaynaysaa in ganacsigoodu uu xaadir ka noqdo internet-ka.

4. Adverting

Ilaa yaraanteenii, waxa aynu talefishinada ka daawan jirnay xayaysiisyo kala duwan, (ilaa haddana laga daawado), waxaana laga yaabaa in qaarkood aynu jeclaysano oo aanu jecelaano in marar badan aynu daawanno, waxa kale oo aynu aragnaa xayaysiisyada boorarka waaweyn ee ku yaala wadada, sidoo kale waxaynu maqalnaa xayasiisyada laga soo daayo idaacadaha.

Laakiin marka aynu waynaanay, waxaynu maalin walba iyo saacad walba ku aragnaa xayasiisyada dhammaan application-nada talefannada gacanta ee “Facebook”, “Instagram”, “Youtube” iyo kuwa kale, iyo sidoo kale website-yada kala duwan ee Internet-ka marka aynu ka daalacanayno wararka ama aynu wax ka raadinayno.

Taasi waxay kuu cadaynaysaa muhiimadda ay leedahay xayasiinta, aynu mar walba iyo meel walba ku aragno.

Xayaysiinta… waa qodob muhiim ah oo aanay ku baraarugsaneen ganacsate badan oo soomaali ah, Ganacsigu maaha kaliya in la soo saaro badeecad, kadibna loo iib geeyo macaamiisha, si faa’iido looga helo iibka, Ee waa in uu la socdaa qorshe suuqgeyneed oo dabacsan oo ku habboon suuqa maxaliga ah.

Haddaba, shirkadeennu waxay macmiilkeeda diyaar ula tahay, in uu helo macaamiil badan, iyadoo u xayaysiinaysa ganacsigiisa, haday noqon lahayd badeecad ama adeeg

Ugu Danbayntii

Bilaabidda ganacsi dhijitaal ah iyo Bilaabidda mashaariicda internetka ayaa noqday mid muhiim ah. Ganacsiga internetka ma saameeyaan masiibooyinka ama dhibaatooyinka dhaca, taa badalkeeda, way ku kobcaan oo way sii kordhaan. Waxaana marag iyo markhaati nagaga filan caabuqii Corona-ha ee Covid19.

Haddaba, si ganacsigaaga aad u balaadhiso, oo aad u hesho macaamiil badan, waxaa lama huraan ah inaadan ka maqnaanin saaxadda internet-ka, taasoo kulmiso malaayin qof, bal balaayiin qof. Hana iloobin in shirkadeenu ay u heelan tahay midaas, oo ay taagan tahay caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah inaad yeelato ganacsi online ah.

Waxaadna nagala soo xidhiidhi kartaa Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 ama WhatsApp Link-gan: https://wa.link/zjb442, Iyo Telegram Link: https://t.me/gellebashir.

Sidoo kale waxaynu soo galnaa ZOOM oo aanu ku bixinno talooyin badan oo wax ku ool ah, oo aynu ugu talagalanay dadka doonaya inay furtaan ganacsi online ah ama raba in ganacsigooda u badalaan internetka oo ay qaadaan tallaabooyinkooda ugu horreeya.

Haddii aad hayso su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan adeegyadeena, ama guud ahaan, ku saabsiisan ganacsiga, ha ka waaban inaad nagu waydiiso qaybta faallada, si aan uga jawaabno, hadaannu u aragno in ay habbon tahay ina maqaal laga sameeyo su’aashaadan ama muwduuca aad nagu waydiisay qaybta faallada, waynu ka sameen doonaa (Haduu Eebe Idmo), hana iloobin inaad naga soo follow-gareyso boggayaga aanu ku leenahay baraha bulshada, si aad u hesho macluumaad dheeri ah.

Sii Daalaco: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya Blogger Iyo WordPress

Sidoo Kale: Faa’iidooyinka Iyo Khasaaraha Uu Leeyahay Ganacsiga E-Commerce-Gu

6 Comments

  1. Website ka marka qolo shirkadooda ku xayiisiisanayso ma waxay wax igu siinaayaan inta qof ee soo booqatay wabsite ka mese heshiis kalaa galaysaan.

    Logada samaynteeda si madax banaan ma ugu shaqeysa karaa?
    Haďdii jawaabtu haa tahay
    Website ka ugu fiican ee looga shaqeysa karaahu waa kee?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *