Canada Oo Qorsheyneysa Inay Soo Dhoofsatao Nus-Milyan Qof Oo Xirfadlayaal Ah Sanadka 2025-Ka

Canada Oo Qorsheyneysa Inay Soo
  • November 8, 2022
  • Comment 4

Canada Oo Qorsheyneysa Inay Soo Dhoofsatao Nus-Milyan Qof Oo Xirfadlayaal Ah Sanadka 2025-Ka

Canada Oo Qorsheyneysa Inay Soo Dhoofsatao Nus-Milyan Qof Oo Xirfadlayaal Ah Sanadka 2025-Ka

Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaheeda ku aadan qaabilidda soo galootiga, iyadoo xustay inay dooneyso inay soo dhoofsato 1.45 milyan oo soo galooti ah sannadka 2023, 2024 iyo 2025, taas oo ay ugu wacan tahay dadkeeda hawlgabka noqday iyo shaqo yaraanta ka jirta waddanka.

Wasiirka socdaalka Canada Sean Fraser ayaa sheegay in Canada ay xoojin doonto yoolkeeda socdaalka ah, Isaga oo muujiyay sida uu u rajeynayo inuu helo tirada ugu badan ee soo galootiga cusub ah, si wax looga qabto dhibaatada shaqo la’aanta ee ka jirta dalka, isagoo xusay in dalkiisa “uu u baahan yahay dad badan,”.

Sannadkii hore, Kanada waxay soo dhawaysay in ka badan 405,000 qof oo soo galooti ah, waana tiradii ugu badnayd abid ee qabsoomta hal sano gudahood.

Ha se yeeshee sanadkan aynu ku jirno waxay dawladu rajaynaysaa in ay gaadho 431,000 qof oo soo galooti ah.

Halka ay qorshaysay in sanadka 2023 ay soo dhoofsan doonto 465,000 qof oo soo galooti ah, sanadka xigana ay soo dhoofsan doonto 485,000 qof oo soo galooti ah, halka ay soo dhoofsan doonto nus milyan 500,000 qof oo soo galooti ah sanadka 2025.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay qorshanan ayaa ah in ay dawaladu walaac ka qabto dadka da’da ah iyo shaqooyinka hawlgabka ah ee ku soo wajahan, iyadoo xogta tirakoobka ee la soo saaray bishii Abriil ay muujisay in tirada dadka ku soo wajahan hawlgabka Kanada ay gaadheen heerkii ugu sarreeyay.

Canada waxay muddo dheer raadinaysay istaraatiijiyad ay ku soo dhoofsanayso dadka soogalootiga ah si wax looga qabto dadkeeda da’da ah iyo shaqo la’aanta jirta. Iyadoo istaraatijiyadeeda ku salaysan tahay shaqaaleyaal xirfad leh oo ku sugan wadamada ay ka jirto shaqo la’aanta.

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato Si Aad Ula Jaanqaado Mustaqbalka

Shaqooyinka looga baahan yahay Dalka

Waxa jira shaqooyin badan oo ka bannaan dalka, kuwaasi oo aan wali la buuxin. Wuxuuna wasiirku yidhi: “Haddii aynaan tillaabo qaadin, wada hadalka aan yeelan doono 10-ka ama 15-ka sano ee soo socda ma noqon doono mid ku saabsan shaqo la’aan” wuxuuna carbkiisa ku dhuftay shaqooyinka qaar oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

      • Caafimaadka
      • Warshadaha
      • Injineernimada Software-ka
      • Farsamada Gacanta
      • Hudheelada
      • Darawallada Gaadiidka Xamuulka Ah

Sii Daalaco: Waa Maxay Shaqooyinka Loogu Baahi Badan Yahay Internet-Ka

Sida laga soo xigtay ra’yi ururin dhawaan uu sameeyay machadka deegaanka cilmi baadhista sahan, ayaa sheegaya in 58% dadku ay taageersan yihiin soo galootiga badan, halka 69% ay ku khilaafeen markii la waydiiyay in Kanada ay qaabilayso soo galooti aad u badan, taasoo soo jeedinaysa in taageerada dadweynuhu ay noqon karto mid kacsan.

Canada waxay si toos ah ugu jeestay ajaaniibta, si wax looga qabto shaqo yaraanta ka jirta dalka.

Sii Daalaco: 6 Ganacsi oo 2023 bilaabi kartid | $1000 Side Hustle

4 Comments

  1. Nadafadah sido kale xafisyadah sidah lo nadifiyo sidah loxanaa neyo carurta yar yar sido kale wayeladah sidah lo xananeyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *