4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT

4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT
  • January 29, 2023
  • Comment 6

4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT

Aaladaha AI ee suuqa soo galayay bilihii la soo dhaafay ayaa dhaliyay muran badan, haddii ay ahaan lahayd curinta sawirada, curinta farshaxanka, ama helitaanka jawaabta su’aal kasta, iyadoo la isticmaalayo bot-ka wada sheekaysiga, sida ChatGPT oo ay soo saartay shirkadda OpenAI, dhamaadkii sandka 2022.

Haddii aad leedahay degel ama blog ama ugu yaraan adeegsato aaladaha warbaahinta bulshada tani waxay la macno tahay inaad si joogto ah u qorto nuxurka, ChatGPT ayaa faa’iido u leh curinta fikradaha, curinta qoraallada, iyo isticmaallo kale oo badan oo sidoo kale ku caawin kara xagga suuq-geynta iyo curinta nuxurka.

DIGNIIN MUHIIM AH: ChatGPT waxa uu leeyahay awood sare oo uu kula sheekeysto isticmaalayaasha, wuxuuna siiyaa jawaabo faahfaahsan oo u eg jawaabaha ay bixiyaan bini’aadamka, sidoo kale wuxuu diidaa inuu ka jawaabo su’aalaha aan habboonayn; Sida: sida qof loo dilo ama sida guri loo dhaco, iyo kuwo kale.

Laakiin saynis yahanada iyo OpenAI lafteeda ayaa ka digaya inay mararka qaar ay ku siin karto jawaabo khaldan, iyadoo jawaabaheedu ay u muuqan karaan kuwo la isku halayn karo saasooy tahayna way khaldanaan karaan. HADDABA, jawaabihiisa ay ku siinayso sida ay yihiin ha u daabicin, si aanay waxyeello ugu geysan nuxurka aad bixiso, una tixgeli inay tahay aalad kaa caawinaysa inaad hesho fikrado cusub, kuuna fududaynaysa hawl-hoosaadyada qaarkood si aad wakhtigaaga u badbaadiso.

Halkan Waxaa Ah 4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT

1- Helidda Fikrado Cusub Oo Ku Saabsan Nuxurka

Nuxurku waa tiirka ugu weyn ee istaraatijiyad suuqgeyneed, laakiin mararka qaarkood way adkaan kartaa inaad la timaado fikrado cusub oo xiiso leh.

Laakiin ChatGPT ayaa kaa caawin kara inaad fikrado ka hesho mawduuc gaar ah, tusaale ahaan: waxaad waydiin kartaa isaga “waxaad i siisaa 10 fikradood oo ku saabsan Graphic Design”.

DIGNIIN AAD U MUHIIM AH: Ha u qaadan jawaabaha ay ku siiso ChatGPT sida ay tahay, sababtoo ah waxay noqon karaan kuwo khaldan, marka waxaa aad muhiim u ah in aad dib u eegto dhammaan jawaabaha ay bixiso oo aad hubiso inay sax yihiin, iyo in kale.

2- Curinta Qaybaha Koowaad Ee Qoraalka

Ka soo qaad, waxaad rabtaa inaad qorto war-saxaafadeed mana haysatid wakhti kugu filan, waxaad waydiin kartaa ChatGPT: ” ii qor war-saxaafadeed ku aadan shirkad la yiraahdo [X] oo hadda soo ururisay lacag dhan $100 milyan.”  Haatan waxaad wax ka faham siisay nuxurkaaga sida shirkadda magaceeda iyo wax-qabadka qaar, Tanina waxay noqon doontaa hab fiican oo aad ku heli karto qaybaha koowaad qoraalka.

3- Helitaanka Cinwaanno Ku Habboon Nuxurka

cinwaanada wanaagsan ayaa aad muhiim ugu ah nuxurka, waxaa laga yaabaa inaad haysato muuqaaladii ugu fiicnaa abid, laakiin haddii uusan cinwaanku soo jiidasho lahayn, ma heli doono daawasho badan.

Waxaadna ka codsan kartaa inuu ku siiyo 5 cinwaan oo soo jeedasho leh oo ku aadan mawduuc gaar ah, hubaal xittaa hadii aanad isticmaalin cinwaanada uu ku siiyay, waxaad u isticmaali kartaa mawduucyadaada xiga.

4- Soo Koobidda Qoraallada Dhaadheer

Had iyo jeer waxaan la kulannaa dhibaatada ah xaddidaad ku aadan qoraallada aan ku post-gareeno baraha bulshada, sida: barta Twitter-ka, halkaasoo tirada ugu badan ee la post-gareyn karo ay tahay kaliya 280 xaraf.

Xaaladdan oo kale, waxaad isticmaali kartaa ChatGPT oo aad waydiinayso “ku soo koobo qoraalkan 280 xaraf adigoo ilaalinaya macnaha guud ee qoraalka”.

Sii Daalaco: 7 Arimood Oo Kuu Ogolaanaya Inaad Bilawdo Wax Kasta

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *