3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed

3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed
  • January 31, 2023
  • Comment 6

3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed

Robots-yada iyo nidaamyada AI miyay naga qaadi doonaan shaqadeena? Muddo sanado ah ayaanu la is-weydiinaynay su’aashan, waxaana lagu hawlanahay doodda ku saabsiisan AI ah iyo automation-ka in ay mustaqbalka nasiin doonaan shaqooyin ama in ay khalkhal gelin doonaan suuqa shaqada?

Marka la eego heerka dhaqaalaha guud ahaan, waxaa cad Ilaa hadda, Robots-yada iyo nidaamyada AI in aysan buuxin karin baahida shaqada, haddana Robots-yada iyo nidaamyada AI waxay qaban karaan noocyada shaqooyinka qaar. Waa run in shaqooyinkii ku dabar go’ay horumarka tignoolajiyada ay beddelaan shaqooyin kale, laakiin tani macnaheedu maaha in geeddi-socodka isbeddelku uu yahay mid sahlan. Sababtoo ah dadku guud ahaan uma sahlana inay beddelaan shaqooyinkooda, gaar ahaan haddii shaqooyinka cusubi ay meelo kala duwan ka jiraan oo ay u baahan yihiin xirfado cusub.

Chatbot-ka (ChatGPT) dabayaaqadii sanadkii hore waxa ay kor u qaaday walaaca baahsan oo ku aadan suuqa shaqada, iyada oo ay awood u leedahay in ay qorto nuxurka, code-ka, iyo in ay samayso wada hadal u qaab eg sida bini’aadamka.

Richard DeVere, khabiir ku takhasusay AI, ahna madaxa injineernimada bulshada ee Ultima, ayaa uu ku sheegay wargeyska DailyMail: “Waxaan rumaysanahay in ChatGPT ay bedeli karto 20% suuqa shaqada 5 sano gudahood, sababtoo ah waxa aan hadda u jeedno maaha kaliya wax cusub, sida Bitcoin, NFTs ama muraayadaha indhaha ee caqliga leh, ee waa xaqiiqo aan ku noolnahay mana jiraan calaamado muujinaya hoos u dhac.”

Waa Kuwan 3 Shaqo Oo Dabar-Go’i Doona Ama La Waayi Doono, Chatgpt Darteed

1- Barnaamij Sameeyaha

Bot-ka ChatGPT wuxuu awoodda u leeyahay inuu curiyo, oo uu ogaado oo uu saxo khaladaadka koodka, wuxuuna samayn karaa barnaamijyo fudud oo ku qoran luqado kala duwan, laakiin haddii aad weydiiso inuu qoro kood adag, sida qorista code game heersare ah, waxay jawaabteedu noqon doontaa Hawsha hadda way ka baxsan tahay awoodayda.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa aaminsan in ChatGPT iyo qalabyada AI ee la midka ah, ay si degdeg ah u horumarayaan, waxaana laga yaabaa in aan argno isbeddello waaweyn 3 sano gudahood.

2- Qorayaasha Iyo Saxafiyiinta

ChatGPT waxa uu awoodda u leeyahay in uu qoro qoraallo dhaadheer, sida maqaallo iyo warbixinno loo qoray si hufan, ilaa ay marayso heer ay qorto buugaag dhan oo hadda lagu iibiyo dukaamada buugaagta ee Amazon.

3- Shaqaalaha Adeegga Macaamiisha

ChatGPT asal ahaan waa chatbot awood u leh in uu si fudud ula sheekeysto isticmaalayaasha, wuxuuna ka fiicnaaday dhammaan chatbot-yada hadda jira.

Haddaba, adeegga macaamiishu waa mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee uu khatarta ku yahay, iyadoo hadda loo isticmaalo in lagu maareeyo weydiimaha macaamiisha, jadwalka ballanta, iyo xallinta mashaakilaadka qaarkood, waxaana laga yaabaa inuu awood u yeesho qabashada hawlo badan oo kakan. Tani waxay u horseedi kartaa shaqaale badan oo ka shaqeeya adeegga macaamiisha ah inay waayaan shaqadooda.

Sii Daalaco: 4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT

6 Comments

  1. Xamsecsamed@gmail.com

    Asc mclin galle bashir su.all ??
    Chargpt dhib ayaa naga haysata mclin Africa kuma shaqaynayso mclin markaa maad garanaysa sii ay ushaqayso mclin
    Problem kaa iga soo xali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *