Waa Maxay ChatGPT, Sidee Ayayna U Shaqaysaa?

Waa Maxay ChatGPT, Sidee Ayayna U Shaqaysaa?
  • February 2, 2023
  • Comment 1

Waa Maxay ChatGPT, Sidee Ayayna U Shaqaysaa?

Weligaa ma is weydiisay sida uu u muuqdo mustaqbalka tignoolajiyadda, gaar ahaan Artificial intelligence ama Maskaxda Macmalka Ah, waxaa laga yaabaa inaad maqashay ChatGPT laakiin aanad garanayn sida ay u shaqeyso? HAGAAG, maqaalkeena maanta, waxaan si qoto dheer leh u dul istaagi doonaa ChatGPT – waxa ay tahay iyo sida ay u shaqeyso.

Bishii la soo dhaafay ee November, shirkadda Open AI oo ku takhasusutay Artificial intelligence ama Maskaxda Macmalka Ah ayaa baahisay isbeddelkii ugu dambeeyay waxayna u magac dartay “Chat GPT“, kaas oo ah bot ku shaqeeya Artificial intelligence, si dhakhso lehna uga jawaaba isticmaalayaasha waydiimahooda ama dalabkooda.

In kasta oo ay jireen aalado kale oo wada-shaykaysi ah (Sida ChatGPT) oo ku shaqeeya Artificial intelligence ama Maskaxda Macmalka Ah, HADANA, ChatGPT wuxuu leeyahay awood heer sare ah, oo ku salaysan xidhiidh sax ah, oo u eg sida aadanaha oo kale, taasoo keentay inuu ka sare-maro aaladihii kale ee dhiggiisa ahaa, Heer ay dadka qaar ku tiriyaan in aan la dhayalsan karin baahida loo qabo.

Waa Maxay ChatGPT?

ChatGBT: waa aalad wada-shaykaysi ah, oo shaqadeeda ugu weyn ay tahay, in ay ku dayato wada sheekaysiga aadanaha ama bini’aadamka oo kale.

ChatGPT waxaa soo saartay shirkad laga leeyahay dalka mareykanka oo la magac baxday “OpenAI” oo ah hay’ad ku takhasustay cilmi baarista Artificial intelligence ama Maskaxda Macmalka Ah iyo horumarinta nidaamyada.

ChatGPT wuxuu isticmaalaha su’aalahooda ugu jawaabaa si hal abuur leh, wuxuuna sidoo kale maqaalada u qoraa qaabkii loo rabay, isagoo adeegsanaya kaydka macluumaadka ku kaydsan mareegayaasha.

ChatGPT waxay leedahay astaamo u muuqda sida kaftanka iyo kartida uu wax ku hagaajin karo.

ChatGBT waxaa horey loogu tababaray in ka badan 300 bilyan oo kelmadood.

ChatGPT ma laha shakhsiyad u gaar ah.

ChatGPT wuxuu dhawor maalmood gudahood, ku gaaray 1 milyan oo isticmaale.

Sii Daalaco: 3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed

Sidee Bay U Shaqaysaa ChatGPT?

Guud ahaan, ChatGPT waxaa loo dejiyay inay noqoto aalad qiimo leh oo loogu talagalay shirkadaha raadinaya inay horumariyaan adeegga macaamiisha iyo hawlaha kale ee la xiriira AI.

Intaa waxaa dheer, ChatGPT waxay ku qalabaysan tahay awoodaha habaynta luqadda dabiiciga ah, taasoo u sahlaysa inay aqoonsato oo ay tarjumto su’aalaha, codsiyada, iyo dardargelinta, oo ay bixiso jawaabo ku habboon. Tani waxay ka dhigan tahay inay la falgeli karto isticmaalayaasha qaab wada-hadal ah, taasoo kuu ogolaaneysa inaad u soo dirto su’aalo iyo tilmaamo si la mid ah aadanaha.

ChatGPT waxay sidoo kale leedahay karti ay wax ku barato iyadoo adeegsanaysa is-dhexgalkaada, taas oo macnaheedu yahay inay sii kobcin karto wakhtiba wakhtiga ka dinbeeya, sababtoo ah aqoonteeda waxay ku dhistaa wada-shaykaysigiina. Tani waxay ka dhigeysaa mid ku habboon in loo isticmaalo qaabab kala duwan, laga bilaabo adeegga macaamiisha ilaa daryeelka caafimaadka.

Ugu Danbayntii

Waxaa muran ka taagan yahay in aaladan aysan ka jawaabi karin waxyaabihii dhacay 2022. Tusaale ahaan, waxaan weydiinnay cidda ku guuleysatay Koobka Adduunka 2022. Jawaabtuna waxay noqotay sida tan:

Waan ka xumahay ma heli karo macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku saabsan koobka adduunka 2022, Sababtoo ah tababarkaygii wuxuu ku ekaa ilaa 2021, sidaa darteed ma heli karo macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku aadan koobka adduunka 2022

Laakiin waxaa hubaal ah shirkadda OpenAI in ay hormarin doonto macluumaadka iyo xogaha ay hayso aaladan, si ay u noqoto aalad wada-shaykaysi dhamaystiran.

Haddaba Fikradaada Nala Wadaag, Aaladan ma noqon doontaa mid khatar ku ah xirfadaha aadanaha mustaqbalka dhow?

Sii Daalaco: 4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *