Wax Ka Ogow Nuqulka ChatGPT Plus

Waa maxay astaamaha ChatGPT Plus?
  • February 6, 2023
  • Comment 1

Wax Ka Ogow Nuqulka ChatGPT Plus

OpenAI, ayaa ku dhawaaqay dhowr maalmood ka hor, bilaabida nuqul lacag lagu bixinayo oo ay ugu magac dartay (ChatGPT Plus). Waxayna OpenAI tilmaantay in ay bixinayso astaamo iyo tilmaamo aysan heli karin isticmaaleyaasha isticmaala nuqulka bilaashka ah.

Qiyaastii hal bil ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin ChatGPT Plus, OpenAI waxay baahisay foom sheegaya ina la soo saari doono nuqul lacag ah oo ku magacaaban ChatGPT Professional. Foomkuna waxa uu ka koobnaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan isticmaalka ChatGPT, iyo lacagta ku habboon ee lagu bixin karo.

Waa Maxay Astaamaha Iyo Tilmaamaha Ay Bixiso Chatgpt Plus? Goorma Ayaana La Isticmaali Doonaa Nuqulka Lacagta Ah?

Waa Maxay Chatgpt Plus?

Waa nuqul lacageed oo ka mid ah ChatGPT, kaas oo aad u horumarsan, lehna astaamo badan, iyo waxqabadyo wanaagsan.

OpenAI waxay baahinteeda nuqulka bilaashka ah ee ChatGPT ay uga dan lahayd inay cilmi baadhis ku samyso, si ay wax badan uga barato isticmaalayaasha, loona ogaado meelaha ay ku fiican tahay iyo meelaha ay ku liidato, si ay ugu danbayntii ugu fududaato wax kabadaliddeeda iyo kor u qaadiddeeda.

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu muhiimsan ee ay la kulmaan dadka isticmaala nuqulka bilaashka ah ayaa ah sugitaanka saacado, si ay u isticmaalaan, sida ogeysiisku u muuqdo (ChatGPT Plus hadda waxay awood u leedahay inay qaabisho maacaamiil abadan), waxaana cad in dhibaatadani ay ahayd Sababta ugu weyn ee loo bilaabayo nuqul lacageed, si ay u fududaato helitaanka adeegga wakhti kasta, Marka lagu daro astaamo cusub oo shirkaddu aanay wali faahfaahin ka bixinin.

Sii Daalaco: 3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed

Waa maxay astaamaha ChatGPT Plus?

ChatGPT Plus waxa ay bixinaysaa sifooyin aan diyaar u ahayn isticmaalayaasha, isticmaala nooca nuqulka bilaashka ah, kuwaas oo kala ah:

      • helitaanka adeeggan wakhti kasta, gaar ahaan wakhtiyada ugu culus, oo aan inta badan suurtogal ahayn in la isticmaalo bot-kan.
      • Muddada jawaabta oo degdegga ah.
      • Mudnaanta helitaanka sifooyinka cusub

Iyadoo dadka qaar ay tahay inay sugaan saacado si ay u isticmaalaan nuqulka bilaashka ah inta lagu jiro waqtiyada ugu culus, waxay noqon kartaa sababta koowaad ee la iskaga diiwaan galinayo nooca nuqulka lacagta ah.

Sii Daalaco: 4 Siyaabood Oo Lagu Curin Karo Nuxurka Iyadoo Adeegsanyo ChatGPT

Hadda Ma La Iska Diiwaan Galin Karaa Chatgpt Plus?

ChatGPT Plus ayaa si tartiib tartiib ah u bilaabmi doonto, si toos ahna looma heli karo, balse cidda danaynaysa ChatGPT Plus ay isku diwaan galinayso liiska sugitaanka, shirkaduna waxa ay u soo diri doontaa link, oo ay kaga soo biiri karaan, waase haddii ay shirkadu u ogolaato cid kasta oo doonaysa inay isticmaasho adeegaas si aad u rukunto.

Waa Maxay Qiimaha Diiwaan Galinta Chatgpt Plus?

Adeegga ayaa marka hore heli doonaa isticmaalayaasha ku sugan gudaha dalka Mareykanka, kadibna waa la sii fidinayaa, qiimaha isdiiwaangelintuna waa $20 bishii.

Shirkadu waxay muujisay inay sii wadi doonto oo ay sii hormarin doonto bixinta adeegeeda bilaashka.

Sii Daalaco: Waa Maxay ChatGPT, Sidee Ayayna U Shaqaysaa?

Sidoo Kale: Bank Caalami ah Furo adoo Wadanka Joogo | Payoneer Africa

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *