Dadka Hodanka Ahi Waa Mulkiilayaal, Ma Ahan Adeegsadayaal

  • August 26, 2023
  • Comment 2

Dadka Hodanka Ahi Waa Mulkiilayaal, Ma Ahan Adeegsadayaal

Dadka maal-qabeenada ahi ma aha kuwo adeegsadayaal ah, ee waa hantiilayaal, oo hanti iyo shirkado bay leeyihiin, heer ay gaadheen inay bixiyaa daymo, iyagoo inta badan shakhsiyaad iyo hay’adahaba amaahi lacago cadaan ah.

Dadka Hodanka Ahi Waa Mulkiilayaal, Ma Ahan Adeegsadayaal“. Waana inaad fahamtaa farqiga u dhaxeeya baahida iyo rabitaanka, isla mar ahaantaana aad hab-fikirkaaga bedeshaa, haddii aad haysato baabuur ama gaadhi (hadba sida aad u taqaanee) wanaagsan oo aad wadatay muddo 10 sano ah, waxa aad si fudud u sii wadan kartaa sanad kale, hadii uusan wax cillad ah keenin.

Looma baahna in lagu degdego iibsashada shay hore u lahayd, iyadoo ujeedadu kaliya tahay cusboonaysiin, ama iibsashada nuqulkii ugu danbeeyay.

Had iyo jeer dadka adeegsadayaasha ahi waxay ku degdegaan ooy doorbidaan iibsashada taleefankii ugu dambeeyay, baabuurkii ugu dambeeyay, TV-gii ugu dambeeyay, qalabkii ugu dambeeyay, maryihii ugu dambeeyay, kabihii ugu dambeeyay, wax kastoo ugu dambeeyay, waxaana haysta dhibaato ah (Iibsashada Shay walba Kiisa Ugu Danbeeya, Ama Ugu Hormarsan, Amaba Xitaa Mararka Qaar Waxay Gaadhaan Kiisa Ugu Qaalisan)

Si ay u helaan oo ay u iibsadaan waxyaabahani, waxay intooda badani galaan deymo aan xad lahayn, taasoo meesha ka saaraysa riyada ah inay ka mid noqdaan dadka hodanka ah, ama maal-qabeenada ah.

Dadka intooda badan waxay isu maleynayaan inaysan ahayn adeegsadayaal, iyagoo naftooda ku qanciya inay iibsadaan maryaha ama dharka duug ah, ama wax kastoo duug ah, misna lacago kaydiyaan, iyagoo ku dagmaya dunidan xayaysiika ah, dhaqaalaha adduunkuna wuxuu ku dhisan yahay adeegsi, waana welwelka ugu weyn ee casrigan.

Waxaan aragnaa brand-yo cusub oo soo if baxa marba marka ka danbaysa, iyagoo isla mar ahaantaana guulo waa-weyn xaqiijiya, waxayna kor u qaadaan fikradda ah, “kasbashada waayo-aragnimo hor leh“, si ay u soo jiitaan dadka dhalinyarada ah, iyagoo ku qancinaya inay fiicantahay in la aado maqaaxiyaha cuntada, la kaxaysto baabuur, la aado meel shan saacadood loo socdo, si ay wax u soo cunaan, una helaan waayo-aragnimo hor leh.

Intaa uun ma ahee, waxa kaloo lagu sii qanciyay, inay u baahan yihiin inay iibsadaan telefoonadii ugu danbeeyay, uguna casisanaa dhanka kaamiradaha, si ay u awoodaan inay diiwaan galiyaan dhacdooyinkooda iyo fasaxyadooda cajiibka ah.

Tani waxaa laga yaabaa inay tahay talaabadii ugu xariifsaneed ee abid la qaaday tobankii sano ee la soo dhaafay.

Waa istaraatiijiyad suuqgeyneed oo aad waxtar u leh, isla mar ahaantaana guul fiican u keentay, ganacsatada iyo shirkadahaba, laakiin markii aad dhankaaga ka eegto waxay kuu leedahay cawaaqib xumo, waana sababta dadka hodanka ahi ay uga fogaadaan wax-adeegsiga.

Tani macnaheedu maaha in aanay waligood noqonayn adeegsadayaal, waa wax aan macquul aheyn, hasa yeeshee farqiga u dhexeeya dadka hodanka ah iyo kuwa aan hodanka ahayn ayaa ah in hadafkooda koowaad uusan ahayn inay helaan alaab ama badeecad cususb ama uusan ahayn inay helaan ooy kasabadaan waayo-aragnimo hor leh, ee waxay iibsadaan hantida ma guurtada ah.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *