Dakhliga Soo Gala YouTube

Dakhliga Soo Gala YouTube
  • December 6, 2022
  • Comment 2

Dakhliga Soo Gala YouTube

Dakhliga Soo Gala YouTube

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, inteena badan waxaan maqalnay wax ku saabsiisan faa’iidada ama dakhliga YouTube, haba yaraatee, ee ay sameeyeen hal abuurayaasha.

Kanaalada caanka ah ee Youtube-ka waxa ay sameeyaan dakhli gaaraya ama ka badan “inta badan” $20 milyan sanadkii, qiimo dhan $2milyan bishii, taas oo ah tiro male-awaal ah oo laga yaabo in ay u muuqato riyo, laakiin waa xaqiiq.

Haddaba waa maxay runta ku saabsan faa’iidada YouTube? Iyo sida loo bilaabo safar guul leh adduunkan baaxadda leh?

Waa Maxay Dakhliga Soo Gala Youtube?

Habka ay lacagta u sameeyaan hal-abuurayaasha YouTube waxa loo yaqaan Monetization.

Barta YouTube-ka waxay samaysay nidaam u gaar ah oo ay lacagta ku siiso hal-abuurayaasha hoos yimaada barnaamika YouTube Partner Program (YPP) ilaa 2007.

Xaqiiqda ayaa ah in lacag ka samaynta YouTube-ka ay tahay mid fudud, waxayna ku xiran tahay milkiilayaasha kanaalada inay ku biiraan barnaamijka YouTube Partner Program (YPP), ka dibna ay muuqaalada u furaan xayaysiisyada, intaa ka dibn YouTube waxa uu bilaabi doonaa inuu u ururiyo faa’iidada, iyaga oo ka jaran doona qaddar gaar ah, oo ku salaysan habka faa’iidada leh.

Tirakoobyo ku saabsiisan dakhliga YouTube-ka

Waxaan ku bilaabi doonaa tirooyin iyo tirokoobyo si xoog leh u muujinaya aragtida ballaadhan ee madasha YouTube ay siiso qof kasta oo raba inuu bilaabo mashruuc faa’iido leh.

      • Celcelis ahaan tirada kanaalada youtube ee dakhligoodu ka badan yahay $100,000 waxa ay kor u kacdaa 40% sannad kasta.
      • Dakhliga madasha youtube inta lagu guda jiray sanadkii 2021 wuxuu gaaray ilaa $28.8 bilyan, oo uu ku kordhey qiimaheedii 49%, sanadkii la soo dhaafay ee 2020, dabcan, waxay si togan uga turjumeysaa dakhliga ay sameeyaan hal-abuurayaasha youtube-ka.
      • Hal-abuurayaasha leh 500 ilaa 5,000 subscribers ah waxay muuqaalkiiba ka helaan celcelis ahaan $300, Halka hal-abuurayaasha leh in ka badan 500 kun subscribers ay ka helaan muuqaalkiiba celcelis ahaan $3,500.
      • 1,000kii qof ee daawasho (views) waxaa laga helaa celcelis ahaan $0.5, halka youtube celcelis ahaan uu bixiyo $18 1,000kii qof ee daawada xayaysiisnta ka soo muuqata muuqaalka.
      • Shantii sano ee la soo dhaafay, youtube waxa ay bixisay in ka badan $5bilyan oo macaash saafi ah, oo ay siisay hal-abuurayaasha adduunka kuka la nool oo dhan.

Sii Daalaco: Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Kaa Caawin Doona Inaad YouTube-Ka Ka Gaadho Guul La Taaban Karo

Siyaabha YouTube lacag looga sameeyo

Waxaa jira dhawr siyaabood oo youtube-ka lacag looga sameeyo, ha sa ahaatee waxaynu xusi doonaa -eebe idamkii- dhawrka siyaabood ee ugu caansan, kuwaas oo ah:

      • Ad Revenue
      • YouTube Premium
      • Channel Memberships
      • Super Chat and Super Stickers
      • Sponsored Content
      • Crowdfund
      • YouTube’s merchandise
      • Affiliate

Iyadoo faahfaahsan hadaad rabto waxaad daalacan kartaa maqaalkan: 5 Siyaabood Oo YouTube Lacag Looga Sameeyo

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *