Waa Maxay Dropshipping? Sideese Ayuu U Shaqeeyaa?

Waa Maxay Dropshipping? Sideese Ayuu U Shaqeeyaa?

Waa Maxay Dropshipping? Sideese Ayuu U Shaqeeyaa?

Ma ku fakaraysaa wakhti xaadirkan in aad samaysato ganacsi adiga kuu gaar ah, saasooy tahayna ma haysatid raasamaal kugu filan, isla mar ahaantaana ma haysatid meel aad alaabta iyo badeecadaha ku kaydiso? xattaa ma garanaysid meel aad wax ka bilowdo?

Ma tahay qof hal-abuur ganacsi leh? Weligaa ma ka fikirtay inaad samaysato ganacsi adiga kuu gaar ah isla mar ahaantaana aad ku gaadho xorriyad maaliyadeed iyo xasillooni maaliyadeed mustaqbalka fog? Haddii aad haysato fikrad ganacsi oo hal-abuur leh, waxaad shaki la’aan inaad mar uun maqashay dropshipping, iyo sidoo kale inaad maqashay in ganacsiga noocaan ahi uu yahay mid sahlan oo aan u baahnayn gabi ahaanba raasamaal.

Dabcan waxay u muuqan kartaa mid aan macquul ahayn in la bilaabo ganacsi ka madhan waxyaabaha aan soo dheegnay oo dhan, laakiin aan mid kuu sheego waa ”SUURTAGAL”.

Hagaag! Maqaalka maanta, waxaan si faahfaahsan uga hadli doonaa dropshipping-ka, waxaanan ka wada hadli doonaa dhammaan dhinacyadiisa, laga bilaabo qeexitaankiisa iyo sida uu u shaqeeyo, iyo tiirasha uu ku tiirsan yahay.

Waa Maxay Dropshipping?

Waa ganacsi ka kooban 3 xubnood, xubinteeda koowaad waa alaab-qaybiyaha ama alaab-sameeyaha laftiisa, xubinteeda labaadna waa macmiilka, teeda sadexaadna waa dhexdhexaadiyaha.

Haddaba dhexdhexaadiyuhu muxuu yahay?

Waa qofka alaab-qaybiyaha ka qaadanaya muuqaalka badeecadda, ma ahan badeecadda lafteeda, ka dibna ku soo daabacaya website-kiisa, qiimaha badeecaddana ku biirinaya faa’iidadiisa, isla mar ahaantaana suuqgeynaya.

Dropshipping-ku Wuxuu Ku Tiirsan Yahay 3 Tiir

Tiirka koowaad, waa badeecadda, kuwaas oo aad ka soo waaridanayso website-yo shiinays ah, oo uu ugu horreeyo Ali Express ama alaab-qaybiyayaal shiinees ah

Tiirka labaadna, waa website, kaasood uga baahan tahay inaad ku soo daabacdo badeecadaha aad rabto inaad iibiso, isla mar ahaantaana faa’idadaada aad ku saaranayso.

Tiirka sedexaadna, waa suuqgeynta, ooooooooh waana tiirka ugu adag, 99% dadka ku jira goobtan ma garanayaan sida ay u suuqgeyn lahaayeen dukaankooda, suuqgeyntuna waa guusha dukaan kasta, la’aanteedana wax iib ah ma dhaceen.

Sidee Buu U Shaqeeyaa Dropshipping-ku

Fikradda nidaamka dropshipping-ku waa in uu macmiilku alaab ka dalbado dukaankaaga, halka uu dukaankaagu ama mashruucaagu uu noqon karo 2 mid uun:

1. Dukaan dhab ah, waa adigoo soo waaritta alaabta faa’iidadaadana saarrta, kadibna saa ku iibiya, sida ganacsiyada maxalliga ah.

2. Dukaan male-awaal ah, waa adigoo badeecadda kaliya ka qaadanaya muuqaalkeeda, ka dibna ku soo daabacaya website, faa’iidana aad ku saaranayso, hadii la iibsadana si toos ah ayaad adigu uga soo iibsanaysaa alaab-qaybiyaha, isla mar ahaantaana waxaa badeecadda loo dirayaa macmiilka.

Tusaale ahaan, waxaa imanaya macmiilka, aniguuna wax iga iibsanayaa, wakhti xaadirka uu wax iibsanayana, waxaa uu iibsanayo website-ka ma yaallo, kaliya waxaa yaala muuqaalkeeda, aniguna waxaan badeecadda ka iibsanayaa alaab-qaybiyaha ama alaab-sameeyaha laftiisa, badeecaddana waxaa loo dirayaa macmiilka, anigoon taabsan oon aragba, waxaana sidaas ku qaadanayaa faa’iidadayda.

Sii Daalaco: Dhinacyada Kala Duwan Ee Uu Leeyahay Ganacsiga E-Commerce-ga

Gabgabadii

Dropshipping-ku waa goob xoogaan, naguna cusub hadaanu nahay soomaali.

Dropshipping-ku wuxuu fursad weyn ugu taagan yahay qof kasta oo doonaya inuu samaysto mashruuc online ah oo u gaar ah, isagoon fara-gelin caqabadaha iyo kharashyada lahaanshaha alaabta.

Haddii aad xiisaynayso isla wakhti xaadirkan inaad bilawdo mashruucaaga ku aadan dropshipping-ka haka waaban inaad nala soo xidhiidho, waayo waxaan aqoon iyo khibrad buuxda u leenahay ganacsigan iyo noocyadiisa, sidaa darteed wixii caawimaad iyo talooyin ah way inoo furan yihiin. bilow inaad qaado talaabooyin wax ku ool ah maanta si aad u gaadho riyadaada.


Isla Hadda Samayso Website

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *