Dropshipping xalaal misa xaaraan ?

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Dropshipping waa iibinta badeeco aadan adugu hayninba ama aadan lahayn, laakiin markuu qof kaa dalbado, aad ka dalbeysid shirkadaha iibiyo sheygaas .Kadib shirkadaas baa alaabtii u direyso qofkii iibsadey, adigaana isku xirayo.

Tusaale ahaan, waxaan leeyahay dropshipping website kaas oo lagu iibiyo saacadaha. Aniga wax saacado ah ma heysto hal xabana Allaha ka dhigee. Markuu qof website kayga ka dalbado saacad, Ana dalabkaas waxaan u gudbinayaa shirkadaha iibiyo saacadaha, isla shirkadaana udireyso qofka alaabta.

faa’iidada waxa weeye, saacada waxey shirkada ku taalaa $10 , laakiin website kayga waxaan ku iibinayaa $30. Marka qofki website kayga ka dalbadaa saacadaas wuxuu bixinayaa $30, kadib ana saacadii baan u dalbayaa oo shrikadii $10 baan siinayaa. $20 baa halkaas ka faa’iidey.

 

 

Xalaal mis Xaaraan

Dadka qaar waxey dhaheen waa xaaraan ayagoo cuskanayo xadiiska Nabiga NNKH uu la wadaagey saaxaabiga Hakam bin Hizam :

“Do not sell what is not with you”.
“Ha iibin wax aadan heynin“.
TIRMIDHI, NO: 1232

Maadaama dropshipping ka aad iibineysid alaab aadan heynin, xadiiskan baa xaarantimiyey qeyb ka mid ah.
Inkastoo uu Nabiga NNKH uu xaaraantimeeyey iibinta alaab aadan heyn laakiin waxaa jiro xadiiska kale


” The Prophet came to Medina and the people used to pay in advance the price of dates to be delivered within two or three years. He said (to them), ‘Whoever pays in advance the price of a thing to be delivered later should pay it for a specified measure at specified weight for a specified period.” BUKHARI NO: 2239

Marku Nabiga NNKH uu yimid magaalada Madina, waxaa jirey dad si hor maris ah u iibsadey timir labo ilaa sadex sano kadib loo keenayo. wuxuu ku yiri, qof kasta oo si hormaris ah lacag u bixiyey badeeco waadanbe loo keenayo, waa in uu qeexaa ama cabiraa culayska iyo waqtiga uu sheygaas looo keenayo.
BUKHARI NO: 2239

 

Iiibinta timir 2 ilaa 3 sano kadib soo go’ayso, waxey la micno tahey iibinta shey aadan waliba heynin oo xiligaas timirta maba jirto mana beerneyn.
iibinta noocaan ah waxaa la dhahaa markii loo fiiriyo ganacsiga islaamka ( Salaam Contract ).
marka Nabiga NNKH muusan usheegin dadkii Madina in aysan iibsan timir aanba hada la heynin lkn Nabiga NNKH wuxuu ku xirey shuruudo.
Labadaas xadiis markaan ka shidaal qaadano, dropshipping ka marna waa xalaal marna waa xaraam.

 

Xaaraan ?

Wuxuu xaaraan noqonayaa marka aadan heysan supplier aad markasta alaabta ka heli kartid. Hadii aadan heysan Supplier ama shirkad aad ku xirantahey, waxey noqoneysaan wax aadan ogeyn qiimahiisa ama meel aadan ku ogeyn in aad qof ka iibisey. markaasna dhib baa ka imaanayo oo alaabtii waa waayi kartaa amaba qiimo aadan fileyn oo qaali ah baa la iibin karaa. Saas hadey noqotana waxey noqoneysaa in aad qofki alaabta kaa gatey isku dhacdaan. Markas buu xaaran yahey dropshipping ka .

Xalaal ?

Hadii sida dadka Madina joogey oo kale aan ka shidaal qaadano, Waad iibin kartaa shey aadan heynin sida xadiiska Nabiga NNKH noogu sheegay lkn waa in aad meel ku ogtahey alaabtas oo waliba waqtiga la helayo iyo badeecada sax ah qofka u heli kartid.
Marka dropshipping kaaga waa in aad ku xiran tahey supplier ama shirkad markasta alaabtas ka heli karto.

Gunaanad

Ganacsigaan hadii aad rabtid in aad bilowdid, waa in aad ku fariisiso xadiiska danbe. Markaas xalaal buu kuu noqonayaa. Ganacsigaas waa ganacsi lacag badan runtii laga sameeyo.

 

 

5 Comments

    1. Wll aniga Horta sheekh maahi lol 😆 haha lkn labada xadiisba waaa sax . Article ka aqri qeybta danbe bn ku cadeeyey markuu drop shipping xaaraan noqonaya iyo markuu xalaal noqonayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *