Fikrad Miro-dhal Leh Oo Aad Ku Bilaabi Karto Dukaan Online Ah

Fikrad Miro-dhal Leh Oo Aad Ku Bilaabi Karto Dukaan Online Ah

Fikrad Miro-dhal Leh Oo Aad Ku Bilaabi Karto Dukaan Online Ah

Fikrad Miro-dhal Leh Oo Aad Ku Bilaabi Karto Dukaan Online Ah

Raadinta afkaar ku saabsan ganacsiyada elektaroonigga ah waxay noqotay arin mashquul galisa ganacsato iyo dhalinyaro badan oo doonaya inay galaan adduunka ganacsiga elektaroonigga ah.

Iyadoo iibka tafaariiqda uu gaaray $1.9 bilyan sanadka 2019, 2020-kiina wuxuu kor u dhaafay iibku $3 trillion, iyadoo ay ugu wacnayd faafitaanka karoonaha (Corona), kaas indhaha caalamka ku soo jeediyay ganacsigan in uu yahay mid lama huraan ah.

Tirakoobyaduna waxay muujinayaan in sanadka 2040, 95% hawlaha wax iibsiga iyo gadashada gabi ahaanba in ay u wareegi doonaan habka online-ka ah.

Hagaag, tirakoobyadanina waa mid ka mid ah waxyaabaha dhalinyarada ku dhiirigeliya inay bilaabaan ganacsigan elektaroonigga ah isla mar ahaantaana ay raadiyaan fikradaha dukaamada internetka si ay u curiyaan dukaamo guul leh.

Marka la eego horumarka tignoolajiyada ee aynu wakhti xaadirkan gaadhnay, waxaad si fudud ku yeelan kartaa dukaan xirfadaysan, adigoo ku iibinaya waxyaabaha aad danayso ama aad ku takhasustay, ama aad u aragto inay faa’iido kuu leedahay, waana tan maanta maqaalkeenan uga hadli doono – eebe idamkii.

Dukaan Online Ah Oo Lagu Iibiyo Alaabta Jimicsiga Iyo jir-dhiska

Ma ogtahay in agabka ama badeecadaha dadka ka caawinaya in ay gaadhaan miisaanka saxda ah ay maanta noqdeen mid ka mid ah waxyaabaha aadka loo raadiyo?

Ma ogtahay in majaladda Muscle & Fitness oo ah joornaalka aduunka ugu caansan uguna da’da weyn dhanka jimicsiga iyo jir dhiska in ay daabacdo nuqul gaadhaya 1.5 milyan oo majaladood.

Wax yar sug, waxaan ka hadleynaa kaliya waa joornaal helay caanimadaa intaa le’eg, markaa kawaran hadii aad furato dukaan online ah ama aad smaysato blog aad ku bixinayso talooyin iyo hab-raacyo wax ku ool ah oo ku aadan jimicsiga iyo jir dhiska, dabcan waxaa hubaal ah inaad helayso shacbiyad xoogan.

Mid ka mid ah faa’iidooyinka uu leeyahay ganacsiga elektaroonigga ahi waa inaad yeelan karto goob aad ku kulmiso dadka da’da ah, ragga iyo dumarka, yar iyo weyn, dhalinyaro iyo caruurba.

Sidaa darteed, goobtaadu waa inay si xirfad leh ula shaqaysaa dhammaan qaybaha dadwaynahaada ah, xaqiiq markaa waxaad yeelan doontaa dukaan online ah oo xirfadaysan.

Mawduucu ama arinku ma aha mid adag, kaliya wuxuu u baahan yahay inaad daalacato, ogaato, kala saarto oo aad habayso shaqadaada, isla mar ahaantaana aad diyaariso sawirto qorshe dhamaystiran iyo daraasad ku saabsan suurtogalnimada ah in uu guulaysan doono mashruuca hadii la raaco tillaabooyinkii saxda ahaa, ka dibna aad si degdeg ah u bilawdo adigoon dib u dhac ku samayn.

Sii Daalaco: Waa Maxay Dropshipping? Sideese Ayuu U Shaqeeyaa?

Dabcan hadii uu dhib kaa haysto samaynta website ku habboon mashruucaaga waxaan diyaar idiin lanahay ka GELLE DIGITAL SERVICES inaad bixino adeeg dhamaystiran oo kaa haqabtiraya dhamaan dhnacyada aad uga baahan tahay mashruuca, haday noqon lahayd samaynta websie, samaynta qoreshe suuqgeyneed, xayaysiinteeda, iyo guud ahaan dhisiddeeda.

Sidoo kale shirkadeena waxay diyaar kuula tahay curinta, kobcinta, iyo hirgalinta ganacsigaaga, laga soo bilaabo curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Ha iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE DIGITAL SERVICES, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442 , Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *