E-Commerce: Sida Loo Doorto Fikradda Dukaan Online Ah

  • January 10, 2024
  • Comment 6

E-Commerce: Sida Loo Doorto Fikradda Dukaan Online Ah

Ma doonaysaa in aad bilowdo dukaan online ah oo adiga kuu gaar ah? Ma hiigsanaysaa inaad kordhiso dakhligaaga oo aad sahamiso il cusub?, Mase maqashay dadka online-ka kumaanta kun ee doolar bishii ka sameeya?, Hagaag, hadaba ma jeclaan lahayd inaad ku biirto dadkaa?.

Inkastoo hiigsigaas uu yahay hiigsi weyn, hadana la imaanshaha hal fikrad oo ku saabsan dukaan online ah iyo xulashada alaabta saxda ah ee lagu iibinayo dukaankaas, waxay noqon kartaa mid jahawareer ah.

Waxaana laga yaabaa inay adkaato go’aaminta fikradda ku habboon dukaan online ah, ama doorashada alaabta lagu iibin doonto.

Ha werwerin, sababtoo ah waxaanu qormadan kugu soo bandhigaynaa qorshe hawleed yaroo fudud, oo ka kooban talaabooyin kaa caawin doona inaad qeexdo fikradda dukaankaaga online-ka ah, waliba si habaysan oo wax ku ool ah, kaliya akhrintaada sii wad. waxaana tallaabooyinkaa ka mid ah:

1. Dooro Fikrad Aad Aqoon Iyo Xiiso U Leedahay

Waa inaad doorato fikrada dukaanka online ah oo aad xiisaynayso, isla mar ahaantaana aad aqoonna u leedahay, maxaa yeelay waxay taa kaa caawinaysaa inaad si fudud oo habsami leh ku bilawdo dukaankaaga online-ka ah, badalkii aad bilaabi lahayd wax aanad aqoon iyo xiiso toona u lahayn.

Ku bilow qalin iyo warqad, oo diiwaan gali dhammaan fikradaha maskaxda ku soo dhaca, adiga oo saaxiibbadaa ama xubnaha qoyskaaga la kaashanaya haddii ay suurtogal tahay, maadaama mararka qaar ay ku siin karaan fikrado qiimo leh.

Waxaa jira su’aalo kaa caawin kara inaad go’aamiso fikraddaada dukaankaaaga online-ka ah, sida:

  • Khibrad ma u leedahay goob gaar ah?
  • Maxay yihiin alaabooyinka aad ku raaxaysato iibkooda, oo aad wax badan ka ogtahay?
  • Maxay yihiin alaabooyinka aad sida joogtada ah u iibsato?
  • Halkeedse doorbidaa inaad alaabtaa ka iibsato?

2. Ogow Heerka Danayta Fikradda

Tallaabada xigta, waxaa in fikrada la falanqeeyo, oo loo aqoonsado inay faa’iido leedahay, iyadoo laga eegayo heerka danaynta iyo baahida loo qabo.

Tallaabadan ka dib, tirada fikradaha liiskaaga waxaa laga yaabaa in ay is dhinto, iyadoo ay ugu wacan tahay kala shaandhaynta iyo kala hufidda fikradaha aad haysto, taas oo loo arko mid wanaagsan.

3. Aqoonso Dhibaatooyinka Ama Baahiyaha Ay Fikradu Xanbaarsan Tahay

Waxaa laga yaabaa inaad tan hore u ogaatay intii aad ku guda jirtay cilmi-baaristaada, hasa yeeshee waxaa jira dukaamo badan oo xanbaarsan isla fikrada uu dukaankaagu xanbaarsan yahay oo kale, tasoo keenaysa cidhiidhi xoogan oo ka dhan ah suuqa bartilmaameedka ah, gaar ahaan xilliga bilawga ah.

Sidaa darteed, waa inaad si qoto dheer leh u daraasaysaa dhibaatooyinka haysta macmiilkaaga mustaqbalka ah, oo aad u haysaa xalal dhowr ah, sidoo kale waa inaad daraasaysaa baahiyaha ay u baahan yihiin in laga daboolo, oo aad iyadana u haysaa xalal dhowr ah.

4. Hirgali Fikradda

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay noqoto tallabada ugu adag, isla mar ahaantaana uusan qof walba ka soo bixi karin, maadaamaaan la garanayn natiijada dhalan doonto, hasa yeeshee waxaa talo ah in la isku dayo, eebe weynana la talo saarto, sidaana loo hirgaliyo fikradda.

Waana inaad haysataa qorshe 4, 3, ama ugu yaraan qorshe labaad, si hadii uu mid shaqayn waayo, kii labaad loogu gudbo, iskuna day inaad yeelato website, kasood ku bandhigayso badeecadaha aad qorsheyneyso inaad iibiso.

Samee suuqgeyn lagaceed iyo mid bilaash ahba, dabagal dheeri ahna samee, oo ka dhan ah tartamayaashaada, iyo geedi-socodka shaqada.

Ganacsiga e-commerce-ga ah waa nooc ka mid ah ganacsiyada caadiga ah ee aynu naqaano ee ku salaysan wax kala bedeleshada, kaas oo dhamaantii ka dhex dhaca internetka-dhexdiisa, badeecadaha iyo adeegyada lagu bedelenayo lacagta waxay noqon karaan kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karin, wax kala bedeleshadaasna waxaa fududeeya website-yada, iyo Apps-yada, iibsadayaashuna waxay wax iibsan karaan, iyagoon u baahanin inay meesha ay wax ka iibsanayaan jir ahaan u joogin.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira TheoryPractise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- numberda hoosena ka soo dalbo.

Hadiise aanad garanayn meel aad wax ka bilawdo, ama aad rabto in fikrad gaar ah, ama suuq gaar ah lagu la falanqeeyo, lagaana siiyo qorshe cad, ama aad rabto in talooyin ganacsi lagula wadaago, ama si guud hadaad rabto inaad hesho hagid ganacsi oo dhamasytiran, nala soo xidhiidh, ama soo dalbo adeegeena ah “BUSINESS CONSULTING”,  kana soo dalbanaya whatsapp numer-keena ah +252-90-5582875, WhatsApp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

[the_ad id="3171"]

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *