Elon Musk Ayaa Ku Maadsaday Threads, Isagoo Yidhi “Threads Waa Instagram Oo Bilaa Sawir Ah!”

Elon Musk Ayaa Ku Maadsaday Threads, Isagoo Yidhi “Threads Waa Instagram Oo Bilaa Sawir Ah!”

Ka dib markii uu soo baxay app-kan cusub ee “Threads” ee raacsan shirkadda Meta, kaasoo si toos ah ula xifaaltamaya “Twitter-ka”. bilyaneerkan Maraykan ah ee Elon Musk, Milkiilaha “Shinbirta Buluuga Ah (Twitter)“, ayaa aamusnaantii uu ku jiray ka baxay, isagoo muujiyay aragtiyihiisa iyo fikradihiisa ku aadan madashan cusub ee lagu magacaabo “Threads “.

Wuxuuna maalintii sabtida ahayd ee ina soo dhaaftay ka fal-celiyay quraal lagu soo daabacay bartiisa Twitter, isagoo yidhi “App-ka Threads waa Instagram oo bilaa sawir ah, taas oo aan wax micna ah soo korninayn, marka loo eego sawirada inay yihiin sababta ugu weyn ee ay dadku u isticmaalaan app-kaa“.

Musk ayaa sidoo kale fal-celintiisa raaciyay su’aal, isagoo leh “Immisa jeer ayaad akhriday faallooyinka sawirada Instagram-ka? Ood se jeclaan lahayd inay intaa ka dabtaan?” Isagoo sii raaciyaya, “Shaqsi ahaan, anigu weligay ma akhriyin“.

Sidoo kale, wuxuu ka fal-celiyay, qoraal lagu soo daabacay bartiisa Twitter-ka, isagoo ka faallooday tweet ku saabsan xog wadaagista aan sharciga ku salaysnayn, isagoo yidhi “Marka laga reebo barta Twitter-ka, shirkadaha waaweyn ee warbaahinta baraha bulshada ayaa si farxad leh u shiraakoobaya iyadoo si dhow isha loogu hayo“.

Musk ayaa sidoo kale ka fal-celiyay tweet kale, isagoo ka faalloonaya xidhitaanka koontooyinka Threads, kuwaasoo soo daabaca fikrado liddi ku ah meta, isagoona yidhi, “Bal qiyaas oo suurayso haddii dhammaan apps-yada warbaahinta baraha bulshada ay hoos imaan lahaayeen suulka Mark Zuckerberg – milkiilaha Meta“.

Shimbirta buluuga ah, fiidnimadii Khamiista hore, waxay si cad ugu hanjabtay shirkadda Meta, inay ku dacweyso app-keeda cusub.

Tirada dadka isticmaala Threads ayaa aad u kordhay tan iyo markii la soo saaray, sababo la xiriira ku tiirsanaanta barxadda weyn ee Instagram, halka kormeerayaashu ay aaminsan yihiin in appkan ” Threads” uu khataro dhab ah u keeni karo Twitter.

Mark Zuckerberg, oo ah madaxa fulinta Meta, sidoo kalena leh Facebook, ayaa sheegay in app-ka Threads uu gaadhay ilaa 10 milyan oo isticmaale ah 7-dii saacadood ee ugu horeysay, halka subaxnimadii Khamiista ahayd uu gaadhay wax ka badan 30 milyan oo isticmaale ah.

Waxaa la sheegaa in sababta ugu weyn ee ka danbaysa faafitaanka degdega ah ee “ Threads ” ay tahay ku tiirsanaanta uu ku tiirsan yahay app-kan lagu magacaabo “Instagram“, taas oo sida laga soo xigtay goobta tirakoobka “Statisca” ay sheegtay in instagram-ka ay isticmaalaan wax ka badan 1.4 bilyan oo isticmaalayaal firfircoon ah.

Isticmaalayaasha Threads waxay ka dhigan tahay wax ka yar saddex meelood meel isticmaaleyaasha Twitter, kuwaas oo la rumeysan yahay isticmaalayaasha Twitter inay yihiin 350 milyan.

App-kan ayaa xaqiijiyaya rikoodh aan caadi ahayn, kadib markii uu 5 maalmood gudahood ku xaqiijiyay 100 Milyan oo isticmaale ah, waana app-kii ugu horreeyay ee muddada intaa la’eg ku gaadha tirada intaa la’eg.

App-kan cusub ayaa laga heli karaa oo u furan wax ka badan 100 waddan, hasa yeeshee kuma jiraan dalalka ka tirsan Midowga Yurub, sababo la xidhiidha sharciyada Midowga Yurub, kaasoo dib u dhigi kara bilaabistiisa, maxaa yeelay meta waxay hoos timaadaa sharciyada suuqyada dijitalka ah ee cusub, kaas oo shirkadda meta ku soo rogi kara sharciyo adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *