Faa’idooyinka Ku Jira Yeelashada Website-Ka

Faa’idooyinka Ku Jira Yeelashada Website-Ka

Ka dib markii ay tignoolajiyaddu gacanta ku dhigtay nolosheenna, yeelashada website waxay noqotay hababka ugu wax ku oolsan ee isgaadhsiinta.

Yeelashada website waa tallaabada ugu horreysa uguna wax ku oolka badan ee aad macaamiishaada ku soo jiidan karto meel kasta oo ay joogaan.

Nasiib darro, shirkado iyo ganacsato badan ayaa iska indhatira muhiimada ay leedahay in la yeesho website, iyagoo luminaya fursado iyo faa’idooyin aad u tiro badan.

Website-ku wuxuu bixiyaa faa’iidooyin badan oo shirkad kastaa ku taamayso inay gaadho. Wakhti xaadirkan, yeelashada website waxay shirkadaha iyo ganacsatadaba u noqotay lama huraan degdeg ah.

Faa’idooyinka Ku Jira Yeelashada Website-Ka

Helitaanka macluumaadka: Isticmaalayaashu waxay si degdeg ah u heli karaan macluumaadka shirkadda ama shakhsiga ay rabaan in ay la macaamilaaan, iyaga oo booqanaya website-kooda.

Badbaadinta wakhtiga iyo dadaalka: Shirkadaha, shakhsiyaadka, iyo si guud ganacsatadu waxay badbaadin karaan wakhti iyo dadaal badan oo ka bixi lahaa macaamiishooda, hadii aysan lahaan lahayn website, iyagoo macaamiishooda u soo bandhigaya adeegyada qaar, sida wax iibsiga online-ka ah, lacag bixinaha elektarooniga ah, iyo la xidhiidhka macaamiisha.

Gaadhida dhagaystayaal badan: Shirkadaha iyo ganacsatadu waxay heli karaan oo ay gaadhi karaan dhagaystayaal badan oo ku kala nool daafaha dunidoo dhan, iyagoo yeelanaya website, maadaama wakhti xaadirkan dadka badidoodu ay adeegsadaan internet-ka, si fududna ay u booqan karaan website ay rabaan.

Badbaadinta kharashka: Shirkadaha iyo ganacsatadu waxay badbaadin karaan oo ay hoos u dhimi karaan kharashyadii ka bixi lahaa hadii aysan lahaan lahayn website, sida kiraynta goobta, shaqaalaysiinta qaar, iwm.

Wanaajinta isgaadhsiinta iyo is-dhexgalka: Website-yadu waxay wanaajin karaan xidhiidhka iyo isdhexgalka u dhaxeeya ganacsiyada, ururada, iyo macaamiisha.

Shirkadeena “GELLE DIGITAL SERVICES” waxaynu si buuxda u garanaynaa website samaynta, una leenahay waayo-aragnimo buuxda, inagoo ku samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo kale shirkadeena waxay diyaar kuula tahay curinta, kobcinta, iyo hirgalinta ganacsigaaga, laga soo bilaabo curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Diyaar ma u tahay inaan kuu dhisno dukaan online ah, oo u adeega ganacsigaaga, haday jawaabtaadu “HAA” tahay ka waaban inaad nagala soo xidhiidho whatspp lambarkan: +252-90-5582875 ama whatsapp link-gan: https://wa.link/zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Somali Alibaba Online Course

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *