Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Website-Ku

Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Website-Ku

Waxaa jira sababo badan oo ku kalifay qofka inuu yeesho website, haba ugu horraysa “LACAG SAMAYNTA”,  iyadoo ay dad badani u janjeersadeen dhankaa iyo tignoolajiyadda, taasoo saamaxday inay ganacsiyo badan oo maxalli ahaa (dhaqameed), isu bedeleen ganacsi online ah, waxaana taa suurtagalisay yeelashada website, maantana waxaynu  ka hadlaynaa –eebe idamkii- faa’iidooyinka uu leeyahay yeelashada website-ka.

Ugu Horrayn, Maxaa Looga Jeedaa Website Ama Mareege?

Website-ku: waa boggag isku xidhan oo ku jira hal kombuyuutar, kuwaas oo dhammaantood wadaaga hal magac oo Domain ah, bixiyana macluumaad gaar ah ama alaabooyin iyo adeegyo gaar ah, waxaana maamula kara qof gaar ah ama shirkad.

Website-ku waxa uu ballaadhiyay suurtagalnimada ah in wax badan la gaadho, wuxuuna malaayiin fursadood u furay ganacsatada ama guud ahaan shakhsiyaadka caadiga ah, wuxuuna badalay hab-nololeedka dadka adduunka ku kala nool oo dhan, iyada oo dadku website-ka ay ku wada xidhiidhaan meel kasta oo ay joogaan, taas oo keentay in ay isbadalaan habka ay u socon jiraan ganacsiyada, hawlgallada, iyo xittaa wax-barashada.

Faa’iidooyinka uu leeyahay website-ku

Yeelashada website-ku wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo waaweyn, oo uu qofka iska leh ka faa’idaysan karo, kuwaasooy ugu muhiimsan kuwan soo socda:

1. Lahaanshiyaha Website

Lahaanshiyaha website-ku wuxuu kaa caawinayaa qor u qaadidda summada ganacsigaaga, wuxuuna ganacsigaaga ka dhigaa mid hormarsan.

Waxa kale oo uu kuu suurtagalinayaa inaad yeelato macaamiil iyo booqdayaal badan, taasoo kordhinaysa faa’iidadaadii maaliyadeed.

2. Summada Ganacsiga

Yeelashada website-ku waxay astaantaada ganacsiyeed ka caawinaysaa inay ka dhex muuqato tartamayaashaada, oo aadna ka soocnaato, sidaa darteed yeelashada website-ku wuxuu isticmaalayaasha u shalayaa inay si fudud kuu ogaadaan, taasoo u saamaxaysa isticmaalayaasha inay kula bar-bardhigaan tartamayaashaada, si ay u doortaan dookhooda ugu fiican.

3. Isgaarsiinta Oo Fudud

Qofka leh website wuxuu awood buuxda u leeyahay inuu fariintiisa gaarsiiyo daafaha dunidoo dhan, sidaa si la mid ah ganacsigiisa wuxuu gaarsiin karaa daafaha dunidoo dhami, kumana koobnaanayo aag ama goob gaar ah, sida magaalo hebel ama degmo hebel ama xaafad hebel.

Ku darsoo, siyaabaha lagu wada xiriiro ayaa iyaduna u fudud qof leh website, taasoo macaamiisha iyo isticmaalayaashab u sahlaysa inay si fudud kuula soo xidhiidhaan ama si fudud kaaga codsadaan adeegyo.

Sidoo kale wuxuu shirkadaha iyo hay’adahaba siinaya fursad weyn oo ah in ay soo bandhigaan badeecado iyo adeegyo aan xad lahayn, taasoo suutagalinaysa in ay macaamiishu iibsadaan waxa ay rabaan.

Si kastaba ha ahaatee, faa’iidada ay leedahay yeelashada website intaan kuma soo koobi karno, se intaan waa faa’iidooyinkiisa ugu waa-weyn uguna muhiimsan.

Hadii aad U baahan tahay inaad yeelato website, se aanad aqoonin sida loo sameeyo, waxaan kuu sheegayaa shirkadeena ah GELLE DIGITAL SERVICES inay door muhiim ah ku leedahay website samaynta haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE DIGITAL SERVICES, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga, sidaa darteed hadii aad u baahan tahay inaad yeelato website nala soo xidhidh, adigoo gujinaya badhankan hoose, ama nagala soo xidhiidh whatapp number-kan+252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *