Faa’iidooyinka Yeelashada Dukaan Online Ah

  • February 6, 2024
  • Comment 6

Faa’iidooyinka Yeelashada Dukaan Online Ah

Inaad internet-ka xaadir ka noqoto, adiga oo yeelanaya dukaan online ah, waa mid ka mid ah fikradda ugu fiican ee aad ka fikiri karto, markii aad leedahay ganacsi, ama aad ku fikirayso inaad mustaqbalka dhow iyo kan fogba yeelato, ka soo bilaw iibka badeecooyinka, bixinta adeegyada, ilaa suuqgeyntooda.

Maxaa yeelay qof kastaa maanta wuxuu isticmaalayaa internetka macaamiishaaduna waxay joogaan internet-ka dhexdooda, si aad si fudud u heshana, waa lama huraan inaad yeelato dukaan online ah.

Waa mid ka mid ah websayt-yadii aynu samaynay bishan.

Dukaanka online-kuna waa yeelashad website, kaasoo aad ku soo bandhigayso badeecadahaaga, ama adeegyada aad bixiso, ama si guud wax-soo-saarkaaga, oo ay la socdaan sawirada, muuqaalada, xogaha, iyo macluumaadka kasta oo ku saabsan waxyaabaha aad bixiso ama aad soo bandhigdo.

Faa’iidooyinka Yeelashada Dukaan Online Ah

1. Kharash Yarida: Dukaanka online-ka ahi waxa uu la mid yahay dukaan ama mehrad caadi ah oo kale, hasa yeeshee waa mid aan jidh ahaan loo iman karin, wuuna ka kharash yar yahay, markii loo barbardhigo yeelashad dukaan caadi ah, halkii aad bixin lahayd kharashaad fara badan, si aad u yeelato dukaan caadi ah, yeelo dukaan casri ah oo online ah, adigoo ku bilaabaya kharasho yar-yar oo macquul ah.

2. Awoodda Iibka: yeelashada dukaan online ah waxay suuragalinaysaa inaad si joogto ah u iibiso badeecadahaaga, ama adeegyada aad bixiso, 24-ka saaca ee maalintii, 7 maalmood ee usbuucii iyo 12 bilood ee sannadkii.

3. Fududaanta: fududaanta markii aynu leenahay waxaynu ula jeednaa dhamaan geedi socodka dukaankaaga online-ka ah, laga soo bilaabo helidda badeecooyinka, helidda ra’yi celinta macaamiisha, maaraynta iibka, hababka lacag bixinta, faallooyinka macaamiisha, ilaa iyo helidda faa’idooyinka ka imaada dukaankaaga online-ka ah, oo aad si fudud ugu wareejisan karto akoonkaaga bangiga ah.

Waxaa jira dhowr habab oo kaa caawin doona inaad yeelato dukaan online ah, anigoo ula jeeda inaad yeelato website u samaysan qaab dukaan ah, qaar ka mid ah hababka kuu suuragalinaya inaad yeelato dukaan online ah:

  • Inaad adigu aqoon u leedahay programming-ka ama ugu yaraan website samaynta
  • Inaad shaqaalaysiiso qof kaa yaqaan website samaynta
  • Ama inaad shirkad aqoon buuxda u leh website samaynta aad la xidhiidho (Sida anaga oo kale)

Anagoo kuu dhisayna dukaan ay u dhamaystiran yihiin dhamaan wax walba, kaasoo diraan u ah iib toos ah, shirkadeena “GELLE DIGITAL SERVICES” waxaynu si buuxda u garanaynaa website samaynta, una leenahay waayo-aragnimo buuxda, inagoo ku samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo kale shirkadeena waxay diyaar kuula tahay curinta, kobcinta, iyo hirgalinta ganacsigaaga, laga soo bilaabo curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Diyaar ma u tahay inaan kuu dhisno dukaan online ah, oo u adeega ganacsigaaga, haday jawaabtaadu “HAA” tahay ka waaban inaad nagala soo xidhiidho whatspp lambarkan: +252-90-5582875 ama whatsapp link-gan: https://wa.link/zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Dijital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

6 Comments

  1. Osman aden abdulle

    Asc ustad
    1. Ustadow codsi waaye jwb iga sii ama Naga wada sii
    WAA MAXAY farqiga udhaxeya
    #BLOG IYO # WORDPRESS WEBSITE YADA LAGU SAMEYO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *