Facebook Ads

Facebook Ads

Marka lasoo hadal qaado Xayeeysiinta Casriga ah Facebook Ads waa meesha ugu Dadka badan
ayadoo la qiimeynayo Bulshada Xayeysiintu gaareyso waxaa isticmaala Mareegtaan wax ka
badan 2Billion oo Dad ah taas oo ka dhigeysa insaanka Caalamka ku nool afar meelood meel
iney joogaan Facebook waana sababta Shirkadaha Dunida ugu weyn u jecel yihiin ineey ku
sameeyaan Suuq geeyn aad u balaaran waxaana maalinkii ka dhex dhaca iidhehyo aan tiro lagu
soo koobi karin.

Sida Loo Sameeyo

inkastoo Facebook Ads tahay xirfad si gooni ah loo darso hadana waxaan bidhaamin yar ku
sameyneynaa qaabka loo dhiso xayeysiintaan taas oo ah tan ugu Macaamiisha badan meelaha
Digitalka ah ee laga dhiso Suuq geynta Casriga ah marka hore waxaa jira nuucyo kala duwan oo
loo maro ama shirkada Facebook ku dooran siineyso ayadoo ku weydiineysa hadafka
xayeysiinta aad dooneyso waxaana eey kala yihiin.

Traffic

Midani waxaa ey ka mid tahay kuwa ugu isticmaalka badan Facebook Ads sababtoo ah inta
badan waxaa sameeya qeybtaan Ganacsiyada Websiteyada leh waxaana lagaa doonayaa inaad
Websitekaaga Link ka keento ka dibna marka la sameeyo xayeysiinta dadka la horkeeno meesha
eey booqan lahaayeen waxaana loo yaqaan Website Traffic hadafkaas.

Engagement

Waa hadaf kale ama ujeedo loo dhiso Suuq geyn nuucaan inta badan sababta loo dhiso waxaa
weeye in Postgaagu gaaro dad badan adigoo ka helaya falcelin sida Likes ama Follow gareenta
pageka ama Views iyo in la barto dagalka aad wax kusoo daabacdo.

Lead Generation

Waa mid kale oo muhiim ah faa iidada ugu weyn ee qeybtaan waa inaad macaamiishada
xogtooda aruuriso sida Gmailadooda adigoo ka dib sameyn doona inaad fariin u dirto marka
Ganacsigaaga aad wax cusub kusoo kordhiso waxaa aad u isticmaala Sida Dhakhtarka Dentalka
ama Dadka Gawaarida iyo Boosaska gada waxaana sahlan kumanaan Emails inaad aruuriso si
aad halmar ugu dirto.

Message

Qeybtaan waxaa eey ka ag dhowdahay Trafficga oo ahayd qofku markuu Click siiyo xayeysiinta
inuu tagayay Websiteka tanise badalkeeda Fariin weeye ayadoo Qofka macmiilka ah la xariirayo

si toosa shaqsiga fadhiya qeybta jawaab celinta waxaana isticmaala Ganacsiyada aan Websiteka
leheen badanaa ama Small Businesska.

 

App Installs

sida magaca aad ka garankarto shirkadaha soo saara Gameska Social appska iyo appska kale ee
Ganacsiga baa qeybtaan isticmaala si bulsho badan oo dagsata u gaarto Xayeysiinta.

Other

qeybo kaloo badan baa jira ujeedooyin gaar ahna laga leeyahay sida kuwaan laakiin inta loogu
isticmaalka badan yahay dhank Ganacsiga weeye intaan hadaad xirfad ahaan u barato waxaad
ogaan doontaa mid walba sideey muhiim u tahay kaliya adoo ka isricmaalaya qeybta markaa
kaa quseyso.

Faa’iidada Facebook

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada waa meesha ey ugu isticmaalka badan yihiin
Facebook waxaa sahlan Qofka Ganacsi Online ah abuurta inuu gaaro bulsho ama macaamiil aad
u fara badan sababtaas beeyna faa iido ugu tahay qofka Soomaaliga ah ee doonaya bilowga
hayaan Ganacsi cusub maadaba meesha ugu badan ee Soomali joogto tahay mareegtaan.

Gunnaanad

Hadii aad dooneyso inaad xirfad ahaan u barato waxaad ka baran kartaa Dadka bartay kadibna
sii bara Dad kale sidaasna uma adka waa fahmi karaa qof walba oo aqoonta luuqada iyo
Computerkaba u bilaban yahay mana ahan inaad adiga Ganacsigaaga u isticmaasho oo kaliye e
xitaa Skill ahaan baad ugu shaqeysan kartaa adoo la shaqeynaya Shirkadaha Suuq geynta
doonaya in loo maamulo.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *