Xalka Ugu Dhakhsaha Badan Ee Lagu Gaaro Farxadda

Xalka Ugu Dhakhsaha Badan Ee Lagu Gaaro Farxadda

Xalka Ugu Dhakhsaha Badan Ee Lagu Gaaro Farxadda

Xalka Ugu Dhakhsaha Badan Ee Lagu Gaaro Farxadda

Dhammaanteen waxaynu iska dhignaa kuwo faraxsan, saasooy tahayna, inteenna badani ma faraxsana, mar walbana way cawdaan, lana dagaallanaa xubnaha qoyska.

Dhammaanteen waan ognahay sida loogu noolaado nolol farxad leh, farxaddu sideedaba maaha qaacido sir ah, sidoo kale waxaynu wada ognahay in lacag, mansab, magac iyo ixtiraamba aysan naga farxin; Farxaddu waa xaalad maskaxeed, wayna timaadaa wayna tagtaa.

Sideed Ku Gaadhaa Farxadda?

“Maalmaha qaar ma dareemo wax farxad ah, Waxaana jeclaan lahaa inaan helo farxad” waxaanan filayaa in tani ay tahay mid ay ka siman yihiin dadka badankoodu, Waxaa suurtogal ah in aad hadda ku dadaalayso inaad farxad weyn hesho, adigoo u maraya inaad xaqiijiso yoolalkaaga ama aad gaadhi mid ka mid ah waxyaabahan soo socda:

      • Iibsashada guri.
      • Helitaanka shaqo cusub ama dallacaad shaqo.
      • Bilaabidda ganacsi.
      • Gaadhidda xorriyad dhaqaale
      • Kobcinta ganacsiga.
      • Helitaanka raacdayaal (followers) badan
      • Iibsashada baabuur cusub.
      • Dhalashada ilmo cusub
      • Tagidda makhaayad gaar ah
      • Noqoshada dal-mareen

Liiska rabitaanka aadanaha way dheera; Se intaan waa inta aynu badankeennu ku hammino inaan gaarno.

Mahad-naqdu Waa Xalka Koowaad Ee Farxadda

Dhammaanteen waxaan rabnaa inaan kacno annagoo faraxsan, shaqada aadno annaga oo faraxsan (sidoo kale aan shaqayno annaga faraxsan), guriga ku soo noqono annaga oo faraxsan, aanna la wadaagno dareenkaas asxaabteena, lammaanaheena, ama qoyskeena.

Waxaas oo dhami waad hanan kartaa, adiga oo kaliya mahad-naqaqya oo hadana mahad-naqaya, maadaama dareenka mahad-naqa ahi uu ku siinayo qanacsanaan, iyo raynrayn, sidoo kalena aad heli doonto nolol dhaanta tii hore ee aad ku jirtay, sidaas darteed kuwa qadariya waxa ay haystaan ayaa ka barako badan kuwa aan qadarinin waxa ay haystaan.

Ugu mahad-naq wax kasta oo aad haysato, waxaadna heli doontaa ugu dambeyntii barako badan, haddii aad diiradda saarto waxaadan haysan, weligaa ma heli doontid wax aad ku qanacdo.

Taa bedelkeeda, marka aad qadarin waydo waxa aad haysato iyo waxa ay dadku kuu qabtaan, waxa aad dareemaysaa calool xumo iyo ciil, dadka wanaaga leh ayaa kaa fogaynaya, waxa kaliya oo aad isku xeeran doontaa koox aan la mahadin.

Kawran hadii ay kugu xeeran yihiin dad aan mahad-naqa? isku day in aad la wadaagto sababta ay mahad-naqu muhiim u tahay, laakin ha isku dayin in aad qanciso waayo dadku waligood ma qancayaan, mana isbedeleyaan, waxa aynu badalnaa nafteena kaliya marka aynu rabno in aynu wax ka badalno.

Noloshu way qurux badan tahay, cunto kasta oo aad cuntona ula dhaqan sidii aad cuntay cuntadii ugu wanaagsan ee aad waligaa hesho ebid, had iyo jeerna noqo mid mahad-naq oo u mahad-naq, xusuusiyana inay iyaguna samayn karaan waxaad samaynayso, si kasta oo ay u yar yihiinna waxa dadka kale ay ku siiyaan, uga mahad-naq.

U mahad-naq darawalka baska ama martigeliyaha ku keena cabitaan, kuna dheh “mahadsanid”, iyo tan ugu muhiimsan oo ah, inaad qadariso oo aad qiimayso meeshii aad asal ahaan ka timid, dabcan waa waalidiintaada, uguna mahad-naq inay ku garab taagan yihiinh, sidoo kale uga mahad-naq sida ay kuu soo koriyeen kuuna barbaariyeen, kaana dhigeen qof muslim ah oo madax-bannaan isla mar ahaantaana qaangaar ah.

Sii Daalaco: Iswaydii Su’aalahan, Si Aad U Badasho Hab Fikirkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *