Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka”

Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka”

Sidee internet-ka lacag looga sameeyaa? waa su’aal xiiso leh, una baahan in fiiro gaar ah loo yeesho, loona arko siyaabo kala duwan, maxaa yeelay ilaa hadda waxaa jira dad aaminsan in aan internet-ka lacag laga samayn, oo fikir khaldan ka haysta “Lacag Samaynta Internet-ka“, iyo dad kale oo ku wareersan sida internet-ka lacag looga sameeyo, kana shakisanba fikradda ah “Lacag Samaynta Internet-ka“.

Halka ay jiraan dadyaw ka faa’idaystay internet-ka oo ka sameeyay lacago aan tiro ahaan yareen, iyagoo noloshooda iyo nolosha qoyskoodaba si buuxda isu bedeshay.

Lacag Samaynta Internet-ka” ayaa laga yaabaa inay riyo u tahay dad badan, fikradda ah lahaanshiyaha mashruuc, kaasoo internetka lacag kaaga soo saara, misna ku siinaya fursad aad waqti kula qaadato qoyskaaga iyo asxaabtaada, dhab ahaantii waa fikrad soo jiidasho leh, in badan oo adduunka ku noolina kumannaan kun, xittaa malaayiin dollar ayay bishii internetka ka sameeyaan.

Tirada isticmaalayaasha internetka bishii Janaayo 2023 waxay gaartay 5.16 bilyan oo qof. Bal ila qiyaas oo ila suurayso in ay jiraan 5.16 bilyan oo qof oo jooga hal meel, adigoo walibana awood u leh inaad gaadho shacbiyad kasta oo iyaga ka mid ah, markaa miyaanay tani albaabbada u furayn fursado badan oo aan tiro-ahaan xad lahayn?.

Internet-ku waa meel uu qofku ku noqon karaan cidda uu rabo, isagoo waliba haysta fursado badan oo kala duwan, oo ay ka mid tahay lacag smaynta.

Waa muhiim in la ogaado hababka iyo waddoyinka kala duwan ee la marayo si internet-ka lacag looga sameeyo, ka hor inta aan la bilaabin, maxaa yeelay waxaa jira waddooyin qaadan doona dadaal iyo wakhti ka badan waddooyinka caadiga ah, taa bedelkeedana waxaad samayn doontaa dakhli dheeraad ah mustaqbalka.

Internetku waa meel aad ugu fiican ganacsatada, wuxuuna siisaa fursad weyn, taasoo ah inay malaayiin macaamiil ah heli karaan, wuxuuna internet-ku u noqotay aalad muhiim u ah.

Waxaa jira siyaabo badan oo internet-ka lacag looga sameeyo, mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan uguna wax tarka badan ee maanta jira waa in badeecad/adeeg lagu dhex iibiyo internetka dhexdeeda.

Internetku waxa uu bedelay hababkii dhaqameedka ahaa ee uu ganacsigu u socday, taasoo iyaduna bedeshay qaabkii aynu u noolayn, Internetka waxaa loo arkaa inuu yahay dahabka macluumaadka iyo xoga, iyadoo wakhti kasta iyo meel kastoo lagu sugan yahay laga heli karo xogaha la rabo.

Adigoo adeegsanaya internet-ka waxaad samayn kartaa lacago aan tiro iyo xadba lahayn, adigoo waliba jooga gurigaaga, misna xidhan maryihii hurdada.

Ugu hoorayn, marka aad rabto inaad doorato habka iyo wadda aad u marayso “Lacag Samaynta Internet-ka” waa inaad kolba dhan ka eegtaa waddada iyo habka aad xulanayso, adigoo ku salaynaya dhowrkan qodob:

  • Habab sharciga ah, oo la isku halayn karo.
  • Habab degdeg badan
  • Habab kala duwan, kuwaasoo ku habboon tirada ugu badan ee dhalinyarada ee ku sugan wadamada aan hormarsaneen tignoolajiyadda ahaan (sida somalia)
  • Habab casriga ah, oo dhawaan soo if baxay
  • Habab intooda badani aan ahayn kuwo adag

Sidoo kale waa inaad hab kasta ka eegtaa baahiyaha uu rabo, si uu u hirgalo mashruucaas, adigoo dhowrkan qodob dib u milicsanaya:

  • Miyuu kaaga baahan yahay dadaal, wakhti iyo raasamaalba, se waa intee qaddarka uu midkastaa u baahan yahay
  • Miyuu kaaga baahan yahay barashada xirfad, aqoon, iyo inaad samayso diraasaado badan
  • Miyuu kaaga baahan yahay joogitaanka meel, ama aag gaar ah, mise meel kasta oo adduunka ka mid ah waad kaga shaqaysan kartaa
  • Miyuu kaaga baahan yahay maalgashi maaliyadeed

Gababadii, hadii aad wali ka shakisan tahay “Lacag Samaynta Internet-ka” wali waad nasiib xun tahay, maxaa yeelay haatan waxaynu arkaynaan habab iyo waddooyin badan, kuwaasoo internet-ka lacag looga sameeyo, waxaana habab kaa ka mid ah, Ganacsiga E-commerce-ga ah.

Ma jiro amase way yar tahay maqaal ama qormo ka hadlaya “SIYAABAHA INTERNET-KA LACAG LOOGA SAMEEYO“, oo aan kaalinta koowaad ku jiran “GANACSIGA E-COMMERCE-GA AH“, waxaanna wada ogsoon nahay in ganacsiga e-commerce-ga ahi uusan wakhti xaadirkan kaliya ahayn doorasho furan, ee uu yahay doorosho lagama maarmaan ah.

6 Comments

  1. Mohamed bashir hassan

    Masha Allah, runtee ustaad aad baad umahadsantaxay, waan la dhacay mowduucan, anigana waxaan kamid ahay dhalinyarada aaminsan in internetka in lacag laga sameen karo, lkn wali aan hilin xirfadahee ku haboonaa, insha allah waxaan rajaynayaa inaan ka faaidaysan doono, Adigana Jazaakallah

  2. Mahadsanid ustaad, aniga ahaan waan aminsanhy in internetku lacag lagasameyn karo balse wali maanan helin fursadas, xirfadaha iyo aqont ayaan filaa iney iga maqantahy ….suasheydu waxay tahay anigoo jooga kenya ecomerce mabilaawi karaaaa?? If yes meqo upfront investment ah ay iigabahanthy inaan ecomerce bussiness bilawo?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *