Fikrado ku saabsiisan website-yada ugu lacag samaynta badan sanadka 2022

Website-yada ugu lacag samaynta badan
  • September 25, 2022
  • Comment 9

Fikrado ku saabsiisan website-yada ugu lacag samaynta badan sanadka 2022

Website-yada ugu lacag samaynta badan

Haddii aad iswaydiinayso website noocee ah ayaan samaystaa, si aan lacag uga sameeyo, oo aan u gaaro madax-bannaani dhaqaale sida dad badani ay ku fikkiraan in ay samaytaan mashruuc u gaar ah, waxaannu kuu fudaydinay jawaabta su’aashaas, sidaas darteed yaa naga mid ah oo doonayya in uu gaaro madax-bannaani dhaqaale. hadday jawaabtaadu tahay HAA, isku day inaad dhamysato maqaalkan, oo aad kaga bogan karto website-yada ugu lacag samaynta badan sanadka 2022

Wakhti xaadirkan, intarneetku wuxuu noqday goob shaqo oo ay door bidaan dad badani, sababtuna waa sahlanaanta keenaysa in laga shaaysto oo laga faa’ideysto islamarkaana lacag laga sameeyo.

5 Fikradood oo ku saabsiisan website-yada ugu lacag samaynta badan sanadka 2022

Ma waxaad raadinaysaa fikrado ku saabsiisan website-yada ugu lacag samaynta badan wakhti xaadinkan? Se website-kee ayaa noqon doona website guul leh oo lacag laga sameeyo, haddii aan samaysto?

Si guud, fikradaha aynu xusi doono (Haduu Eebe Idmo) dhamaantood lacag waa laga sameeyaa, waxaadna awood u leedahay adigan akhristaha ah inaad lacag ka samayso oo aad guul ka gaarto haddii aad doorato fikrad ka mid ah fikradaha aynu xusi doono. Oo aad isla maanataba bilaabi karto “XAQIIQ”.

Sidaa darteed, maqaalkan, waxaad ka bogan doontaa 5 fikradood oo ku saabsiisan website-yada ugu lacag samaynta badan wakhti xaadirkan. Waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

1- Website E-commerce Ah

Ganacsiga E-commerce-gu wuxuu u koray si aan horay loo arag gaar ahaan ka dib faafitaankii Covid 19, ganacsatada iyo baayacmushtarada badankood waxay u guureen internetka. Sidoo kale, macaamiisha intooda badani waxay door bidaan inay wax ka iibsadaan intarneetka iyagoo jooga gurigooda.

Haddii aad leedahay badeecad ama qof kale uu leeyahay laakiin se aad rabto inaad iibiso, dabcan faa’ido ayaa kuu saaran badeecaddaas, Ganacsiga e-commerce-gu waa lagama maarmaan. Waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso waa inaad samaysataa goob e-commerce ah.

Bilaw inaad iibiso badeecad ama alaab, oo guro faa’iidada sida ugu dhakhsaha badan.

Sii Daalaco: Faa’iidooyinka Iyo Khasaaraha Uu Leeyahay Ganacsiga E-Commerce-Gu

2- Website Blog Ah

Samaynta Blog waxaan ku tirin karaa siyaabaha ugu fudud uguna jaban marka loo eegayyo kharash ahaan, maadaama aad samaysan kartid blog bilaash ah islamarkaana aad lacag ka samayn kartid adigoon wax kharash ah bixin, iyadoo loo marayyo madasha BLOGGER. Laakiin se ay fiican tahay oo waliba lagugu la talinayya inaad blog ka samaysatid WordPress oo kharash ahaan iyaduna iska yar, maadaama aad mulkiyad buuxda u yeelan kartid blog-gaaga, halka blogger aanad mulkiyad buuxda u lahayn blog-gaaga oo ay dhici karto in shirkadda google oo leh blogger ay gabi ahaanba kaa delete-garayso blog-gaaga, Waana wax xun haday dhacdo midaas, Sababtoo ah waxaad waayi doontaa dadaal walba oo aad ku bixisay blog-gaaga oo ay ugu horayso wakhtiga.

Waxaana jira siyaabo badan oo aad lacag uga samayn kartid blog-ga, oo ay ugu horrayso inaad blog-gaaga wax ku dhex xaysiisid, maadaama aad haysato booqdayaal akhrisanayya maqaallada aad ku soo bandhigdo blog-gaaga, waxaana jira ganacsate ama shakhsiyaad doonaya inay wax ku dhex xayaysiiyaan blog-gaaga, si ay booqdayaashaas uga helaan macaamiil, islmarkaana aad adigu xayaysiintaas lacag uga heshid.

Sii Daalaco: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya Blogger Iyo WordPress

3- Website E-learning Ah

Waxaa xusid mudan, in si aad ah ay u kordhayso bulshada xiisaynaysa inay online-ka wax ka bartaan, haday noqon lahayd xirfado, koorasyo iyo tacliin kaleba, sidaa darteed hadii aad leedahy aqoon wax tar u leh dadka, waxaad samaysan kartaa website E-learing ah, adigoo aqoontaada ku soo bandhigayya kuna iibinaya website-ka.

Sidoo kale waxaad bixin kartaa aqoon lacag la’aan si aad dadka u soo jiidato, islamarkaana haday ka faa’idaan aqoontaa waxaa laga yaabaa inay ku khasbanaadaan inay bartaan aqoonta lacagta ah, si ay u helaan tababar dheeri ah.

Bilaw inaad soo bandhigdo aqoontaada haday noqon lahay tan lacagta iyo tan bilaashka ahba.

4- Website Portfolio Ah

waa muhiim sidoo kale ah lama huraan inaad yeelato website Portfolio ah, gaar ahaan hadii aad bixiso adeeg ama khidmad, kaas oo aad ku heli karto qandaraasyo ama heshiisyo kaaga imanaya ganacsatada ama shakhsiyaadka u baahan adeegaaga, waxaadna website-kaaga portfolio-ga ah ku soo bandhigi kartaa muuqaallo iyo qoraallo yar-yar oo ka hadlaya ama qeexayya adeega aad bixiso.

5- Website Gaar Ku Ah Nuxur Kaliya

Fikradda ah inaad yeelato website ama goob gaar ku ah nuxur (niche) kaliya waa mid ka mid ah fikradaha ugu saamaynta badan ee lacag laga samayn karo. tusaale ahaan, waxaad dooran kartaa nuxur (niche) gaar ah oo ka hadlayya cunta karinta, adigoo soo bandhigayya talooyin wax ku ool ah iyo hababka ugu wanaagsan ee cuntada loo kariyo, iyo cuntada fiican faa’iidada ay u leedahay caafimaadka guud ahaan, adigoon nuxurka website-ka ka baxayn oo aanan ka hadlayn siyaasad ama ciyaaro ama wax ka baxsan nuxurkaaga.

Kaliya dooro oo xulo nuxurka (niche) aad ka hadlayso, intaanad dooranha samee baadhis ku saabsiisan nuxurka aad rabto inaad ka hadasho ama aad rabto inaad u soo bandhigdo dadwaynaha, si uu mustaqbalka u noqdo nurux faa’ido leh. Dabcan, waxaa lagu taliyaa inaad doorato nuxur aad xiisayso ama aad fahan guud ka haysato, waxayna kuu sahlaysaa inaad sii joogtayso nuxurkaas, ilaan waad xiisaysaa.

Intaa kadib waxaad awood u leedahay in website-kaaga aad lacag ka samayso, si toos ah iyo si dadbanba, adigoo lacagta ka samaynaya Affiliate Marketing, Xaysiisyada iyo hadii aad leedahy badeecad inaad ku dhex iibiso.

Sii Daalaco: $50 Sidee Maalin kasta Affiliate Marketing Oga Sameyaa

Ugu Danbayntii

Waxaannu ku siinnay ama kuu soo bandhignay liis ka kooban 5 fikradood oo ku saabsiisan website-yada ugu lacag samaynta badan wakhti xaadirkan sidoo kale ugu wanaagsan uguna fudud. Kuwaas oo aad lacag ka samayn karto (Haduu Eebe Kuu Idmo). Laakiin se kuma koobna 5-tan oo kaliya, waxaa jira boqolaal fikradood oo kala duwan oo lacag laga samayn karo. Ha sa yeeshaa, 5-tan waxaynu u dooranay ama u xulanay sahlanaanta ay u sahlayso qofka soomaaliga ah inuu lacag ka sameeyo, xitaa isagoo joogo dalkii hooyo.

Nasiib wacan, xusuusnow,

Haddii aad hore u lahayd website oo aad rabto inaad cusboonaysiiso, ama haddii aad rabto inaad hadda yeelato website cusub, fadlan nala soo xidhiidh. Shaqaalaheenu waxay gacan ka geysan karaan samaynta ama cusboonaysiinta website-kaaga.

9 Comments

  1. Asc walal magaceyga waa Hasan Abshir waaxan daganhy Sweden Garahan Stockholm waxan raba inaa iga cawiso sida loga sameyo lacg wabasedyqda.telefonkeyga 0763133031

  2. asc wll magacygu waa ridwan waxan jooga hargaysa waxan raba inaan ka ganacsado online taasina waa hami aan ku taami jiray inaan yeesho wax ii gara ama aan noqodo qof wax soo saar leh markaa waxan rabay inaan iga cawiso blooging fiverr iyo wixi la mida arimaha kaga nacsiga onlineka

  3. Abdirisaq abdilahi

    Wll. Wax badan ayaanu ka faaidnay waxa thy macalin dhalinyaro badan on wax badan fahansanayn nolosheda dhisay waaayo. Way adag thy in maanta qof ku tilmaamo wadaddi ad mari lahayd si aad u gulaysato ugana takhalusi lahayd cajiska iyo guuldarada gulayso wll gelle bashir thank you💯

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *