Waa Maxay Filashada Macaamiisha?

Waa maxay filashada macaamiisha?
  • November 12, 2022
  • Comment 2

Waa maxay filashada macaamiisha?

Waa maxay filashada macaamiisha?

Filashada ama Rajada Macmiilka waxaa lagu qeexaa “qiimaha ama faa’iidada muuqata ee ay macaamiishu ka filayaan inay ka helaan adeegga ama alaabta la siiyey, oo ay aaminsan yihiin in adeeg-bixiyayaasha ama alaab-bixiyeyaasha ay ka warqabaan.”

Badanaa filashada macaamiisha waxaa ka mid ah inay helaan heerka ugu jaban, kan ugu fiican, kan ugu dhakhsiyaha badan, iyo heerarka tayada ugu sarreysa; Filashooyinkani waxay inta badan ku salaysan yihiin waayo-aragnimadoodii hore ee la macaamilka badeecadaha ama adeegyada.

Sidaa darteed, shirkadaha guulaysta waa kuwa si sax ah u maamula filashada macaamiishooda, oo kordhiya qiimaha dheeriga ah ee badeecadahooda iyo adeegyadooda iyagoo siinaya faa’iido dheeraad ah oo ka sarreysa filashada macaamiisha.

Ilaha ka qayb qaata samaynta filashada macaamiisha

Waxa jira ilo badan oo gacan ka geysta samaynta filashada ama rajada macaamiisha, kuwaas oo ah:

1. Magaca Shirkadda

Magaca shirkadda ayaa door weyn ka ciyaara sameynta filashada macaamiisha; Markasta oo ay wayn tahay shirkadda magaceeda, waa markasta oo ay sii weynaato filashada macaamiisha, si ay u helaan alaabta iyo adeegyada ugu fiican.

Sii Daalaco: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga

2. Aragtida dadka kale

Badanaa macmiilka inta aanuu la macaamiloon alaab ama adeega shirkadeed, wuxuu sameeyaa wax u eg “ra’yi ururin” oo ku saabsiisan dadkii hore ula macaamilay alaabtaas ama adeegaas, Sidaa darteed, sii wadida bixinta adeegyo ama badeecado tayo sare leh dhammaan macaamiisha iyada oo aan la kala reebayn, waxay door muhiim ah ku leedahay helitaanka macaamiisha joogtada ah.

3. Waayo-aragnimadii hore

Khibrada iyo waayo-aragnimada macmiilka ee la macaamilka shirkad waxay gacan ka geysataa sameynta filashada ku aadan alaabtii ama adeeggii hore loo bixiyay, Sidaa darteed waxaa muhiim ah in fiiro gaar ah loo yeesho macmiilka cusub, oo laga yaabo in hadii kulankiinii koowaad ay noqoto mid xun, ay inta badan noqon doonto kulankiinii ugu horreeyay sidoo kalena ugu danbeeyay.

4. Isgaarsiinta Shirkadda

Horumarka weyn ee dhanka teknoolojiyadda, Internetku wuxuu noqday mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee lagu dhiso filashada macaamiisha, macaamiishu ka hor inta aysan go’aan ka gaarin la macaamilka shirkad, waxay ka raadiyaan alaabtooda iyo adeegyadooda internetka, iyagoo isticmaalaya boggaga internetka ee baraha bulshada; Sidaa darteed, shirkadaha guuleysta waxay had iyo jeer ku dadaalaan inay daryeelaan waxyaabaha ay ku soo bandhigaan internetka.

Sii Daalaco: Shirkad Cusub oo Website-yada dhisto baan sameeyey

5. Damaanadqaadka la siiyo macmiilka

Macaamiil kastaa waxa uu filayaa in uu dammaanad ka helo shirkad, si uu baddal ugu helo alaabta ama adeegga uu iibsaday hadii ay wax noqdaan, maadaama filashada macmiilkani ay ku dhisan tahay dammaanad; Tusaale ahaan: haddii aad bixiso dammaanadda dayactirka oo soconaysa muddo 6 bilood ah ka dib iibsashada alaabta ama adeegga, oo ay jiraan shirkado bixiya isla adeegga ama badeecada aad bixiso, sidoo kalena bixinya dammaanadda dayactirka oo soconaysa muddo sannad ah, Waxaa dabiici ah in macaamiishu ay u janjeersan doonaan dhanka shirakadaha bixiya dammaanadda mudda fog leh.

6. Shaqaalaha shirkadda

Shaqaaluhu waxay noqon karaan mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee lagu dhiso filashada macaamiisha, haday noqon lahayd mid togan ama mid taban.

Ugu dambayntii

waa in shirkad kastaa yeelato waax ku takhasustay adeegga macaamiisha, oo ay mar walba ka shaqeyso sidii ay u horumarin lahayd, una horumarin lahayd xirfadda shaqaalaheeda; Taas oo ah in la joogteeyo macaamiishii hore u jiray, loona soo jiito macaamiil cusub iyadoo la eegayo tartankan wayn ee caalamiga ah ee ka socda suuqa shaqada, kaas oo hawsha ilaalinta macmiilka hadda noqotay mid ka mid ah hawlaha ugu adag.

Sii Daalaco: Waa Ayo Macaamiishaadu? Sideese Ula Dhaqantaa?

Sidoo Kale:

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *