Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada xorta ah)

Freelancing
  • September 17, 2022
  • Comment 1

Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada xorta ah)

Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada xorta ah)

Sideen ku bilaabaa freelancing? Caqabadaha ugu horreeya ee uu kala kulmo qofka raba inuu iskii u shaqaysto (freelancing) waa inuu qaado tillaabooyinka ugu horreeya ee suuqa shaqada xorta ah, iyo sidii uu u qabsan lahaa, Badankeena ma garanano sida wax loo bilaabo, mana garanano waxa loo baahan yahay, dhammaan caqabadahaas ayaa hor taagan qofka raba inuu iskii u shaqaysto, Maqaalkan, waxaanu kaga hadli doonaa (Haduu Eebe Idmo) jawaabaha uu raadiyo qofkasta oo raba inuu iskii u shaqaysto.

Sideed Ku Bilawdaa Freelancing

Ugu horrayn waa inaad si buuxda ugu diyaar garowdaa (nafsiyan iyo ficil ahaanba) shaqada xorta ah, si aad u kordhiso kalsoonida naftaada oo aad u awooddo inaad guulaysato, waa inaan kuu sharaxnaa sifooyin ama tilmaamo muhiim ah oo muujinaya inaad diyaar u tahay shaqadan, adiguna aad u ogaato sifooyinka ama tilmaamaha kaa maqan si aad u buuxiso oo aad u hagaajiso. Waana kuwan:

  • Si aad u bilowdo freelancing, waa inaad u heellan tahay inaad si joogto ah u dhisto sumcad wanaagsan.
  • Waa inaad si dhab ah u shaqeysaa, waa muhiim inaad ogaato in iskaa u shaqeysigaagu uu yahay qaab nololeed adiga kuu gaar ah haddii aad qayb shaqaynayso ama aad wada shaqaynayso.
  • Waa inaad noqotaa mid dabacsan si aad ula tacaasho isbadalada dhacaya inta lagu guda jiro shaqada, tusaale ahaan, kala duwanaanshaha aagagga wakhtiga ee u dhexeeya macmiilka iyo adiga, ama isbaddalka shuruudaha shaqada, ama habka isgaarsiinta, iyo sidoo kale la macaamilka dhaqamada, caadooyinka iyo maskaxaha kala duwan, waa in aad ogaataa in waxa aad isleedahay way habboon yihiin aanii ku habbooneen macmiilka mararka qaar kood oo u baahan wax ka badal dheeraad ah, markaa waa inaad dulqaad yeelataa si uu xidhiidhkiinu iyo wada hadalkiinu u sii jiro oo aadna kawada hadashaan wax ka badalka ku saabsan arintan.
  • Waa inaad si joogto ah u dhiirigelisaa naftaada si aad u sii wadato shaqadan, Badanaa kaligaa ayaa shaqeeya, taas oo keeni karta caajis, cadaadis iyo diiqad, markaa waxaad u baahan tahay inaad naftaada dhiirigalin siiso, si aad u joogtayso shaqadan.
  • Waa inaad leedahay hami joogto ah oo ku saabsan barashada wax kasta oo ku cusub goobtaada iyo takhasuska ama culuumta kale ee laga yaabo inay ku anfici karaan.
  • Waa in aad leedahay dareen masuuliyadeed oo ku saabsan tayada shaqadaada, maadaama aad tahay qof iskii u shaqeysta waxa ugu badan ee saameeya sumcadaada waa tayada shaqadaada oo liidata, markaa waa in aad mas’uul ka tahay naftaada iyo macaamiishaadaba. sii shaqadaada tayada ugu wanaagsan.

Qodobbada ugu muhiimsan ee aad ku bilaabi karto freelancing (shaqada xorta ah)

Waxa aad doonaysaa inaad noqoto qof iskii u shaqaysta ama freelancing laakiin khibrad kugu filan ma haysatid!! Waa kuwan qodobbada ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay:

  • Marka hore waa in aad is waydiisaa ma kugu habboon tahay freelancing (iskaa-shaqaysigu) mise kugu ma habboona adigoo ka eegayya xagga wakhtiga, joogteynta iyo dakhli aad ku bilaabayso, si aanad wakhtigaaga ugu lumin wax aan marka hore kugu habboonayn.
  • Waa inaad haysataa waxyaabo aasaasi ah oo kuu fududaynaya inaad ka shaqeyso shaqadan ah freelancing, Sida kumbuyuutar ama laptop, iyo adeega internet-ka oo wanaagsan.
  • Dooro goob gaar ah oo kugu habboon oo bilow inaad ka shaqayso hadada garanayso. Se hadaanad garanayn baro isla markaana ka shaqee waxa aad baratay, ka hor inta aanad guda gelin shaqada xorta ah.
  • Iska diwaangeli goobaha laga heli karo takhasuskaaga ama xirfadahaaga.
  • In taas ka dib, baraha bulshada ka samayso akoono oo ku soo badhig xirfadahaaga ama adeegyada aad bixiso.

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

Sidoo Kale: 50$/H KAGA SHAQEYSO WEBSITE KA UPWORK. PASSIVE INCOME

Guntii iyo gebagebadii

Gabagabadii, waa lagu la talinyaa qofka raba inuu iskii u shaqaysto inuu barto xirfado aasaasi ah oo ka caawinaya inuu ku guulaysato oo uu sii watto shaqadan, meeshana laga saarto caqabadaha ka hortaagan, sida xirfadda wax-barashada, xirfadda maaraynta wakhtiga, xirfadda gorgortanka, xirfadda isgaarsiinta iyo la macaamilka wanaagsan ee macaamiisha.

Qaadashada tillaabooyinkan iyo qodobadan waxay kaa caawin doonaan inaad hormar samayso bisha ugu horreysa iyo sanadaha soo socda, si aad sumcad wanaagsan ugu yeelato adduunka shaqada xorta ah iyo macaamiishaada joogtada ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *