Freelancing-ahaan Sideen ku heli karaa macmiilkayga ugu horreeya

Freelancing Sideen ku heli karaa macmiilkayga ugu horreeya
  • September 19, 2022
  • Comment 3

Freelancing-ahaan Sideen ku heli karaa macmiilkayga ugu horreeya (Shaqada xorta ah)

Freelancing Sideen ku heli karaa macmiilkayga ugu horreeya

Sideen ku heli karaa macmiilkayga ugu horreeya? Su’aal uu iswaydiiyo qofkasta oo ku cusub Freelancing (Shaqada Xorta Ah) ama raba inuu dhawaan noqdo freelancing, waxay qaadan kartaa wakhti dheer si aad u hesho macmiilkaaga ugu horreeya, gaar ahaan haddii aad ku cusub tahay majaalkan oo aanad wax fikrad ah ka haysan, Sidoo kale waxay qaadan kartaa wakhti gaaban, Si kaste ha ahaatee, Maqaalkan, waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa sii aad ku heli lahayd macmiilkaaga ugu horreeya ka freelancing-ahaan.

Sideen ku heli karaa macmiilkayga ugu horreeya ka freelancing-ahaan?

Waxaa jira talooyin iyo tillaabooyin muhiim ah oo ay tahay inaad u fiirsato oo aad dabbaqdo, Si aad sida ugu dhakhsiyaha badan leh aad ku hesho macmiilkaaga ugu horreeya (Haduu Eebbe Idmo).

  • Waa inaad soo bandhigdaa ama aad bixisaa adeegyada loogu baahan yahay suuqa shaqa xorta ah ka dib marka aad qiimayso adeegyada ugu iibka wanagsan leh ee suuqa shaqa xorta ah kuna habboon nuxurkaaga ama majaalkaaga.
  • Waa muhiim inaad ka fogaato isticmaalida naanaysyada, taa badalkeeda adeegso magacaaga saxda ah si aad u dhisto astaan kuu gaar ah, Sidoo kale haddii ay suurtagaleyso adeegso sawirkaaga dhabta ah si si fudud lagugu aqoonsado oo lagaa sooco dadka kale.
  • Qiimee adeega aad bixinayso oo ku qiimee xirfadaada iyo caannimadaada. Waa wax caadi ah, oo mararka qaar lagu la talinayyaba in qofka bilawga ah uu qiimihii suuqa wax yar ka soo dajjiyo, laakiin marka la gaadho inaad kasbato macaamiil badan, wax yar kor u qaad qiimaha, maadaama qiimaha jaban aanu kugu habboonayn.

Waxaan in muddo ah bixiyaa adeegyo manaan ku helin wax macaamiil ah ama wax shaqo ah weli, Sababtu waa maxay?

Arinta ah helitaanka macmiil maaha arrin sahlan, iyadoo ay kordheen dadka iskood u shaqaysta (freelancing) iyo ganacsatada gaar ka ah ee ka shaqaysta suuqa shaqada xorta ah, waxay noqotay mid aad u adag, tartanka ka jiraana uu xooggan yahay, laakiin tani macneheedu maaha inaadan helayn wax macmiil ah, se waxay u baahan tahay inaad noqoto qof hal abuur leh, si aad u hesho macmiilkaaga ugu horreeya, waxaana jira waxyaabo laga yaabo inay sabab u yihiin inaadan weli helin wax macmiil ama wax shaqo ah, sida:

  • Profile-kaaga oo aan dhamaystirneen sida hordhac gaaban oo aan lahayn wax faahfaahin dheeraad ah oo akhritaha akhrinya aanuu ka faa’idayn ama aanuu ku qancayn, kaliya magacaaga oo qalalan iyo sawirkaaga iyo qoraal yar oo gaaban oo ka hadlaya waxa aad qabato, Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaad buuxiso oo aad dhamastirto profile-kaaga oo aad ku soo bandhigdo wax kaste oo aad isleedahay wuu u baahan yahay macmiilku ama akhristaha uu ka bogan karo.
  • Ma lihid waxqabad firfircoon oo joogto ah marka la joogo suuqa shaqada xorta ah, taas oo xiiso kaliya kaa ah, oo ku salaysan maalmaha ugu horreeya ama todobaadyada ugu horreeya ama xitaa bilaha ugu horreeya. Marba hadaad soo gasho suuqa shaqada xorta ah waa inaad yeelataa samir iyo joogtayn gaar ahaan hadii aad tahay bilawo.
  • Waxa ugu xun ee laga yaabo inay sabab u yihiin helitaan la’aanta macmiilka waa in aad leedahay hal bandhig, maxaan ula jeedaa (hal xayaysiis oo ka hadlaya adeega aad bixiso inaad macmiil kaste tusiso) sidaa darteed waa inay battaan bandhigaaga ama xayaysiintaada ugu yaraan 3 ilaa 5 waxaana loo baahan yahay in bandhigaas ama xayaysiintaas ay waafaqsanaadaan adeegyada aad bixiso.
  • Waxaa laga yaabaa inaad tahay suuqgeeye wanaagsan, laakiin si fiican iskuma suuq-geyn kartid, waa nasiib darro, Suuqgeynta baraha bulshada iyo aaladaha kala duwan aad bay muhiim u tahay, sidoo kale macaamiishu waxay iska indhatiraan profile-kaaga, adeegyadaada iyo xirfadahaaga, haddii aadan si wanaagsan u soo bandhigin Karin.

Lixda xirfadood ee ugu muhiimsan dhanka isgaadhsiinta labada qof (macmiilka iyo adiga)

  1. Ahaw qof warkiisu cad yahay
  2. Ahaw qof wax soo kooba
  3. Ahaw qof ka run sheega adeegyadiisa
  4. Ahaw qof joogteeya xiriirka macmiilka
  5. Ahaw qof dabacsan
  6. Fariintaadu ha noqoto mid dhamaystiran

Sii Daalaco: Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada Xorta Ah)

Sidoo Kale: 3 shaqo oo aad ku shaqeyn kartid $10 ilaa $60 Saacadii Online-ka

Ugu dambayntii

waa in aad mar walba diiradda saartaa hagaajinta xirfadahaaga iyo kartidaada, si tayada shaqadaadu ay u noqoto tan ugu wanaagsan taas oo kaa dhigaysa mid caan ka ah suuqa shaqada xorta ah islamarkaana kuu fududaynaysa helidda macaamiil badan.

3 Comments

  1. Walahi sxb mcne aad baad u mahad santhy sida wanaga leh oo aaad noola wadagtay aqoontada
    Runtina waxaan kamid ahay boqolalka qof ee
    Kuxiran website kada inoo soo badi wll wixii
    Kale oo faker aad heyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *