Freelancing: Shaqooyinka Ugu Muhiimsan Uguna Caansan Ee Looga Baahan Yahay Suuqa Shaqada

  • September 16, 2023
  • Comment 3

Freelancing: Shaqooyinka Ugu Muhiimsan Uguna Caansan Ee Looga Baahan Yahay Suuqa Shaqada

Freelancer-nimadu waa fikrad ballaadhan oo ballaadhan oo leh tafaasiilo badan, qof kasta oo Freelancer ahna mincaheedu ma ahan inay hal shaqo qabtaan ama ay hal goob ka wada shaqeeyaan, maxaa yeelay waxaa jira goobooyin iyo shaqooyin badan oo badan isla mar ahaantaana kala duwan.

Cidda aan garanayn Freelancer-nimadu waxay tahay: waa hab ama nidaam shaqo oo madaxa-bannaan ama leh xirriyad buuxda, kaasoo Freelancer-ku aanuu ku xidhnayn shirkad gaar ah, ama hay’ad gaar ah, amaba shaqsi gaar ah, hasa yeeshee wuxuu adeegyadiisa u soo bandhigaa macaamiilo kala duwan, oo laga yaababa inay kala dal joogaan, amaba xittaa wuxuu adeegyadiisa u soo bandhigaa dalal kala duwan.

Goobaha ama shaqooyinka freelancer-nimada looga shaqaysto waa ay badan yihiin, waana goobo ama shaqooyin aad iskaa isku bari karto, isla mar ahaantaana aad iskaa ugu shaqaysan karto, waxaana si gaar ah uga hadli doonaa –eebe idamkii- kuwa ugu caansan isla mar ahaantaana baahida weyn loo qabo, suuqa shaqadana looga baahan yahay.

1. Barnaamij-samaynta (Programming)

Dunida barnaamij-samaynta (Programming) ah waa duni hab-fikir iyo hal-abuur leh, halkaasoo keenta in fikradaha loo bedelo mashruucyo cusub isla mar ahaantaana taagan, waana mid ka mid ah goobaha ama shaqooyinka ugu faa’iidada badan, marka la joogo suuqa shaqada xorta ah (Freelancing).

Baahida loo qabo barnaamij-sameeyaha ayaa muddooyinkan dambe laga dareemayay koboc aad u ballaadhan, waxaana dalkeena hooyo ku soo badanaya ganacsatada baahida weyn u qabta barnaamij-sameeyaha, taas oo ay ugu wacan tahay kobaca tignoolajiyadeed ee aynu gaarnay.

Kuwa aan wax fikrad ah ka haysanin waxa uu yahay barnaamij-sameeyuhu: si fudud, waa qofka samayn kara ama curin kara barnaamijyo, application-no, aalado, goobo, iyadoo ujeedadu tahay xallinta dhibaato jirta, ama buuxinta baahi jirta.

2. Naqshadaynta Website-yada Iyo Application-nada (Web Design & App Design)

Tani waa mid ka mid ah goobaha ama shaqooyinka ugu muhiimsan suuqa shaqada xorta ah (Freelancing), taas oo ay barbar socoto ama ay daba socoto shaqadii hore ee ahayd (barnaamij-samaynta (Programming).

Markaad eegto website kasta ama application kasta, waxaad ogaan doontaa inuu leeyahay muuqaal ama bilic gaar ah oo ka kooban sawirro, midabyo, xarfo, iwm.

Interface-kan, oo leh wax kasta oo u muuqda isticmaaluhu, waa mas’uuliyadda naqshadeeyaha website-yada iyo application-nada.

Si aanad u jahwareerin, aan kuu sharaxo farqiga u dhexeeya naqshadeeyaha website-yada iyo application-nada iyo sameeyaha website-yada iyo application-nada tusaale ahaan:

  • Naqshadeeyahu: Wuxuu sameeyaa wax kasta oo u muuqda isticmaalaha, oo ay ku jiraan midabada, meelaha bannaan, xulashada xarfaha (Fonts) la isticmaalo, sawirrada iyo cabbirkooda, iwm.
  • Sameeyuhuna: Wuxuu hirgaliyaa waxa uu sameeyay naqshadeeyuhu, isagoo si toos ah u dhisaya website-kii ama application-kii, si uu isticmaaluhu ula falgalo website-kaas ama application-kaas.

Tusaale: Marka uu qof gujiyo badhanka “Like-ta“, halkan “Sameeyuhu” wuxuu mas’uul ka yahay inay ku soo gaadho ogeysiis ama fariin ah in “Like” la saaray mid ka mid ah muuqaaladaada ama sawiradaada, halka qaabka ama bilicda ay leedahay badhanka “Like-ta” iyo sidoo kale midabka ay leedahay uu mas’uul ka yahay “Naqshadeeyaha“.

3. Naqshadeynta (Graphic Design)

“Sawirku wuxuu u dhigmaa kun kelmadood.” Odhaahdani 100% waa run, waana halka ay ka soo maaxday muhiimadda ay leedahay gaabtan ku magacaaban naqshadeynta (Graphic Design).

Dunida dhijitaalka ah ee aan maanta ku noolnahay, sawirku wuxuu noqday shay aad muhiim u ah, isla mar ahaantaana naqshadeeyuhu uu noqday mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan marka la joogo suuqa shaqada xorta ah (Freelancing).

Naqshadayntu waa goob aad u guda ballaaran, oo ay ka mid yihiin naqshadaynta logo-yinka, naqshadaynta 3D-yada, infographic-ka iwm.

Naqshadeeyuhu wuxuu u baahan yahay inuu barto xirfado, farsamooyin, iyo xeelado kala duwan, oo ay ka mid yihin farshaxan-ka iyo hal abuur, si uu u soo saaro naqshado bilic ahaan qurux badan.

Naqshadayntu waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu baahida weyn marka la joogo suuqa shaqada xorta ah (Freelancing).

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *