Fursad waxbarasho ( Google Skillshop )

Fursad waxbarasho ( Google Skillshop )

Google skillshop waa barnaamij ay bixiso shirkada Google taas oo aad ka heli karto fursad waxbarasho oo ku saabsan Digital Marketing ka .

Waxaad wax ku baran doontaa qaab online ah adoo helayo dhamaan waxyaalaha aas aasiga u ah howshas.

Maqaalkan waxaa kugu soo gudbin doonaa dhamaan xogtan fursadan waxbarasho iyo si uu qofkasta oga faa’ideysto.

Qodobadan hoose baan sifiican u sharaxi doonaa

  • What is Google Skillshop?
  • Is Google Skillshop Free?
  • Courses and Certifications Offered by Google Skillshop
  • How to Get a Google Skillshop Certification?

What is Google Skillshop?

Waa kooras ay bixiso shirkada Google isla markaasna hadii aad dhameysid aad helaysid shaahado meelkasta aduunka laga aqoonsanyahey.

Waa tababar aad ku barankartid dhamaan xirfadaha Google’s marketing tools iyo programs kale.

Koorsooyinka lagu baranayo waxaa ka mid ah Google Ads, Google Analytics, YouTube, iyo kuwa kale.

Kooras kasta waxey leedahay casharo u gaar ah iyo imtixaan. Markaad ku baastid imtixaanka waxaad helaysaa shahaado caalami ah .

Waxey kaloo ku fiican yihiin adigaa maamulanayo qaabka aad casharada u qaadaneysid oo si tartiib ah iyo si dhaqso ahba casharada wad u daawan kartaa.

Is Google Skillshop Free?

Googke skillshop waa fursad waxbarasho oo bilaash ah, dhamaan koorsooyinka waa baran kartaa markad dhameysidna shahaado caalami ah bey ku siinayaan.

Courses and Certifications Offered by Google Skillshop

Google skillshop waxey bixiyaan koorsooyin kala duwan, waxaana ka mid ahGoogle Ads, Google for Education, Google Cloud, and more.

Waakan dhamaan koorsooyinka ay bixiyaan;

  • Google Ads Display Certification
  • Google Search Ads Certification
  • Google Shopping Ads Certification
  • Google Ads Measurement Certification
  • Google Ads Video Certification
  • Google Ads Apps Certification

Aniga ka Gelle ahaan, koorsooyinkan qofkii bartaa sifiican buu online ka oga shaqeysan karaa.

Google Skillshop Certification

Dabcan qofkii dhameystaa kooraska, imtixaankana ku baasaa, waxey siinayaan shahaado uu Google aqoonsanyahey.

Shahaadaas qaab freelancer ahaana wad ku shaqeysan kartaa ama Google laftirkisa oga shaqeysan kartaa.

How to Get a Google Skillshop Certification?

Wey fududahey in aad iska diwaan galisid fursadaha waxbarasho. Kaliyah waxaa boqataa website ka google skilshop kadibna iska diwaan gali.

Video kore baan sifiican igu sharaxey qaabka loo bilaabayo shaqada.

 

Gunaanad

Fursadaha waxbarasho maanta meelkasta bey yaalaan waliba kuwa lacag ah iyo kuwa bilaash ahba. Kaliyah waxaa u baahantahey in aad adiga go’aan qaadatid oo ka faa’ideysatid.

Saan wada ognahayba wadanki shaqo la’aan badan baa ka jirto. Marka ka faa’ideyso fursadah waxbarasho ee online ka aad ka heli kartid kadibna ku shaqeyso.

 

 

32 Comments

      1. Hariir54@gmail.com

        Asc mudane Gelle Bashir wllo qaali marka hore waad mahadsantay,
        Intaa ka dib wllo qaali waxaan rabaa inaan kugu soo xidhmo si aan kaaga faaiidaysto aqoonta allah ku siiyay ee ku saabsan ka ganacsiga ama ka xoogsashada Online_ka

          1. Wll allaha ku Sharfo waxan kuweydinlaha wll marka Google ads aad baranhayso sidee camal qeybaha uu kala baxayo maad hadane mid kasii doraan wll

    1. Abdirahman liban mohamud

      Mudane gelle waan ku salaamay marka hore waxaan kaaga baahanahay sida website peopleperhour loo sameesto codsiga iyo waxyaabaha liskkaga bahan yahay inaad soo duubto .I.a

        1. Khadar Haaji Mohammed

          Mr Galle waan kusalaamay ugu horaan
          Mudane waxaan donayaa sida
          Online marketing lacag loga sameeyo
          Waxaan koloo U bahnahay sida website losameeyo
          Waxaan kaloo U bahnahay sida
          Google Adsense losameeyo

  1. Abdirahman liban mohamud

    Mudane gelle waan ku salaamay marka hore waxaan kaaga baahanahay sida website peopleperhour loo sameesto codsiga iyo waxyaabaha liskkaga bahan yahay inaad soo duubto .I.a

  2. Khadar Haaji Mohammed

    Mr Galle waan kusalaamay ugu horaan
    Mudane waxaan donayaa sida
    Online marketing lacag loga sameeyo
    Waxaan koloo U bahnahay sida website losameeyo
    Waxaan kaloo U bahnahay sida
    Google Adsense losameeyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *