Fursadaha Shaqo Ee U Fiican Haweenka

  • February 22, 2024
  • Comment 6

Fursadaha Shaqo Ee U Fiican Haweenka

Ma waxaad raadineysaa fursad shaqo oo kuu ogolaaneysa inaad adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo joogtid aad gaadho ama aad xaqiijiso riyooyinkaaga dhaqaaleed?

Qormadani waxaad “Adooneey” ka heli doontaa dhowr fursadood oo shaqo, kuwaas oo suurtagal u ah in laga shaqeeyo iyadoo guriga ama goob kastoo shaqo la joogo, isla markaana aan la dayicin shaqooyinkii caadiga ahaa ee nolol maalmeedkeena ka mid ahaa.

Fursadaha Shaqo Ee U Fiican Haweenka

1. Iibinta Khadka Tooska Ah

Haddii aynu si guud uga hadalno iibinta khadka tooska ah waxaa laga yaabaa inaysan ku habboonayn haweeno badan, hasa yeeshee waynu fudaydinaynaa

Ugu horreyn iibinta khadka tooska ah ma ahan oo kaliya inaad website yeelato, soo daabacdo badeecadaha aad rabto inaad iibiso, suuqgeyso, iibiso, sidaana aad ku waddo.

Laakiinse waxaa jira waddooyinkaloo lagu heli karo macaamiil joogta iyadoo aanan lagu khasbanayn in wixii aan soo sheegnoo dhan la sameeyo, taasoo ah in aad yeelato bare bulsheed, ama xubin ka noqoto group jira, halkaana aad ku soo bandhigdo badeecadahaaga ama adeegyada aad bixin rabto.

Tusaale, facebook wuxuu leeyahay qayb lagu magacaabo “Marketplace” halkaas oo aad ku iibin karto badeecdahaaga, isku soo wada duub iibinta khadka tooska ah waa iib kasta oo ka dhaca internet-ka dhexdeeda.

Fikirkan ah iibinta khadka tooska ah waa fikir si weyn u faafaya waayadan dambe, maadaama dumar badan ama si guud dad badan ay ku tiirsan yihiin iibka khadka tooska ah, taas oo ay ka gaadhaan guulo la taaban karo.

2. Naqshadaynta (Graphic Design-Ka)

Naqshadeynta ama graphic design-ka waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu fudud xagga helitaanka, taasoo haweenka u ogolaanaysa inay ka shaqeeyaan iyagoo gurigooga ama goobahooda kale joogaan, isla mar ahaantaana aanay ku khasbanayn in ay goob rasmi ah joogaan maalin kasta, (hadii uusan mashruucu u baahnayn).

Naqshadaynta ama graphic design-ka waxay ku jirtaa shaqooyinka ugu muhiim ee ay shirkad kasta u baahan tahay wakhti xaadirkan.

Sidoo kale naqshadaynta waxaa loo tixgaliyaa mid ka mid ah shaqooyinka ugu dakhliga fiican leh, markii aad ku tahay xirfadle aad u sarreeya, hasa yeeshee mustaqblka dhow waxaa laga yaabaa inay AI-du ama “Garaadka Samayska Ah” uu la wareego shaqadan, waana suuragal, maadaamaynu aragno haatan heerka uu marayo “Garaadka Samayska Ah”, iyo sida uu u dardargalinayo geedi socodka shaqooyinkii caadiga ahaa.

Waxyaabaha Aad U Baahan Tahay Si Aad U Bilawdo

1. Aalad

Si aad u bilowdo, waa inaad haysataa kombiyuutar ama laptop. Ku shaqaynta telefoonka waxa laga yaabaa inaanay waxtar fiican u yeelanin shaqooyin badan. Sidoo kale waa inaad doorataa aalad xawaare sare leh, si aad u damaanad qaado waxtarka shaqooyinkaaga.

2. Internet

Waa lagama maarmaan in aad haysato ama aad heli karto internet aad u xawaare sarreeya, maadaama internet-ka xawaaraha sara leh uu gacan ka geysaneyso fududeynta geedi-socodka shaqada.

3. Goob

Tani muhiim ma ahan, maadaamaynu nidhi goob kasta waad ka shaqayn kartaa, hasa yeeshee markii cayyimto goob gaar ah, sida qol ka mid ah guriga, shaqadaadu waxay noqonaysaa mid aan innaba caadi ahayn, adigoo dareemi doona in aad ku jirto xaalad shaqo, bedelkii aad kolba meel ka shaqayn lahayd.

Waxaana suuragan ah inaad si fudud diiradda u saarto shaqada aad qabanayso, taasoo kardhin doonta isla mar ahaantaana xoojin doonta heerka shaqada.

Waxaa jira dhowr habab oo kaa caawin doona inaad yeelato dukaan online ah, anigoo ula jeeda inaad yeelato website u samaysan qaab dukaan ah, qaar ka mid ah hababka kuu suuragalinaya inaad yeelato dukaan online ah:

  • Inaad adigu aqoon u leedahay programming-ka ama ugu yaraan website samaynta
  • Inaad shaqaalaysiiso qof kaa yaqaan website samaynta
  • Ama inaad shirkad aqoon buuxda u leh website samaynta aad la xidhiidho (Sida anaga oo kale)

Anagoo kuu dhisayna dukaan ay u dhamaystiran yihiin dhamaan wax walba, kaasoo diraan u ah iib toos ah, shirkadeena “GELLE DIGITAL SERVICES” waxaynu si buuxda u garanaynaa website samaynta, una leenahay waayo-aragnimo buuxda, inagoo ku samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo kale shirkadeena waxay diyaar kuula tahay curinta, kobcinta, iyo hirgalinta ganacsigaaga, laga soo bilaabo curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Diyaar ma u tahay inaan kuu dhisno dukaan online ah, oo u adeega ganacsigaaga, haday jawaabtaadu “HAA” tahay ka waaban inaad nagala soo xidhiidho whatspp lambarkan: +252-90-5582875 ama whatsapp link-gan: https://wa.link/zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

6 Comments

  1. Please Eng isku deya inaad maqaalkiina ku dhistaan ereyo waadix ah oona la fahmi karo micnahooda (kalmada iibinta qadka tooska ah )Maxaad ula jeedaan Sharxaada aad cinwaanka ka qorteen xitaa ma aha mid swcn loo fahmi karo please ereyo waadix oona fahmi karo ku dhisa maqaalkiina

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *