Samsung Ayaa Shaacisay Taleefonnadeeda Cusub Ee Galaxy S23

  • February 4, 2023
  • Comment 0

Samsung Ayaa Shaacisay Taleefonnadeeda Cusub Ee Galaxy S23

Samsung ayaa qabatay shir-waynihii sannadlaha ahaa ee Samsung Unpacked, kaas oo ay ku soo bandhigto agabyadeedii ugu dambeeyay ee mobilada sannad kasta. Sidii la filayey, shirkaddu waxay ku dhawaaqday saddex taleefan oo cusub oo ka socda taxanaha (Galaxy): Galaxy S23, Galaxy S23 Plus, iyo Galaxy S23 Ultra.

Shirkaddu waxay qaybta ugu weyn ee shirkeeda u qoondaysay ka hadalka teleefonadeeda, gaar ahaan talefoonkeeda ugu sarreeya ee taxanaha Galaxy (Galaxy S23 Ultra), oo la yimid naqshad iyo muuqaal ku dhow nuqulkii sannadkii hore, marka laga reebo kamaraddeeda, oo lagu sameeyay casriyeyn weyn, iyadoo laga soo qaaday 108 MP ilaa 200 Megapixel.

Dhanka: Camera-da (Kamarada)

Samsung waxay soo bandhigto filim gaaban oo uu sameeyay agaasimaha Hollywood (Ridley Scott), oo gabi ahaanba lagu duubay kamarada (Galaxy S23 Ultra), taasoo muujinaysa in awooda weyn ee kamaradu ay awood u leedahay inay duubto muuqaalada 4K iyo tiknoolajiyada Super HDR 60 frames per second (fpr), sidoo kale waxay ku duubi kartaa muuqaal 8K ah 30 frames per second (fpr).

Samsung ayaa sheegtay in ku duubista taleenokeeda filim ha-abuur leh aysan suurtagal ahayn hadii aan la hagaajin autofocus-ka, oo keenta in si degdeg ah oo heer sare ah loo saaro diiradda si sax ah, taasoo muuqaalka ka dhigaysa mid heer sare ah, gaar ahaan xaaladaha iftiinku uu hooseeyo.

Si loo soo bandhigo kartida kamaradda cusub ee la xidhiidha sawir-qaadista iftiinka hooseeya, Samsung waxay soo bandhigtay muuqaal filim kale ah, oo uu soo saaray Kuuriyaankan lagu magacaabo “Na Hong-jin“, oo caan ku ah jiheynta filimada iftiinka madow, halkaas oo uu u adeegsaday Galaxy S23 Ultra duubista filimka gabi ahaan ku sugan xaalado mugdi ah, wuxuuna ammaanay awoodda kamaradda telefoonku oo uu u leedahay in ay ilaaliso diiradda muuqaalka mugdiga inta lagu jiro dhaqdhaqaaqa.

Samsung waxay dib u eegtay sifooyinka ay kaamiradu siiso sawir qaadayaasha xirfadlayda ah, kuwaas oo awood u siinaya inay wax ka beddelaan sawirada qaabka RAW, iyagoo kaashanaya ikhtiyaari badan oo la heli karo.

Dhanka: Game-ka (Ciyaaraha)

Marka laga soo tago ka hadalka kamaradda, Samsung waxay si weyn diiradda u saartay waxqabadka ciyaaraha ee (Galaxy S23 Ultra) oo ay sheegtay in processor-keeda cusub ee jiilka labaad ee processor-yada taxanaha ah ee Snapdragon 8 uu bixiyo 34% waxqabad sare marka loo eego taleefankii sannadkii hore, iyo in Processor-ka garaafyada ayaa 41% ka dheereeya, waxaana ku qalabaysan tignoolajiyada Raytracing ee NVIDIA, oo ay taageerto caqliga macmalka ah, si loo horumariyo tafaasiisha sawirka ciyaaraha, tani waxay la macno tahay in ciyaaraha talefanku ay bixiyaan muuqaal iyo faahfaahin gaadhaysa heerka kombayutarka, sida ay shirkaddu sheegtay.

Qiimaha

Taleefannada cusub ee Samsung ayaa diyaar u noqon doona dalabka laga bilaabo maanta, wuxuuna Galaxy S23 Ultra ka bilaabmi doonaa qiimo gaadhaya $1,199, halka Galaxy S23 Plus oo ka bilaabmi doono qiimo gaadhaya $999, iyo kan ugu danbeeya Galaxy S23 oo uu ka bilaabmi doona qiimo gaadhaya $799.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *