Faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu

Faa'iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu
  • September 9, 2022
  • Comment 15

Faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu

Ganacsiga E-commerce Faa'iidooyinkiisa iyo khasaarihiisa

Haddii aad weli la yaabban tahay faa’iidooyinka ganacsiga e-commerce oo aadan helin dhiirigelin kugu filan oo aad ganacsigaaga internetka maanta ku bilowdo, ii oggolow inaan kula wadaago tirokoob muhiim ah oo ay daabacayday website-ka caanka ah ee tirakoobka (Statista).

Tirakoobku wuxuu sheegay in tirada dadka wax ka soo iibsatay internetka 2020 ay gaadheen in ka badan 2bilyan. taas oo u dhaganta 27% dadka aduunka ku nool! (haba ugu wacnaatee caabuqii karonaha)

Se ma ogtahay in qiimaha suuqa e-commerce la filayo inuu gaaro $200 bilyan marka la gaaro 2026? Runtii waa tiro aad u badan oo kicin kara xiisahaaga ku aadan inaad wax badan ka ogaato goobtan. Haddaba aan si kooban kuugu sharraxo qaar ka mid ah faa’idooyinka iyo khasaaraha ee uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu.

Faa’iidooyinka uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu

1. Kharash yari

Ganacsiyada caadiga (Maxaliga) ah waxay u baahan yihiin lacago badan si loo bilaabo, iyadoo loo baahan yahay kharashyo badan oo horudhac ah sida kiraynta goobta ku haboon, naqshadaynta dukaanka, iibsashada alaabata iyo qalabka wax lagu iibiyo, iyo qaar kaloo badan.

Iyadoo aan la iloobin sidoo kale in mulkiilaha ganacsiga ama dukaanka uu ku khasbanyahay inuu qabsado shaqaale (ha dhawaato ama ha fagogaatee), gaar ahaan haddii ganacsigu ama dukaanku uu leeyahay dhowr laamo oo kala duwan ama dhowr xaruumood.

2. Dakhli joogto ah

Faa’iidada kale ee uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu waa in dukaamada elektaroonigga ahi ay furan yihiin saacad kasta!

Taas oo macnaheedu tahay in xilli kasta ama daqiiqad kasta (xittaa il biriqsi kataa) aad heli karto macmiil cusub ama mid hore oo wax kaa iibsada, waxayna ku riixdaa macmiilka inay wax iibsadaan wakhti kasta oo ay doonaan. Waxa kale oo ay ka caawisaa milkiilaha ganacsiga in aanu lumin wax macaamiil ah

Si ka duwan dukaamada maxalliga ahi, kuwaas oo saacadaha shaqadoodu ay inta badan ku kooban yihiin inta u dhaxaysa 6-da ama 7-da subaxnimo ilaa 10-ka ama 11-ka habeenimo.

3. iibka caalamiga ahi

Waxaa laga yaabaa inaad ka gudubto caqabadaha juqraafiyadeed oo aad ganacsigaaga ku ballaadhiso adduunka oo dhan adigoo adeegsanaya ganacsiga e-commerce. Macaamiishaadu waxay joogi karaan dal kale ama dalalka dariska aad tihiin, Waxaadna si fudud u siin kartaa adeegyadaada adigoon la joogin.

4 .Ka faa’idaysiga xogta macaamiisha

Helitaanka xogta macaamiishaada waa mid ka mid ah faa’iidooyinka uu leeyahay e-commerce-gu waxaadna si fudud u heli kartaa oo aad u falanqeyn kartaa xogta macaamiishaada

Waxaadna awood u yeelan doontaa inaad si wanaagsan ugu adeegto macaamiishaada, la dhiso xiriir adag, iyo inaad buuxiso baahidooda iyo rabitaankooda.

Khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu

1. Website-ka oo xun

Mid ka mid ah khasaaraha ugu xun ee uu leeyahay ganacsiga e-commerce waa inaanu iibsan karin qofku alaabtaada haddii website-ka uu xun yahay amaba uu hawada ka maqan yahay.

Sababtan awgeed, aad bay muhiim u tahay in goobtaada lagu martigeliyo (hosting) mid ku habboon e-commerce-ga. Tusaale ahaan, haddii aad martigashatay (hosting) qayb yar, oo ay jiraan tiro booqdayaal badan, kuwaas oo ay ka imaadeen xaysiin la sameeyey ama si kaleba ha ahaatee, goobtaadu waxay u badan tahay inuusan awoodin booqdayaashan tiraha badan leh, keeni kartana inuu istaago website-ku, saasna aad ku waydo macaamiil badan.

2. Macmiilku ma tijaabin karo alaabta

In kasta oo ay tahay dhibka ugu weyn ee ay waajahaan iibsadayaasha khadka tooska ah, laakiin ma sii jiri dooto muddo dheer, iyada oo la adeegsan doono tignoolajiyada dhabta ah ee VR iyo AR.

3. Goob aad loogu tartamayo

Mar kasta oo ay goobi tartanku uu sii bato, waxaa kor u kacaya kharashka xayaysiisyada ee la xidhiidha goobtaas, wayna adkaanaysaa in lacag laga sameeyo.

Si aad uga gudubto dhibaatadan, waxaad haysataa laba xal: ama raac istiraatiijiyad suuq-geyneed oo ka duwan tii tartamayaashaada, ama isticmaal habab ka jaban oo aad ku xayaysiiso Alaabtaada.

4. Ka jawaabidda su’aalaha macamiilka

Haddii macmiilku uu su’aal qabo marka uu wax ka iibsanayo dukaanka maxalliga ahi, Iibiyaha ayaa had iyo jeer u heelan inuu ka jawaabo su’aashaas. Si kastaba ha ahaatee, ka jawaabidda su’aalaha macamiilka waxaa laga yaabaa inaani lahayn qaar ka mid ah ganacsiyada e-commerce-ga, Halka qaar kalena ay ka daahaan ka jawaabista su’aalaha macaamiisha.

Sii Daalaco: Baro 3 hab oo amazon lacga uga samayn kartid

Sii Daalaco: $500 Ku Bilow Ganacsigaan | Printing T-Shirt

Ugu Danbayntii

Hadda waxaad haysataa fikrad ka haysataa faa’idooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-gu, lagana yaabee inay tahay waqtigii aad bilaabi lahayd inaad ka fikirto furitaanka ganacsiga e-commerce-ga!

Nagu la wadaag ra’yigaaga faallooyinka haddii aad rabto inaad qaado tallaabadan.

15 Comments

  1. Waan rajeynaaa inaan bilaabo e -commerece waana ku mahadsantahay fikirkaaga qurux badan waxaa tahay qof kaliya dhalinta wax kasto skills la share gareeye tnx teacher for ever
    salaaman team gelle bashiir.com

  2. Waxaad tahay macalin iyo dhiirageliye aan aad u jeclahay blse waqtigaa ii saamixi waayey inaan wax kaa kororsado haseyeeshee waan ku talajiraa inaan kusoo biiro coursyadaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *