Sideed u qaadan kartaa go’aan sax ah oo adag?

go'aan qaadashada
  • October 23, 2022
  • Comment 4

Sideed u qaadan kartaa go’aan sax ah oo adag?

go'aan qaadashada

Waxaan qaadanaa go’aamo maalin kasta, laga bilaabo waxa aan cunno ilaa jidka ama waddada aynu marno; Laakiin marka laga hadlayyo qaadashada “go’aanada adag”, aad ayay u adag tahay, sida go’aan ka qaadashada dhawrkan doorasho: aqbalida shaqo yabooh, mise iibsashada guri, mise guur.

Qaadashada go’aamada saxda ah ee noloshu waxay keentaa guul, waxaana halkan idiinku soo gudbinaynaa talooyin ku saabsiisan qaadashada go’aanada saxda ah.

Waxaan qaadanaa go’aano si aan u gaarno wax aan rabno, ama aan uga baxno dhibaatada ina soo food saartay. Go’aamadan la qaadanayo waxaa laga yaabaa inay noqdaan go’aamo masiiri ah oo nolosha qofka saameeya sida furriinka, maadaama uu yahay go’aan adag, Dabcan waa go’aan aad u adag, sababtoo ah waxay saamayn ku yeelan kartaa dhammaan xubnaha qoyska. Waxaa jira go’aano aan saameyn badan yeelan, sida doorashada cuntada aad cunayso ama u tagista asxaabta qaarkood. Go’aanadu way kala duwan yihiin, heer ahaan iyo darnaan ahaan, sidaas darteed waa in la helaa hab sax ah oo qofku u isticmaalo go’aan qaadashada, gaar ahaan go’aamada masiirka ah ee keena isbaddalka dabeecadaha iyo dhisidda nolosha. Mar kasta oo uu qofku awoodo inuu go’aan sax ah qaato, waa inta uu sii guulaysanayo.

Waxaan aragnaa dad badan oo aad ugu xeel dheer ururinta macluumaadka, samaynta su’aalaha, iyo daraasadda xaaladaha iyo doorsoomayaasha. Laakiin marka la gaaro xilliga go’aanku, waxay yaqaanaan hal waddo oo keliya, taas oo ah hagaajin iyo is-baddal. Go’aanka cad maaha mid canaan leh, balse waxaa jira kiisas uu qofku u baahan yahay inuu go’aan degdeg ah ka qaato, sida xaaladaha degdegga ah, dhakhtarku wuxuu go’aansadaa inuu dawooyinka u qaybiyo bukaanka wuxuuna u baahan yahay in uu qaato go’aano badan, si bukaankaas uu ula tacaalo, go’aankuna waa inuu noqdaa mid degdeg ah oo ku salaysan aqoon hore.

Midna Aan Isxasuusinno

Habka ay dadku u arkaan go’aamada adag way kala duwan tahay. Tusaale ahaan: go’aan aad adigu u aragto inuu yahay go’aan adag ayaa laga yaabaa inay u fudud tahay qof kale.

Tallaabooyinka go’aan qaadashada:

Koowaad: Yeelo qaab-dhismeed adiga kuu gaar ah

qaab-dhismeedkuna wuxuu ka dhigan yahay inaad leedahay shuruudo kaa dhigaya inaad ka door bidayso hal go’aan mid kale. Go’aankaagu waa inuu noqdaa mid waafaqsan mabaadi’daada, markaa ha lumin aragtida yoolalkaaga, qiyamka iyo himilooyinkaaga wakhtiga go’aanka. Haddaba, ka hor intaanan go’aan gaadhin, waxaad is waydiiyaa: go’aamada iyo natiijooyinka aan qaadanayo ma waafaqsan yihiin mabaadi’dayda iyo caqiidadayda? Go’aankan aan qaadanayaa ma ii xaqiijinayaa wax mid ka mid ah yoolalkayga? Go’aankani hore ma ii dhaqaajiyaa?

Labaad: Naftaada sii fursad ay ku fikirto

isku day in aad si degan oo caqli gal ah u fikirto, ka fogaanshaha shucuurta iyo xakamaynta nafta waa mid ka mid ah waxyaalaha ugu adag, balse waxa loo baahan yahay in la qaato go’aan sax ah. Ka fogow go’aan qaadashada marka aad niyad xun tahay ama aad cadhaysan tahay (xanaaqsan tahay) si aanad u qaadan go’aan khaldan. Fikir ka hor inta aanad go’aan gaadhin, ka fikir saamaynta go’aanka, sababtoo ah waxaa jiri kara wax aadan arkin. Ha degdegin, ka digtoonow, gaar ahaan go’aamada masiiriga ah ee cawaaqibka waaweyn leh. Isku day inaad diiwaan geliso dhammaan faa’iidooyinka iyo khasaarooyinka suurtagalka ah ee ka iman kara ama ka dhalan kara go’aanka.

Seddexaad: Si fiican u fahan mawduuca ama nuxurka

Fikradda khaldan waxay ku siinaysaa go’aan khaldan. Ibliis markuu Eebbe faray inuu u sujuudo Aadam, waxa uu qaatay go’aan khaldan oo khatar ah, kaas oo ah inuu diido, taas oo ay keentay in uu u maleeyo in uu ka khayr badan yahay Aadam, “أَنَا خَيْرٌ مِنْهُ خَلَقْتَنِي مِنْ نَارٍ وَخَلَقْتَهُ مِنْ طِينٍ”, oo leh sidee baan ugu sujuudaa cid uga hoosaysa, waana fahankiisa khaldan, Haddii uu garasho sax ah leeyahay ibliis, waxa uu ku khasbanaan lahaa in uu u hoggaansamo amarka Eebbe iyada oo aan loo eegin xikmadda iyo sababta ka dambaysa. Sidaa darteed, isku day inaad mawduuca aad u fahanto adigoo is waydiinaya oo falanqaynaya oo dib u milicsanaya.

Afaraad: Ka faa’iidayso waayo-aragnimada nolosha iyo khibradaada

khibradaada shakhsi ahaaneed waxay ku siinaysaa awooda inaad ogaato go’aanka saxda ah iyo midka khaldan, waxaa laga yaabaa inay jiraan go’aamo badan oo khaldan oo aad hore u qaadatay, markaa ka faa’idayso waayo-aragnimadii hore ee ku salaysnaa go’aamadii khaldanaa, si aanad mar labaad u qaadan go’aan khaldan.

Waayaha dadka kale waxay inoo yihiin cashar iyo waano haddaynu si wanaagsan uga faa’iidaysanno, noloshu waa soo noqnoqonaysa iyadoo dhacdooyin noocya kala duwan leh. Waxaanan hubaa in haddii aad ka faa’idaysato khibradaada, in aad -Ilaahay idamkii- ku guulaysan doonto go’aanka aad qaadanayso.

Shanaad: La tasho dadka kale

Talada dadka waxay door muhiim ah ka ciyaartaa go’aan gaarista, gaar ahaan go’aanada muhiimka ah. La talinta dadka kale iyo ka faa’iidaysiga maskaxda dadka khibradda iyo aqoonta leh waxay kordhisaa garashada iyo kartida qofka si uu u ogaado waxyaabaha togan iyo kuwa taban. Waxaynu u malaynaynaa inaynu haysano xog iyo waayo-aragnimo ku filan go’aan qaadashada, laakiin markaan la tashano dadka, waxaynu ogaanaynaa inay naga maqan yihiin xog iyo khibrad badan. La-tashigu maaha mid meel-ka-dhac ku ah qofka ama calaamad muujinaysa in aanu qofku gaadhi karin go’aan; Maya, taa badalkeeda, waxay tilmaamaysaa ama muujinaysaa dhammaystiranka caqliga

Lixaad: Ha ka baqin khaladka

waayo run maaha in dhammaan go’aannadayadu ay sax yihiin. Laakin waxa saxan oo la rabo in aan ku dadaalno in aan qaadano go’aanka saxda ah, hadii aan liibaanayna waxaa mahad leh Allaha awooda leh. Khaladka waa in loo arkaa qayb ka mid ah nolosheenna caadiga ah, ma nihin kuwo aan khaldami karin, laakiin waxaan isku daynaa inta ugu macquulsan inaan hoos u dhigno boqolkiiba khaladaadka aan ku dhacno. Haddii aad go’aan qaadan waydo, ha is baabi’in oo maskaxdaada ha quudhsan, ee waxaad tidhaahdaa tani waa waayo-aragnimo aan ka faa’iidaystay, inaanan ku dhicin khalad la mid ah midkan maalmaha soo socda, markaa khaladka go’aan qaadashada waa barasho fursad kuu ah, ee ha lumin, waxayna kuugu kaydsanaanaysaa ogaalka waayo-aragnimadeeda iyo khibradahaaga nololeed.

Todobaad: Qaado mas’uuliyadda go’aannadaada

marka aad go’aan kasta qaadanayso, qaado mas’uuliyadda go’aankeeda iyo cawaaqibka ka dhalanaya, waxaana laga yaabaa in masuuliyadda qaadistu ay noqoto mid argagax leh oo aad joojiso go’aan kasta oo wax ku ool ah. Haddaba, waxaa muhiim ah in la barto hab-raacyada go’aan qaadashada oo loo dulqaato cawaaqibka ka dhalan kara qaadashada go’aankaaga.

Sii Daalaco: Faa’idooyinka Ay Leedahay Joogtaynta Shaqada

Sidoo Kale: Sideed U Kala Saari Lahayd Hawlaha Degdega Ah Iyo Hawlaha Muhiimka Ah?

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *