Maxaad U Baahan Tahay Si Aad Lacag Uga Samayso Google Adsense

Maxaad U Baahan Tahay Si Aad Lacag Uga Samayso Google Adsense
  • December 22, 2022
  • Comment 10

Maxaad U Baahan Tahay Si Aad Lacag Uga Samayso Google Adsense

Maxaad U Baahan Tahay Si Aad Lacag Uga Samayso Google Adsense

Maqaalkan, waxaynu ka hadlaynaa waxyaabaha aad u baahan tahay si aad lacag uga samaysid google adsense.

ka hor intaynaanu u guda galin maqaalkeenan aynu dul istaagno waxa laga wado google adsense.

Waa Maxay Google Adsense?

Google adsense waa madal ay leedahay shirkadda Google oo mas’uul ka ah qaybinta iyo baahinta xayaysiisyada.

Si kale hadii loo dhigo, Google adsense wuxuu u shaqeeyaa sidii dhexdhexaadiye oo kale oo uu u dhaxeeyo xayaysiiyaha raba inuu helo booqdayaal, iyo halkii ay xayaysiintu ka soo muuqan lahayd.

Waxyaabaha Aad U Baahan Tahay Si Aad Lacag Uga Samaysid Google Adsense

1. Helidda Fikrad

Waa inaad doorataa fikrad ku habboon danahaaga gaarka ah, waa haddii aad doonayso inaad adigu qorto maqaalka, islamar ahaantaana aad soo bandhigdo.

Laakiin se haddii aad rabto inaad cid kale u dirsato, waa in aad hubisaa in ay fikradu ku habboon tahay cidda la dirsanayo.

2. Iibsashada Domain Name Iyo Hosting

Marxaladdan markii la taagan yahay waxaad haysataa doorashooyin badan, Tusaale, hadii aadan haysan dhaqaale ku filan iibsashada domain name-ka iyo hosting-ka waxaad u weecan kartaa dhankaa iyo goobaha bixiya website-yada bilaashka ah, oo ay ugu horrayso blogger-ka.

Laakiin haddii aad haysato dhaqaale dheeri ah ama ku filan iibsashada domain name-ka iyo hosting-ka, markaa waxaa lagu talinayaa inaad iibsato Domain Name iyo Hosting.

3. Dhisidda Website

Doorashadani waxay kuxirantahay doorashadii hore. Haddii aad dooratay Blogger, waa qalab dhamaystiran oo lagu dhiso ama lagu sameeyo website-yada. Laakin se haddii dooratay iibsashada domain name-ka iyo hosting-ka waxaad si uun ugu baaahnaan in aad adigu dhisato ama samaysato website-ka. Waana tan ugu fiican, maadaama aad xur u noqonaysid website-kaaga, halka blogger oo ay bilaash tahay aanad adigu si toos ah u lahayn website-ka, oo ay dhici karto in ay shirkadda kaa delete-garayso sabab darteed, iyo sabab la’aaanba.

Si Kasta Oo Ay Tahay Sababta Ka Dambeysa Samaynta Website Kuu Gaar Ah, Waxaad Ku Sugan Tahay Goobta Saxda Ah Ee Aad Ka Heli Karto Dhamaan Wixii Aad Uga Baahnayd Samaynta Website Xirfad Leh (Bilaw Ilaa Dhamaad), Oo Kuu Gaar Ah Ama U Gaar Ah Ganacsigaaga.

Shirkadeena Ka GELLE BASHIR Ahaan, Waxaynu Ku Takhassusnay Samaynta, Qaabaynta Iyo Horumarinta Website-Yada, Haday Noqon Lahayd E-Commerce Website, Personal Website, Small Business Website, Portfolio Website, Blog Website, News Website, Educational Website, Event Website, IWM.

Sii Daalaco: Samaynta Website-Yada, Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixino

4. Bandhigidda Nuxur Faa’ido Leh

Halkan kama hadlayno nuxurka buuxinaya shuruudaha Google Adsense, si laguu aqbalo. ee waxaan ka hadlaynaa nuxurka booqdayaashaada siinaya qiimo dhab ah, islamar ahaantaana faa’iido leh.

5. Buuxinta Foomka Codsiga Google Adsense

Hadda, waxaad diyaar u tahay inaad codsato google adsene, si aad website-kaaga lacag uga samaysid, waxaana dhacdo ah, oo marar badani soo noq-noqota in ay shirkadu ku soo aqbali waydo, waxaase lagu talinyaa in mar walba la tixgaliyo oo dib loo eego arimaha ay kugu diideen, oo lagaaga baahan yahay inaad wanaajiso, ood dabeeto dib u codsato.

Halkaa marka aad marayso, waa labo mid uun, in ay shirkadu ku soo aqbasho, oo isla saacada xigtana aad lacag samaysid, iyo in ay ku soo diido, oo aad dib u eegtid waxyaabaha ay kugu diiday, oo aad isku daydo inaad xalliso, oo aad dib u codsato.

Ugu Danbayntii

Waxaan kuu diyaarinay Course dhamaystiran, oo aad kaga bogan lahayd wax kaste oo ku saabsiisan google adsense, (Bilaw ilaa dhamaad) oo kuu saamaxaysa inaad aqoon buuxda u yeelato google adsense, islamar ahaantaana aad lacag uga samaysid.

Sii Daalaco: 5 Websites ee igu lacag badan sanadkan

10 Comments

  1. Asc mclin Galle bashir
    Ustaad Allah danbigaaga hadhaafo
    Mclin waxaad tahay qof
    Runtii wadooyinbadan ihurseed

    Sida dhaqaale lowga sameeyo Online ka
    Sida blogger
    Affiliate marketing

    Mclin
    Maad ledihiin
    Suuq aad dharka ku iibisiin
    Haday jirto iisheeg waxaan Raaba inaan dharka soo iibsado kadibna dib usii iibiyo
    Alibaaba ayey dharku ku jaban yihiin lkin si loola xidhiidho ayan fahmi wayey

  2. Mclin website blogger ma idiinkaa Usamaynaya dhaan wixii website kaasi ubahanyahay sida
    hustiga MISE ardayga AYAA markuu course ka qaato isagaa iskii usamaysanaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *